What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Daarunimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka dhacay dagaal kooban. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Daarunimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka dhacay dagaal kooban. Al-Shabaab ayaa waxaa u suuragashay inay muddo saacado ah la wareegaan deegaankaas, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab muddada ay joogeen…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay todobaadkii hore ku dalbatay in lagu xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), iyada oo markaas sheegtay in horumar ballaaran ay ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka. “Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo…
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen agagaarka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Howlgalkan oo ka dhacay Kuunyo Buurow ayaa waxaa lagu soo qabtay Horjooge magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Ali Dhaayow oo ka tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab. Qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo looga hadlay howlgalkan ayaa lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna soo qabtay Horjooge Dhaayow. “Howlgal Qorshaysan oo Ay Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ka fuliyeen tuulada kuunyo buurow oo 30km dhanka Galbeed kaga beegan Degmada…
Daawo Ugaas Yuusuf oo u duceeyay Beelweynta Yabar Madaxweyne Ayaa Manta Oo Jimca ah Sagootin Heerkeedu Sareeyo Ugu Sameysay Degmada Buulo-burte Ee Gobolka Hiiraan Ugaas Yusuf Ugaas Xasan , Hoos ka Daawo Muqaalka https://youtu.be/6k9ZxmAwRNw?si=SKqeYOqodBm1Bdo5
Baladweyne Magaalo kuma ahaan karto wax tuugsi lagu keeno waa in dadkeedu kacaan”Duqa Baladweyne” https://youtu.be/3J3JsVu6i_g?si=2eDDEEs8qfX3MDRT
Agaasime Sanbaloolshe iyo Xildhibaano ka tirsan BFS oo hal arin u soo gaaray Baladweyne. https://youtu.be/d1vttGTod9o?si=qdEDBIiRbYMA8xDN
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay awaamiir cusub ayaa sheegtay in sanadkaan Ardayda galeysa Imtaxaanka Qaranka ee ku yimaada xaaladaha degdeg ah in aysan gali doonin Imtaxaanka. Agaasimaha guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta ahna Guddoomiyaha guddiga imtixaanka Qaranka Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa Seddex farriimood oo muhiim ah u diray ardayda sannadkaan imtixaanka galeysa iyo waaliddiintooda Agaasimaha ayaa fariinta koowaad uu ardayda la wadaagay ku sheegay in sanadkaan imtaxaanka lagu soo kordhiyey maadada ICT oo markii ugu horreysay ay la qaadayo, ka dib markii afar sanno ka hor…
Waxaa falanqayn badan laga sameeyay hadalka kasoo yeeray Maraykanka ee la xiriira in Israaiil ay ka diiday in ay ka joogsato ama ka baaqsato howlgalka Militari ay doonayso in ay ka fuliso Rarax oo gabbaad u ah Dad badan oo halkaas ku nool. Warbaahinta Gudaha Maraykanka iyo Tan Israaiil ka howlgasha ayaa si cad u sheegay in Xukuumadda Benjamin Netanyahu gaar ahaan Wasiirrada katirsan Yuhuudda Madaxa adag ay diideen joojinta duullaankaas. Waxa ay intaas ku sii dareen in diidmadaas ay tahay mid ay isku wada ogyihiin labada dhinac isla markaana Xukuumadda Washington ay doonayso haddii khalad uu ka yimaado howlgalkaas…
Taliyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Ciidanka Cirka Kenya Major General Faadumo Axmed ayaa si rasmi ah ula wareegtay xilkaas waxaana ay noqotay Haweeneydii ugu horreysay ee Dalkaas ka qabata Xilkaan. Faadumo waxa ay in muddo katirsanayd ciidanka Militariga Kenya gaar ahaan kuwa Cirka ee ilaaliya Hawada Dalkaas waxaana ay xilka kala wareegtay John Omenda oo laga dhigay ku xigeenka taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF). Taliyaha xilka wareegay ayaa xafladda uu xilkaan ku wareejinayay ka hadlay ayaa sheegay in Major General Faadumo Axmed ay tahay sarkaalad u heelan shaqada loo igmaday waxaana uu ciidamada ka dalbaday in ay…
War kooban oo kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ku sugan Saldhigga Degmada Dharkaynlay ay gacanta ku dhigeen Nin ku eedeysay in Degmadaas ku dilay balse baxsad lagu daba-joogo uu ahaa. Booliiska ayaa soo bandhigay Ninkaan ku eedeysan in uu dhaawac u gaystay Ismaaciil Yuusuf Axmed Iana Muumino Maxamed Cumar oo 40 jir ah oo markii dambe u geeriyooday dhaawacaas sida lagu sheegay qoraalka Booliiska. Lama shaacin Magaca eedeysanaha uu Booliisku soo bandhigay Sawirkiisa waxaana loo gudbinayaa Hay’adaha Baarista si loo diyaariyo galdacwadeedkiisa loo gudbinayo Maxkamadda awoodda u leh kiiskaan. “Howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar…