Author: radiohalgan.com

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland. “Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah…

Read More

Ninkan Soomaali ah ayaa la xiray kadib markii lagu helay dambi ah in gabar wariye ah oo kasoo carartay Soomaaliya uu ku geliyo dalka Ireland isaga oo isticmaalaya sharci qaldan. Gabadha ayaa markii la qabtay sheegtay in dalkeeda oo aan ammaan ahayn awgiis ay isaga soo carartay, sidaasna ay isku arkeen ninkan oo tahriibinayay. Ninka lagu helay isaga oo si sharci darro ah kusoo gelinaya gabadha dalka Ireland ayaa xabsiga ku jiray muddo 18 bilood ah. Ninka oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cumar oo 31 jir ah ayey maxkamaddu u sheegtay in uusan helin wax lacag ah markii uu gabadha wariyaha…

Read More

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhaawaqay in ay ku qaadayaan ‘’guluf milatari oo xadiddan’’ bariga degmada Rafax, iyagoo ku baaqay in ay halkaasi ka baxaan 100,000 oo qof, oo deegaamaystay, degmadan ku taala koonfurta Qasa. Qoysaska qaar ayaa bilaabay in ay ka baxaan halkaasi, markii amarro uga yimaadeen ciidamada Israa’iil oo ah in ay ka baxaan aaggaasi. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaalad bini’aadanimo oo halis ah oo ka soo fool leh duulaanka Israa’iil ee degmada Rafax ee koonfurta Qasa, xili israa’iil ay soo bandhigtay doonisteeda ah in ay cagta mariso degmada milatari ahaan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay wajahayso…

Read More

Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in saliidda qumbaha ay jirka ka caawiso in uu iska difaaco fayraska iyo bakteeriyada. Waa saliid aad u muhiin u ah. Jirka ayaa mar la marsadaa, marna wad qadaneysaa, xata cuntada ayaad ku karsan kartaa. Saliidda qumbahu waxa ay xamili kartaa dab aad u kulul oo aanay saliidaha kale xamili karin. Muhiimadda ayaa ah iney Saliidda aad isticmaleysid ay ahaato mid dabiici ah (Organic ) oo saafi ah. Faaiidooyin-ka ay leedahay saliida qumbaha XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Saliidda qumbaha waxaa ku jira aashito loo yaqaan lauric acid taasoo awood u leh inay…

Read More

Bani’aadamka ayaa laga yaabaa inay xilliyadii hore cudurka juudaanka ka qaadeen xayawaanka dabagaallaha, sida ay sheegeen baarayaasha. Waxay daraaseeyeen lafaha bani’aadamka iyo dabagaallaha cas oo laga soo saaray goobo ku yaalla magaalada Winchester, ee koofurta England, waxayna ogaadeen inay si dhow ula xiriireen bakteeriyada cudurka sababta. Juudaanku waa xanuun ragaad ah oo faafa kuna dhaca bani’aadamka isagoo asiiba maqaarka, neerfayaasha iyo xuubka maskaxda. Weli looma maleynayo in qof ku nool UK oo xanuunkan qaaday muddo 70 sano ah balse weli wuxuu ka jiraa qeybo badan oo dunida ka tirsan. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Xayawaanka la yiraahdo Armadillos ayaa laga helaa bakteeriyada…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey. Wafdiga Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee  kenya Jabriil Ibraahim  Cabdulle. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka,…

Read More

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay in Wabiga Shabeelle, dhanka Beledweyne uu cabirkiisa kor u kacay. Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu wabiga ku dhowaaday heerka qatarta ah ee uu ku fataho, iyadoo ugu baaqday shacabka halkaas ku dhaqan inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada sida wabiyada iyo dooxyada. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegtay qaar ka mid ah maagoolinka dalka ay heleen roobkii ugu badnaa, iyada oo ku sheegtay in maamulka Hirshabeelle uu ka da’ay roob cabirkiis…

Read More

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdillahi Bidhaan Warsame, ayaa kulan la qaatay shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Muqdisho. Kulanka Wasiirka iyo Shirkadaha ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii ay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran u heli lahaayeen biyo nadiif ah, cafimaad qaba, qiimahoodu danyartu awoodi karaan, la’iskuna haleyn karo. Wasiir Bidhaan ayaa sidoo kale xoojiyey ahmiyadda ay leedahay in shirkaduhu midoobaan, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Wasaaraddu ka taageeri doonto shirkadaha dhinaca xirfadaha iyo tababbarada si looga miradhaliyo in dadweynaha Soomaaliyeed helaan biyo ku filan oo nadiif ah. Sida lagu yiri qoraal ka soo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa lagu soo warramay in uu markale dareemayo xannuun dhinaca wadnaha ah oo horay qalliin loogu sameeyay lagu guulaystay in lagu rakibo qalabka batariga ku shaqeeya ee macmalka ah. Netanyahu waxa ay dhaqaatiirtiisu kula taliyeen in uu nasasho badan sameeyo isla markaana ka fogaado wax weliba oo kordhin kara cadaadiska wadnihiisa maadaama uusan si dabiici ah u shaqayneen oo uu qalliin galay. Dhaqaatiirta gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Israaiil ee Benjamin Netanyahu ayaa 1dii Abriil sanadkaan 2024 kula taliyay in uu sameeyo nasiino badan si uu jirkiisa u helo soo kabasho…

Read More

Xamaas ayaa goor dhow sheegtay inaysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wadahadallada ka socda Qaahira, iyagoo intaa ku daray inaysan aqbali doonin heshiis aan soo afjarayn dagaalka, sida ay sheegtay Al-jazeera. Sarkaal Falastiini ah ayaa dhankiisa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in wafdiga Xamaas ee yimid Qaahira inay go’aan ku gaareen in heshiis la gaaro, laakiin ma aha inay qaadan doonaan heshiis walba, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Heshiiska waa inuu soo afjaraa dagaalka oo ciidamada Israa’iil laga saaro Qasa, Israa’iilna weli ma aysan go’aansan in ay diyaar u tahay inay sidaas sameyso,” Sida ay wakaaladdu…

Read More