Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku dhawaaqay in uu aqbalay heshiiska lagu gaarayo dhabbaha xabbad-joojinta ee garwadaynku ka yihiin Dalalka Carbeed ee Qatar iyo Masar si loosoo afjaro xabbadda ka socota Bariga Dhexe. Xamaas ayaa sheegtay in aanay marnaba diidaneen xabbad-joojin balse ay kasoo horjeeddo qorshaha ka imaanaya dhinaca Yuhuudda si ay uga waji-meerato guuldarrada iyo jabka culus ku gaaray dagaalka soo billowday 7dii Oktoobar 2023. Israaiil ayaa si cad u diiday go’aanka Xamaas ee aqbalidda heshiiska lagu dhalinayo xabbad-joojinta waxaana ay ku doodday in weli howshu tahay mid qabyo ah oo aanay lagu dhex arkin shuruudaha ay dhankeeda wadato. Yuhuudda oo…
Buulo-Burte(Radiohalgan.com)- Beesha Cali Madaxweyne ayaa si Meeqaam sare leh usoo dhaweysay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas khaliif Degmada Buula-barde Hoos ka daawo Sawirro
Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Talaado ah markii shanaad loo dhaarinayaa xilka Madaxweyne ee Dalkaas kaddib markii uu ku guulaystay doorashadii dhowaan ka dhacda Waddankaan. Caleema-saarka Madaxweyne Putin ayaa kala qaybisay Dalalka Mucaaradsan tallaadii uu Ukraine ku weeraray iyada oo ay jiraan Dalal ka qaybgalaya xafladdaan maanta ka dhacaysa aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka. Faransiiska iyo Dalal kale ayaa la ogaaday in ay diblumaasiyiin u dirsadeen ka qaybgalka Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Vladimir Putin halka Maraykanka, Ingiriiska & waddamo kooban ay diideen. Warbaahinta Dalalka mucaaradsan Putin ayaa maanta billowday baahinta warar ka dhan ah munaasabaddaas…
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dowladda Hirshabeelle Farxaan Cumar Carte ayaa kormeertay xaaladda qoysaskii ka barakacy Fatahaad horu-dhac oo Wabiga shabeelle uu ka sameeyay qeybo kamid ah magaalada Beledweyne kuwaas oo daadsan deegaanno dhaca duleedyada Beledweyne. Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dowladda Hirshabeelle Farxaan Cumar Carte ayaa warbixin ku aadan baahiyaha aay qabaan qoysaskaasi ka dhageysatay waxa aayna ugu baaqday Hay’adaha gar-gaarka in qoysaskaasi la caawiyaan dhismaha hoy iyo helista gurmadyo Raashiin Biyo Daawo IWM. Mss Farxaan Cumar Carte Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dowladda Hirshabeelle ayaa lagu yaqaan in aay barakacayaasha iyo qoysaska danyarta caawiso xilliyada adag.
Jowhar, 6-May-2024: Shirka Gollaha Wasiirrada waxaa maanta shir-guddoomiyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxana diirrada lagu saaray arrimo dhowr ah. Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhageystay Wasaarrada Amniga Guddaha oo si faahfaahsan u soo gudbisay xaaladdihii amni ee ugu dambeeyay iyo halka uu maarayo baacsiga Khawaarijta. Sidoo kale Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Gollaha Wasiirrada la wadaagtay bandhig dhaqameed ay toddobaadkan ku qabatay degmada Aaden Yabaal oo ka mid ah goobaha laga xorreeyay cadowga. Wasaarradaha Arrimaha Guddaha, Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Xanaannada iyo Xoolaha ayaa soo gudbiyay waxqabadkooda iyo halka ay…
Wasiirka Maaliyada Hirshabelle Mudane Cabdirahiin Ciise Cadow oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Maxamuud Maxamed Nuur ayaa maanta si weyn loogu so dhaweeyey Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe Shacabka Degmada oo isugu jiray Odoyaasha dhaqanka,Haweenka,Dhalinyarada,Barbaarta gaashaaman iyo Maamulka Degmada oo isugu so baxay wadooyinka Magaalada ayaa so dhaweeyey Wasiirka iyo Gudoomiyaha So dhaweyn kadib Mas’uuliyiinta ayaa shacabka Ceelbaraf uga mahadceliyey so dhaweynta ay u sameeyen iyagoo xusay in Ceelbaraf tahay Magaalo dhibaatooyin badan kala kulantay aragagixisada balse shacabka iyo Dowlada ay si wadajir ugu Guuleysteen in laga xureeyo hada u Diyaarsan nidaamka Dowladnimada iyo in ay la…
10-Qodob oo Xasaasi ah Madaxweynaha Dowlada Hiiraan State Muddane Abduqaadir Husen Collow Daawo oo Share-gareey https://youtu.be/03OxfJC-Ppw?si=0_Gpo23K4I2F7BGg
Gudoomiye Cabdirashiid Cabdicasiis Cilmi ayaa yiri Ciidanka Macawisley oo ku Hanjabay in Amniga Caleema Saarka Ugaas Yusuuf cid iyaga aanan aheyn aysan sugeyn. https://youtu.be/ZBmQzC2Hjus?si=EDGiFBJ8ggdwIx6i
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay weerar maanta lagu dilay Malaaq Manuur Yuusuf Maxamuud oo ahaa Malaaqa guud ee beesha Leysaan. Malaaq Manuur Yuusuf ayaa la sheegay in dilkiisa ay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan degmada Bardaale, kuwaas oo ku weeraray hoyga uu ka dagan yahay Malaaqa degmada Bardaale ee gobolka Baay. Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dilka Malaaqa uu ka dambeeyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen. “Waxa maanta ka…
Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxay soo saartay digniin dhinaca saadaasha hawada ah oo ku socota dadka ku nool degaanada ku dhow dhulka webiga Shabeelle. Wasaaradda deegaanka ayaa sheegtay in webiga Shabeelle, dhanka magaalada Beledweyne uu cabirka wabiga kor u kacay una dhowaaday heerka uu ku fatahi karo webiga. Waxay ugu baaqday shacabka in ay ka dheeradaan goobaha biyo mareenada sida webiyada iyo dooxyada. Dhowr meelood oo Soomaaliya ka tirsan ayaa helay roobab dhexdhexaad ah Bishan May, iyadoo roobabka xooggooda laga soo sheegay, Hirshabeelle, Puntland, iyo Jubbaland. Weriyaha HOL uga soo warama degaanada Puntland ayaa…