Author: radiohalgan.com

Wafdi saraakiil ah oo ka socday dalka Masar uuna hoggaaminayay Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) oo ah madaxa akadamiyadda booliiska dalka Masar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho . Ujeedka socdaalka wafdigaan saraakiisha ah ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, oo saraakiisha kala hadli doono xiriirka labada ciidan iyo ka gacan siinta horumarinta booliiska. Wafdigan oo ka koobnaa seddex Jenaaraal iyo saraakiil kale ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxa ayna saraakiishan kulamo la qaateen taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale. Xubnaha kale ee wafdiga qeybta…

Read More

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn ee hareysay taliska Danab, kadib markii la musuqmaasuqay raashinkii ciidankaasi, taa oo keentay in Mareykanku  jaro taageeradiisa. Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay arrinta dhacday oo ay qiraal ka sameysay wasaaradda gaashaandhigga, oo iyadu shaacisay in saraakiil sare loo xiray falkaasi. Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in ay cadahay in la leexsaday raashinkii ciidanka, loona maamulay si ka baxsan nidaamka dowladnimda. Waxaa cadaatay in garaamkii loogu tala galay la musuqu-maasuqay, loona maamulay si baalmarsan nidaamka…

Read More

Muqdisho, 27-April-2024: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka SODMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kusoo dhaweeyay xarunta Hay’adda madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Ugu horreyn masuuliyiinta Hay’adda SODMA ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixin guud oo ah sida ay u shaqeyso iyo howlaha ay horay uga fulisay deegaanada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa hadda u qorsheysan. Maxamuud Macallin Cabdulle, guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee heer Dowlad-goballeed oo soo booqday xarunta Hay’adda. “Ugu horreyn waan ka mahadcelinayaa sida la iigu soo dhaweeyay xarunta SODMA, sida aad la socotaan Roobka Gu-ga ayaa…

Read More

Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladaha ka jira halkaasi, gaar ahaan isbaarooyinka iyo dagaallada beeleedyada. Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaadahy in haatan wixii ka dambeeyay aysan dowladdu aqbali doonin in isbaaro la dhigto deegaanada HirShabelle oo ah meelaha ugu daran. “Hadda Ilaahey yiraahdo qabiil ay meel isbaaro u ooleyso ma jiri doonto, warkeyga iska dheh maahinee waxaan jecelahay inay fulino” ayuu yiri taliyuhu. Intaas kadib taliyaha hay’adda NISA ayaa soo hadal arrimaha dagaal…

Read More

Mudaaharaadyo loogu baaayo jaamacadaha inay qaaddacaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka xiriirka la leh Israa’iil xilligan uu dagaalku socdo ayaa ka dhacay xarumaha jaamacado ku yaalla Maraykanka. Xiisadd ayaa cirka isku sii shareereysay tan iyo marki 7 Oktoobar uu ururka Xamaas weerarka qaaday, kaasoo keenay in gudaha Israa’iil ay ku dhintaan 1,200 oo qof, keenayna in Israa’iil ay weerar dhulka ah ku qaaddo Qasa, kaasoo ay ku dhinteen 34,000 oo Falastiiniyiin ah. Mudaaharaadyadi ugu horreeyey ayaa lagu arkay Jaamacadda Columbia ee New York, ka dibna waxay ku faafeen meelo kale o dalka ka tirsan. Magaalada Austin ee gobolka Texas, barasaabka ayaa askarta…

Read More

Bishii Abriil 1999, dhakhtarka Ameerikaanka ah ee Christopher Kerr ayaa goob joog u ahaa dhacdo beddeli doonta hankiisa xirfadeed. Mid ka mid ah bukaannadiisa, haweeney 70-jir ah oo lagu magacaabo Mary, ayaa geeri ku dhowaatay, iyadoo ay ku hareereysan yihiin afar carruur ah oo ay dhashay oo ku sugnaa qolka isbitaalka ee uu Kerr ka shaqeynayey. Mary ayaa mar qura soo fadhiisatay sariirta, waxayna bilowday in ay dhaqdhaqaajiso gacmaha sidii iyada oo aad u ruxayso ilmo ay iyadu kaliya arki karto, kaas oo ay u bixisay “Danny” una muuqatay in ay laabta galinayso isla markaana dhunkanaysa. Dareenkaas ayuu la yaabay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Daarusalaam kula kulmaya Madaxweynaha Dalka Tanzania oo ay kawada hadlayaan arrimo khuseeya labada Dal. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daauud Aways Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay kala saxiixan doonaan heshiis muhiim u ah labada dhinac. Daauud Aways oo kamid ah wafdiga la socda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in si heer sare ah loosoo dhaweeyay wafdigooda isla markaana ay guda-galeen kulamo gaargaar ah. Soomaaliya iyo Tanzania waxaa ka dhaxeeya cilaaqaad ku salaysan dhinacyada Siyaasadda & dhaqaalaha waxaana ay labada Dal…

Read More

Ardayda Jaamacadda Columbia University ee Dalka Maraykanka ayaa kordhiyay dibadbaxyada ay ku taageerayaan shacabka Falastiin ee dhibaatooyinka xooggan kala kulmaya ciidanka Israaiil ee garabka ka helaya Dalalka Reer Galbeedka. Maamulka Jaamacadda oo dhowaan qaatay go’aan culus oo ah in Ardaydu ay tacliinta ku qaadan doonaan muuqaalka fogaan-aragga si looga hortagayo dibadbaxyada sii xooggaysanaya ayaan baajin ama hakin tallaabadaas. Ardaydu waxa ay ku doodeen in dhibaatooyin ka dhan ah Aadanaha ay ka dhacayaan Falastiin isla markaana aanay afka laga qabsan karin, waxa ay ku dodeen in ay doonayaan in xal loo helo si loo badbaadiyo dadkaas dhibaatada lagu hayo. Waxaa is…

Read More

Xuutiyiinta Dalka Yemen ee muddooyinkii dambe beegsanayay Maraakiibta u socota dhinaca Israaiil, kuwa ay leedahay iyo kuwa sida gaar ah ugu adeega waddamada reer galbeedka ee xulufada la ah Tel Aviv ayaa weerar ku qaadday Markab laga leeyahay Dalka Ingiriiska. Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen Yaxya Sariic ayaa fariin uusoo diray ku sheegay in Markabkaan uu kasoo baxay Primorsk ee Dalka Ruushka kuna sii jeeday Magaalada Vadinar ee Dalka Hindiya waxaana soo gaaray waxyeello. Markabkaan oo laga leeyahay Ingiriiska ayaa watay Calanka Panama balse Xuutiyiinta oo helay xogtiisa ayaa ku beegsaday Badda Cas kaddib markii gantaallo laga soo tuuray dhinaca gudaha Jamhuuriyadda…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Numan Kurtulmuş. Kulanka ay yeesheyn labada Guddoomiye ayaa daba socdaa shirka 5-aad ee madasha baarlamaanada Qudus oo ka dhacay Magaaladaasi, kaas oo ay Soomaaliya ku mataleeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo dhigiisa dalkaasi Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaanada labada wadan, in si deg deg ah loo bilaabo wada shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada baarlamaan Iyo sidoo kale xorriyada Falastiin iyo xal ka gaaristeeda.…

Read More