Author: radiohalgan.com

Kooxda kubadda Cagta ee Bayer 04 Leverkusen kana dhisan Dalka Jarmalka ayaa sii kordhisay muujinta awooddeeda ah in aanay weli dhadhamin guuldarro waxaana la waayay 49 kulan oo xiriir ah guud ahaan tartama cid dhinaceeda dhulka dhigta. Leverkusen ayaa xalay xaqiijisay in ay gaartay ciyaarta kama dambaysta ah ee horyaalka labaad ee Qaaradda Yurub ee Europa League iyada oo kulanka kama dambaysta ah wajihi doonto Kooxda reer Talyaani ee Atalanta. Naadiga sanadkaan mucjisada Jarmalka iyo Yurub ku noqday ee Bayer Leverkusen ayaa dhowr kulan is furatay waqti dambe waxa ay xitaa kasoo laabatay goolal ka badan labo, marar kala duwan…

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo shaqo joojin ku sameeyay 4 Wasiir oo qeyb ka ah Gollaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle. Xubnaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah:- Mudane Maxamed Faarax Cali, Wasiirka Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka. Mudane Sakariye Khaalid Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha. Marwo Raxma Maxamed Guulle, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha. Mudane Aadan Maxamed Muuse, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska. Masuuliyiinta shaqo joojinta lagu sameeyay ayuu Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka u cuksaday xil-guddasho la’aan shaqo oo la xiriirta masuuliyadda loo idmaday. Shaqadda Wasaarradahaan waxaa sii wadi doono Wasiiru-Dowlayaasha…

Read More

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, in ay wada hadalo kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii Soomaaliya ay dalbatay in meesha laga saaro jiritaanka xafiiska (UNSOM). Afhayeenka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ari Gaitanis, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay raacaan tilmaamaha Golaha Ammaanka, wuxuuna xusay inay mar walba ka go’an tahay inay iskaashi la yeeshaan oo ay taageeraan dowladda Soomaaliya. Ari Gaitanis wuxuu sheegay, in labo sano ka hor uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sameeyay dib u eegis ku talinaysay in la sameeyo marxalad kala guur ah oo laga guurayo UNSOM, loona…

Read More

Dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in la baabi’iyo xafiiska UNSOM ku tilmaamtay, go’aan aan laga fiirsan oo Qar iska xoornimo ah. Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlayay BBC Soomaali, ayaa u sheegay, xafiiska xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya ee UNSOM, in uu kaalin muuqata ku leeyahay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay, xilligan, in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha, sidaas darteed wuxuu sheegay xafiiska UNSOM inuu door wanaaagsan ku leeyahay u qareemidda  iyo difaaca qaddiyadda dowladnimada Soomaaliya. “Xasan isagaa maalin kaste…

Read More

Khabiirka Madaxa Banaan ee QM ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Isha Dyfan oo soo gabagabeysay booqashadeedii saddexaad oo ay ku tagtay Soomaaliya, ayaa muujisay welwel ku saabsan is-afgarad la’aanta wax ka beddelka lagu sameeyay cutubyada dastuurka dalka. Isha Dyfan, waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan wadahadalada si loo ilaaliyo horumarka kor loogu qaadayo dimuqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Khabiirka Madaxa bannaan ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in ay sii wadaan kaalmadooda Soomaaliya ee ku aaddan “xoojinta hay’adaha Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, iyo waaxda cadaaladda iyo amniga,” iyo “wax ka qabashada saameynta…

Read More

Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegaya in Beeralayda Basasha ee Godey uu soo wajahay cudur lagu magacaabo Marooriye, kaas oo ku dhacay basashii ay beeralaydu tabcadeen isla markaana ka yeelay basashii mid aan la isticmaali karin. Cabdiqani oo kamid ah beeralayda uu cudurkani saameeyay ayaa Warbaahinta u sharxay qaabka uu cudurkani basasha ugu dhaco isagoo yiri ” Basashu waa geed yar oo sida cowska oo kale ah Dabaysha iyo roobka socda ayaa qaloocinaya markaas ayay dhacaysaa xididkana way ka qalalaysaa kadibna way jabaysaa, markaa basashii la rabay inay kor u baxdo oo ay hoos…

Read More

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in lagu degdegay go’aanka ay Soomaaliya ku codsatay in aan dib loosoo cusboonaysiin waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Axmed Ciise Cawad oo la hadlayay VOA Soomaali, ayaa aaminsan in aan weli laga maarmi karin shaqada uu xafiiska UNSOM u hayo dowladnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay hay’adaha dowladda Soomaaliya, inay u baahan yihiin gacan qabasho. Ambassador Axmed Ciise wuxuu sheegay Golaha Ammaanka inay u badan tahay in aanay taageeri doonin go’aanka dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay qaar kamid xubnaha Golaha Ammaanka, sida Maraykanka, Ingiriiska, iyo Faransiiska, in ay aaminsan yihiin…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya, ayaa ka wada-hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Sida uu goordhoweyd baahiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza iyo Ruto ayaa kulankaan diirada ku saaray dhinacayadda ganacsiga, amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo xasilloonida guud ee gobolka. Kulankaan ayaa ahaa mid mira-dhal ah, waxaana uu imanaya maalmo kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya ay qalinka ku duugeen heshiisyo dhowr ah, oo qeyb…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Hiraan ee mamulka hiraan state mudane cabdirashiid cabdicasiis cilmi ilkace ayaa xaruunta mamulka gobolka kulan kula qaatay odiyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beelweynta Yabar Madaxweyne Ee Magaalada Baladweyne kuwaas oo si buuxda u tageray nidaamka dowlada hiiraan state ee uu hogamiyo madaxweyne cabdiqadir xuseen coloow. https://youtu.be/-AqM-JHMhpk?si=I_dPIWb5vSNoY7dr Guddoomiyaha gobolks Hiiraan mudane Cabdirashiid Cabdicasiis Cilmi ayaa uga mahadceliyay Odayaasha dhaqanka doorka aay ka qaateen Nabadda Midnimada iyo Horumarka Gobolka Hiiraan waxuuna ugu baaqay in aay dadaalkooda laba jibaaraan. Gudooomiye Ilkacase tan iyo markii xilka loo magacaabay waxuu dar-dar galshay howlaha maamulka Nabadda iyo is dhaxgalka bulshada, waxuuna si dhow ula shaqeeyaa…

Read More