Author: radiohalgan.com

Ciidamada Itoobiya kama sii mid ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya, waxaana dhamaantood laga saari doonaa dalka, si ka duwan wadamada kale ee ciidamada ATMIS ay ka socdaan. Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya lagu daro gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud. La-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ee dalka jooga ayaa aad u badan lagamana hayo tiro rasmi ah,…

Read More

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa markii u horeysay ka hadlay muranka ka dhashay lacagta ku baxday diyaarad khaas ah oo uu u isticmaalay safarkii uu ku tegay Mareykanka toddobaadkii tegay. Ruto ayaa sheegay in kharashka ku baxay diyaaraddaasi ay aheyd $76,000, oo aysan aheyn $1.2 milyan, sida ay weriyeen warbaahinta Kenya. Ruto ayaa sheegay in dal saaxiib la ah Kenya uu u yaboohay diyaarad raqiis ah kadib markii uu raadin sameeyey islamarkaana uu ka fakaray inuu isticmaalo diyaaradda dalka ee Kenya Airways. Madaxweynaha ayaa toddobaadkii tegay Mareykanka ku tegay booqasho qaadatay afar maalin, halkaasi oo madaxweynaha Mareykanka ee marti-qaaday Joe…

Read More

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu soo xiray dalka Turkiga. Saraakiishan ayaa muddo halkaasi ku qaadanayay koorsooyin la xariira barashada qibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dalka looga sifaynayo argagixisada. Saraakiishan oo la filayo inay dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa la rajaynayaa in ay gacan wayn ka gaysan doonaan horumarinta howl-galada sifaynta ee ciidanka xoogga dalka wadaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhaman howl shaqeedyada kale ee ciidanka xoogga dalka qaranka. Turkiga ayaa kamid ah dowlahadaha waa weyn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qayb…

Read More

Taliyaha hey’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka furay shir aayo ka tashi ah oo gogoshiisa uu isagu dhigay. Taliye Sanbaloolshe ayaa gogoshaas u dhigay jifadiisa hoose ee Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle, isagoo kula taliyey inay aayahooda ka tashadaan oo sameystaan hoggaamiye dhaqameed ay isku raacsan yihiin. Sanbaloolshe ayaa sheegay in markii hore beeshaan uu Nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure oo lagu dilay dagaaladii Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Taliyaha NISA ayaa shirka Maxaas ka furmay ka sheegay in jufadiisa Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen…

Read More

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gudaha dalka. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka todobaadkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab iney ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeelooyinka Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool. Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in ciidamada dowladda ay howlgaladaasi khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay gabaadyo ay kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada oo ay ku lahayeen goboladaas. “Ciidanka Xoogga dalka ayaa cagta mariyay goob Maleshiyada Al-shabaab u aheyd goobo lagu…

Read More

Qaraar ay kasoo shaqeysay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay iskaashi kala sameysay in ka badan 20 dowladood ayaa lagu ansixiyay shirweynaha Caafimaadka Aduunka oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Swistzerland. Hindisahaan lagu ansixiyay shirweynaha Caafimaadla Aduunka ayaa ku baaqaya in wadamada caalamka iney si weyn u dhimaan dhimashada hooyada iyo dhallaanka. Waxaa la sheegay in guud ahaan Caalamka sanad walba ay ku dhintaan haween gaaraya 287,000 xiliyada ay Uurka leeyihiin iyo dhalmada, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in sanad walba ay dhintaan 4 Milyan yo 900 oo kun oo ah dhalaan da’doodu ka yartahay 5 sano. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka…

Read More