Author: radiohalgan.com

Shir laba geesoodka ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan oo daba socda heshiisyo xasaasi ah oo labada dhinac ay shalay ku saxiixeen Kenya ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee labada dal. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika. Kulanka oo ay ka qeyb-galeen xubno ka socday…

Read More

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle mudane Abdirahman Dahir Guure Karoore ayaa xilkii ka qaaday ; Maxamud Axmad lidow Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Jalalaqsi. Islamarkaana waxa uu u magacaabay: Xuseen Cumar Axmad Bashir Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Jalalaqsi. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE HIRSHABELLE

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Weliye ayaa kulan mira dhal ah la qaatay qaar kamid ah Nabadoonada dhaqanka Beesha Cali Madaxweyne gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha gobolka ayaa uga mahadceliyay Odayaasha dhaqanka doorka aay ka qaateen Nabadda Midnimada iyo Horumarka waxuuna ugu baaqay in aay dadaalkooda laba jibaaraan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye tan iyo markii xilka loo magacaabay waxuu dar-dar galshay howlaha maamulka Nabadda iyo is dhaxgalka bulshada, waxuuna si dhow ula shaqeeyaa qeybaha bulshada oo Odayaasha dhaqanka ugu horeeyaan

Read More

Ku simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka D/G/Hirshabelle Mudane Yuusuf Ahmed Hagar `Dabageed’ Ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirada kala ah. 1: Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka Maxamed Faarax Cali. 2: Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Zakariye Khaalid Cabdi. 3: Wasiirka wasaarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka Raxmo maxamed Gulle. 4:Wasiirka War-faafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Maxamed Muuse.

Read More

Dalka Hindiya waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacaysa Doorashada wajiga saddexaad oo ay ku loolamayaan mucaaradka iyo xisbiga talada Dalkaas haya si loo xaqiijiyo awoodda dhinac weliba uu ku leeyahay Dadka codaynaya. 11 Gobol oo kamid ah Gobollada Dalkaas isla markaana uu ku jiro kan uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ee Gujarat ayaa laga codaynayaa iyada oo dhinacyada loolamaya ay indhaha la raacayaan natiijada ay filan karaan. Hindiya waxa ay Doorashada ka billaabatay 19kii Abriil sanadkaan 2024 iyada oo la qabtay wareegyada 1aad iyo 2aad halka wajiga 3aad maanta si toos ah loo guda-galayo sida ay xaqiijiyeen…

Read More

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku dhawaaqay in uu aqbalay heshiiska lagu gaarayo dhabbaha xabbad-joojinta ee garwadaynku ka yihiin Dalalka Carbeed ee Qatar iyo Masar si loosoo afjaro xabbadda ka socota Bariga Dhexe. Xamaas ayaa sheegtay in aanay marnaba diidaneen xabbad-joojin balse ay kasoo horjeeddo qorshaha ka imaanaya dhinaca Yuhuudda si ay uga waji-meerato guuldarrada iyo jabka culus ku gaaray dagaalka soo billowday 7dii Oktoobar 2023. Israaiil ayaa si cad u diiday go’aanka Xamaas ee aqbalidda heshiiska lagu dhalinayo xabbad-joojinta waxaana ay ku doodday in weli howshu tahay mid qabyo ah oo aanay lagu dhex arkin shuruudaha ay dhankeeda wadato. Yuhuudda oo…

Read More

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Talaado ah markii shanaad loo dhaarinayaa xilka Madaxweyne ee Dalkaas kaddib markii uu ku guulaystay doorashadii dhowaan ka dhacda Waddankaan. Caleema-saarka Madaxweyne Putin ayaa kala qaybisay Dalalka Mucaaradsan tallaadii uu Ukraine ku weeraray iyada oo ay jiraan Dalal ka qaybgalaya xafladdaan maanta ka dhacaysa aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka. Faransiiska iyo Dalal kale ayaa la ogaaday in ay diblumaasiyiin u dirsadeen ka qaybgalka Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Vladimir Putin halka Maraykanka, Ingiriiska & waddamo kooban ay diideen. Warbaahinta Dalalka mucaaradsan Putin ayaa maanta billowday baahinta warar ka dhan ah munaasabaddaas…

Read More

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dowladda Hirshabeelle Farxaan Cumar Carte ayaa kormeertay xaaladda qoysaskii ka barakacy Fatahaad horu-dhac oo Wabiga shabeelle uu ka sameeyay qeybo kamid ah magaalada Beledweyne kuwaas oo daadsan deegaanno dhaca duleedyada Beledweyne. Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dowladda Hirshabeelle Farxaan Cumar Carte ayaa warbixin ku aadan baahiyaha aay qabaan qoysaskaasi ka dhageysatay waxa aayna ugu baaqday Hay’adaha gar-gaarka in qoysaskaasi la caawiyaan dhismaha hoy iyo helista gurmadyo Raashiin Biyo Daawo IWM. Mss Farxaan Cumar Carte Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Dowladda Hirshabeelle ayaa lagu yaqaan in aay barakacayaasha iyo qoysaska danyarta caawiso xilliyada adag.

Read More

Jowhar, 6-May-2024: Shirka Gollaha Wasiirrada waxaa maanta shir-guddoomiyay ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxana diirrada lagu saaray arrimo dhowr ah. Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhageystay Wasaarrada Amniga Guddaha oo si faahfaahsan u soo gudbisay xaaladdihii amni ee ugu dambeeyay iyo halka uu maarayo baacsiga Khawaarijta. Sidoo kale Wasaarrada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Gollaha Wasiirrada la wadaagtay bandhig dhaqameed ay toddobaadkan ku qabatay degmada Aaden Yabaal oo ka mid ah goobaha laga xorreeyay cadowga. Wasaarradaha Arrimaha Guddaha, Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Xanaannada iyo Xoolaha ayaa soo gudbiyay waxqabadkooda iyo halka ay…

Read More