Author: radiohalgan.com

Maalintii sedexaad ayaa waxaa magaalada Nairobi ka socoda shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya Joint Commission for Cooperation (JCC) inta u dhexeysa 3-da illaa 6-da May, 2024-ka. Shirkaan heerka farsamo waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya Mohamed Fatiir Agaasimaha Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Shirka  ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan Wasiirada Isniinta 6-da May kaas oo uu guddoomin doono Wasiirka arrimaha Dibada…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan Taliyayaasha qeybta Booliska gobolka iyo Saldhigga Beledweyne ayaa kormeeray shaqada laga haayo goobta loo asteeyay in lagu duubo Ugaaska Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa warbixin ka dhageestay guddiga howshaasi shaqo wado waxuuna faray saraakiisha amniga in aay sugaan amniga madasha Ugaaska lagu wado in lagu duubo.

Read More

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta markale u fariisatay kiiska dacwadda loo heysto Sayid cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay xaaskiisii. Eedeysanahaan ayaa horay waxaa dil toogasho ah ugu xukuntay Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegtay in lagu helay dilka uu u geystay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis. Fadhiga maanta waxaa Maxkamadda la hor keenay marqaatiyaal cusub oo ay ka mid yihiin shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee guriga tagay markii ay arkeen dabka iyo dhaqaatiirtii ugu horeysay ee loo geeyay Luul Sheekh Cabdicasiis ayadoo dhaawac ah, kuwaas oo sharaxay waxyaabahii ay arkeen. Maqaatiyaasha cusub ee…

Read More

Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dib u habaynta lagu sameeyay dastuurka dalka. Madaxweynaha Puntland iyo safiirka UK ayaa yeeshay wada hadal ku saabsanaa muhiimadda ay leedahay in laga wada xaajoodo dib u habeynta dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. “Iyagoo xoogga saaraya muhiimadda wadahadalka, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah sida dib u habeynta dastuurka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay bogga X ee safaaradda UK ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda UK…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay kulan looga hadlayey horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa furitaanka kulanka ka sheegay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon, xilli daba-yaqaada sanadkii tegay laga cafiyay Soomaaliya dhamaan deymihii lagu lahaa. Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin wasaaradaha wax-soosaarka dalka ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeel-dheer dhaqaalaha oo uu kamid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigayaa jihada…

Read More

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga dacwad Musuq-maasuq ah oo loo haysto masuuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu soo oogay eedeymo culus oo la xiriira xatooyo xoolo dadweyne. Warqad saddex bog ah oo ka soo baxday maxkamadda ayaa lagu sheegay in maalinta Talaadada ah ee 14-ka bishaan loo fariisanayo dhageysoga dacwadda. 12 masuul oo agaasimayaal hore u badan ayaa magacyadooda lagu cadeeyey warqadda, kuwaas oo kiis culus oo eedeymo musuq ah uu ka yaallo maxkamadda. Agaasimayaashii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Koofi iyo Cabdul ayaa ku jira masuuliyiinta magacyadooda lagu soo xusay warqadda maxkamadda. Sidoo kale, Agaasimihii…

Read More

Maaddada la dhaho “Political Communication” waxaa lagu bartaa muhiimadda ay xiriirka iyo la-hadalka dadku u leeyihiin fulinta ajandayaasha iyo siyaasadaha dawladda. Marka la isku xiraayo Siyaasadda iyo Xiriirka, waxaa la yiraa “Siyaasaddu waa hawl iyo hadal isla socda”. Haddii labadaas mid la waayo, kan kale waxba ma tarayo. Siyaasad hadal keliya ah waxaa fashilinaya hawl-la’aan. Mid hawl keliya ahna waxaa fashilinaya hadal-la’aan! Waxaan isku dayay inaan baaro xogta ku saabsan Qubuuraha la faagayo. Waxaan maqlay in dhulka loogu talogalay saldhig ay Turkigu u dhisayaan si loogu tababbaro ciidamo badda ah oo Soomaaliya loo diyaarinayo. Waa qeyb ka mid ah heshiiskii…

Read More

Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay, tuulooyinka Madiina, Subaan Salaamo, Fuumo, Jiroole, Dabarka iyo Ngumi oo 78 km ujira magaalada Kismaayo. Howlgalkan oo ahaa mid si wayn la isugu dubariday ayaa lagu soo qabqabtay rag lagu eedeeyay burcad badeednimo kuwaas oo amniga xeebahaasi liddi ku ahaa. Howlgalkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ilaa saaka waaberigiina soo gaaray ayaa waxaa hogaaminayey Taliyaha Qeybta Booliska Jubbada Hoose, Gaashaanle Sare Sadik Mohamud Dhogor iyadoo uu qayb ka ahaa  Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, ahna Duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullahi Maxamed (Faraweyne) Eedeysanayaashan ayay xeer ilaalintu maxkamadda horgeyn doontaa iyadoo lagu soo oogi…

Read More