Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Doorashada ayaa soo jeediyay in laga fogaado wax weliba oo keeni kara khilaaf, isku dhac iyo kala xulashada xubnaha kuraasta ku fadhiisana ee Dadka metalaya. Muuse Biixi ayaa carrabka ku dhuftay in kala xulashada xubnaha wakiillada ka noqonaya Shacabka ee ku metalaya Maamulka in loo baahan yahay in si heer sare ah loo hubsado si loo helo xubno aqoontoodu sarreyso. Biixi ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro kala qub-qubka beelaha iyo dadka wax soo xulaya waxaana uu ku taliyay in laga fogaado waxyaabaha daahin kara doorashada ama nuxurka dadka waaya-aragga ah…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Munaasabad Lagu maamuusayay 64sano guurada kasoo wareegtay markii Gobollada Waqooyi madaxbannaanida ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay midnimada & arrimo kale. Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halgan loosoo galay madaxbannaanida maanta la haysto isaga oo intaas ku daray in ujeedka dadkii halgankaas sameeyay uu ahaa wadajirta, midnimada & in ay isku duubnaato Soomaalida. Fariin gaar ah uu u diray Gobollada Waqooyi (Somaliland) waxa uu u sheegay in xalka keliya gul lagu gaari karo uu yahay midnimada iyo in meel la iska dhigo madmadowga…

Read More

Ciidamada Israel ayaa la sheegay weerar dhinaca cirka ah oo aroornimadii maanta ka fuliyeen magaalada Gaza ku dileen xubno badan oo katirsan qoyska hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah. War ay soo saarray hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa lagu sheegay in weerarka Israel ka fuliyeen xerada qaxootiga Al-Shati lagu dilay xubno katirsan qoyska Hoggaamiyaha ururka Xamaas. Afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza Mahmud Basal, ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah ay fuliyeen ciidamada Israel lagu dilay toban qof bay ku jirto Sahra Haniyeh oo la dhalatay hoggaamiyaha Xamaas. Hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa horey loogu dilay magaalada…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay shirka nabadeynta beelaha kasoo kala jeeda degmooyinka Xeraale iyo Cabudwaaq, kuwaasoo dhawaan maleeshiyaad kala taabacsan ay diriri dhexmartay. Madaxweynaha ayaa ku boorriyey salaaddiinta iyo nabaddoonnada inay guud ahaan reer Galmudug gaar ahaan dadka ay kasoo kala jeedaan u qaadaan nabad waarta, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda lid ku ah. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa guddi culimo ah oo loo saaray xal u helidda dirirta beelaha walaalaha ah kula dardaarmay iney xaqa u hiilliyaan cidna aysan u eexan, isla markaana ay dowladdu ku garab taagan tahay.…

Read More

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa laga soo magacaaba gudoomiyaha gobolka Banadir, waxaana gudoomiyeyaasha la magacaabo loo igmadaa iney qabtaan shaqooyin aysan jecleyn oo lacagta ka soo baxaysa canshuurta laga qaado magaalada loo adeegsado waxyaabo aan loo baahneyn oo lagu qancinayo dad aysan jecleyn maalgelintooda, balse dantu kaliftay iney qasab ku noqoto iney hantida dadweynaha ku raali geliyaan marxabeyntooda. Waxey gudoomiyeyaashaas inta badan ay ku eedeysan yihiin fashil ka dhashay waxqabad la’aan iyo niyad jab baahsan oo xambaarsan dareen xooggan oo wata cabashooyin dadweyne, waxeyna sumcadoodu ku wada dhamaataa guuldaro ay ka wada raacdo taariikh madow oo xusuustooda ku reebta kartixumo maamul,…

Read More