Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhan ah ‘AS’ oo ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle lagu dilay ugu yaraan 19 xubnood. Warka NISA ayaa intaas lagu daray howlgalkaan uu ahaa mid ciidanka Nabadsugidda ay ka fuliyeen goob qarsoodi ah oo ‘AS’ ku sugnaayeen isla markaana isku uruursanayeen laguna qaarsiiyay khasaaraha intaas la eg waa sida hadalka loo dhigay. Halkaan ka aqriso warka kasoo baxay Hay’adda NISA: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee isugu jira weerarrada lugta ah…
Kulan ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadka 2025-ka, taas oo gaareysa $1,342,476,311, iyada oo hal ku dhig loogu dhigay KU TIIRSANAANTA AWOODDEENA DAKHLI. Meelmarinta miisaaniyadda oo dood iyo falan qeyn ay ka yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la soo jeediyey in ay mushaar kordhin loo sameeyo ciidanka dowladda, balse soo jeedinta qaar ka mid ah Xildhibaannada waxaa qaadacay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Dooda Xildhibaannada ayaa salka ku haysay kor u qaadista mushaarka ciidanka dowladda, taas badalkeed Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in ciidanka qaar loo waayey mushaar,…
Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxuyadiin, ayaa heshiis la saxiixday Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada guud ee Uganda, ahna ku-simaha Taliyaha Ciidamada dalkaas, Lt Gen Sam Okiding. Heshiiskan ayaa ku saabsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo bilaaban doona sanadka 2025. Dowladda Uganda ayaa hore u sheegtay in ay diyaar ka mid noqoshada howlgalka cusub Midowga Afrika ee AUSSOM. Dowladda Soomaaliya faahfaahin dheeraad ah kama bixin heshiiskan, inuu la xiriiro ka mid noqoshada howlgalka cusub ee dowladda Uganda, balse Ciidamada Uganda ayaa kamid ah askartii ugu horreeyay ee nabad ilaalin u yimaada Soomaaliya, iyaga oo ku…
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyada oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasaaradaha gaashaandhiga iyo amniga, waxaana ay ka hadleen Qiimeynta Qaranka ee la-dagaallanka AS iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee kooxahaasi. Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka AS iyo Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029). Kulanka Golaha wasiiradda ayaa ku sooa adaya xilli ciidamada xoogga gobolada dalka ka wadaan…
Jude Bellingham waxa uu xaq u leeyahay in uu ka cadhoodo Kylian Mbappe sababtoo ah waxa uu isku dayayaa in uu u qabto shaqada Mbappe sida uu sheegay Thierry Henry sababtoo ah waxa uu isku dayayaa in uu u qabto shaqada. Xiddiga reer England ayaa laaday caagad biyo ah kadib markii la badalay daqiiqadii 74-aad iyada oo Real Madrid 3/1 ku hogaaminayso ciyaarta kooxda Ac Milan. Real Madrid ayaa u muuqata kuwo kala scoda xilli ciyaareedkan kadib markii ay la soo saxiixdeen Mbappe iyaga oo 9 dhibcood ka dambeeya Barcelona La Liga halka ay champions League ku jirto qaybta hoose.…
– Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta ciidanka birmadka booliska. S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa faray saraakiisha iyo ciidanka birmadka booliska ee uu la kulmay inay dardar-geliyaan howlaha amni ee horyaala, isagoo kula dardaarmay in loo turo bulshada loo adeegayo. Ciidanka birmadka booliska ayaa u xil-saaran ka hortagga rabshadaha, ilaalada xarumaha dowlada iyo garab siinta ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran la-dagaalanka argigixisada iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed. Dhinaca kale, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Diyaano ayaa kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay kamid yihiin taliska ciidanka nabad-galyada waddooyinka (Taraafiko)…
Donald Trump waxa uu hadda ka hor ku faanay “inuu waxa uu doono sameyn karo,” taasi oo qeexday ololihiisii koowaad ee doorashadii uu ku guuleystay 2016 – isaga oo sheegay inuu qof ku toogan karo Waddada 5th Avenue ee New York, haddana oo aanu lumineyn xitaa hal cod. Sideed sano kadib, madaxweynaha soo socda ee 47-aad ee Mareykanka, wuxuu u muuqdaa nin aan la joojin karin, isaga oo ku guuleystay furayaasha Aqalka Cad Arbacada maanta ah. Waa ninka ugu muranka badan dalka, isagoo si dirqi ah uga badbaaday isku day dil, waxaana isaga oo 78 jir ah uu noqonayaa qofkii…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa qadka taleefanka ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Suudaan Dr. Cali Yuusuf Axmed, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Danjire Fiqi ayaa Dr. Axmed u rajeeyay guul ku aaddan xilka cusub, isagoo ku dhawaaqay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan. “Labada wasiir waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinnimada ka dhexeysa Soomaaliya iyo Suudaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Fiqi. Labada Wasiir ayaa isku raacay inay sii horumariyaan iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo dadaallada xasilloonida gobolka ee ku qotoma danaha wadajirka…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donlad Trump, kaas oo dib u doorashadiisa ay mucjiso ku noqotay adduunka. “Hambalyo Madaxweynaha la doortay Donald Trump. Waxaad sharaf u leedahay inaad mar labaad u adeegto dadka Mareykanka sanadaha soo socda, waxaan rajeynayaa in Soomaaliya iyo Mareykanka ay sii xoojiyaan xiriirka laba geesoodka ah ee dhammaan dhinacyada faa’iidada u leh labada dhinac, oo ay ku jiraan amniga iyo ganacsiga” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo. Donald Trump ayaa mar kale oo doortay Madaxweynaha Mareykanka, xiligii uu Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya ayuu Trump Madaxweyne…
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris. Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo. Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne. Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan…