Author: radiohalgan.com

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliya oo u Wehliya Gudoomiye kuxigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle, Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo dib u dhiska Mudane Cabdi Xuuf, ayaa Salaan ugu yimaaday Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, hoygiisa Magaalada Baladweyne u ka deganyahay. Gudoomiyaha ayaa Wabarka ugu mahadceliyay Dadaaladiisa hordhac ah ee gogasha Caan-shubka Ugaas Yuusuf ugaas Xasan Ugaas Khalif,

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihi shaaca ka qaadday, in hubka ay ugu deeqday Isra’il ee ay u adeegsatay dagaalka ay ka waddo Gaza, ay u badan tahay in uu ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada. Hase yeeshee, warbixinta oo ay soo diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka loona gudbiyay Koongareeska, ayaa dhanka kale sheegta, in duruufaha dagaalka ay saraakiisha Mareykanka u diideen go’aan ka gaarista qaar ka mid ah duqeymo cirka ahaa oo ku koobnaa meelaha qaar, sidaasi daraadeedna aysan u kala caddeyn in adeegsiga hubka Mareykanka ee Israi’l uu meelaha qaar ku xadgudbay shuruucda caalamiga ah. Warbixintan sheegeysa in ay…

Read More

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi si weyn u taageeray, dalabka Falastiin ee ah in ay xubin buuxda ka noqoto Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, iyada oo uu Goluhu kula taliyay Golaha Ammaanka inuu arrintan si wanaagsan dib ugu eego. Qaraarki Golaha Guud ee shalay oo ay cododkooda ka dhiibteen dhammaan 193-da xubin ee Golaha, ayaa waxaa haa ugu codeysay 143 dowladood, 9 waddan oo ay ku jiraan Isra’il iyo Mareykanka ayaa diiday halka 25 xubin ay ka aamustay. Qaraarkan ayaanan Falastiin siineyn aqoonsiga xubinnimada ee Qaramada Midoobay, balse si fudud ugu aqoonsaday in Falastiin ay u qalanto xubinnimada. Si…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay gelinkii dambe Jimcihii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Howdley ayaa waxaa si gaar ah u qaaday ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya ciidamada deegaanka oo iyana ka soo baxay dhanka degmada Ceel-dheer, kuwaas oo waddada u galay agab loo waday Al-Shabaab. Ciidamada huwanta ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan shidaal ay halkaas kala soo dageen Al-Shabaab, isla markaana lagu jeenay doon, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda. Sidoo…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Daarunimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka dhacay dagaal kooban. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Daarunimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka dhacay dagaal kooban. Al-Shabaab ayaa waxaa u suuragashay inay muddo saacado ah la wareegaan deegaankaas, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab muddada ay joogeen…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay todobaadkii hore ku dalbatay in lagu xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), iyada oo markaas sheegtay in horumar ballaaran ay ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay  door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka. “Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen agagaarka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Howlgalkan oo ka dhacay Kuunyo Buurow ayaa waxaa lagu soo qabtay Horjooge magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Ali Dhaayow oo ka tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab. Qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo looga hadlay howlgalkan ayaa lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna soo qabtay Horjooge Dhaayow. “Howlgal Qorshaysan oo Ay Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ka fuliyeen tuulada kuunyo buurow oo 30km dhanka Galbeed kaga beegan Degmada…

Read More