What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SOO GAARAY DEGMADA MATABAAN Matabaan, 28-May-20204:Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay soo gaareen degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan. Dadka degmada ay horkacayaan Guddoomiyaha Degmada Matabaan, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ayaa waxa ay kusoo dhaweeyeen banaanka degmada Matabaan. “Ugu horreyn waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta aan loo kala harin ee maanta ii sameeyeen dadka Matabaan. Runtii miraha Dowladnimada ayay guran doonaan oo waxaan xarigga ka jari doonaa haddii uu Alle idmo mashaariicdii ugu waa weyneyd ee taariikhda…
Jowhar, 28-May-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Haweenka iyo Ganacsiga oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Sakariye Khaalid Cabdi iyo Marwa Raxma Maxamed Gulle. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilaabadani kala tashaday Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle kuwaas oo 2-dii ugu dambeysay ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan. Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada Wasaaraddaha Haweenka iyo…
Jowhar, 28-May-2024: Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka kala socotay Hay’addaha UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA. Kulankan waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, xubno ka tiran Golaha Wasiirrada iyo maamulka degmada Jowhar. Wafdiga waxaa hoggaaminayay madaxa UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saciid waxaana diirrada lagu saarayay howlaha Ha’yaddahaasi ay ka wadaan deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Ugu horreeyn madaxda Hay’addaha ayaa sharraxay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan Hirshabeelle waxana ay xuseen inay dardargelin doonaan. “Waxaan idin ku boogaadinayaa shaqadda aad la wadaan Hirshabeelle, si gaar ah waxaan idin kaga mahadcelinayaa mashaariicda Sabbuuni iyo…
Isku duwaha gargaarka deg dega ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa shaaca ka qaaday $2 milyan oo dolarka Mareykanka ah uga qoondeeyay Sanduuqa dhexe ee wax qabadka deg dega ah (CERF), taasi oo wax looga qabanayo daacuunka ka dillaacay Soomaaliya. Ururka Caafimaadka Aduunka ayaa laga soo xigtay in Soomaaliya laga soo sheegay in ka badan 10,000 xaaladood iyo 120 dhimasho ah toddobo gobol oo ka mid ah dalka Soomaalya tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan. Dilaaca Cudurka Daacuunka ayaa lala xariiriyay saameynta ka dhalatay abaarihii dalka soo maray iyo daadadkii ka dhashay roobabkii El Niño dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay,…
Firdhiye: Dowladda Federaalka waxaan ka doonaynaa aqoonsi buuxa iyo inaan ka baxno kumeel gaarnimada
Hogggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa sheegay, dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka doonayaan in maamulkooda uu ka baxo kumeel gaarnimada ayna siiyaan sharciyad buuxda, si buu yiri loogu quus gooyo maamulka Somaliland. Hoggaamiyaha Khaatumo ayaa sheegay, jiritaanka maamulkiisa in uu muhiimad weyn u leeyahay isku haynta dalka, iyo in laga hortago sida uu sheegay damaca Somaliland ee ku aaddan kala goynta dalka. “Dowladda federaalka ah waxaanu la galnay wada hadal, uu kasoo baxay war murtiyeed. Waxaan isla meel dhignay in masuuliyadda dhankayaga jirta aan dhameystiridoono, dowladda federaalka ahna laga doonayo in ay kasoo baxdo waajibaadkeeda dastuuriga…
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la kulmay cambaarayn balaaran kaddib markii uu sheegay in diyaaraddii gaarka ahayd ee uu u raacay Maraykanka ay ka raqiisnayd diyaaradda qaranka ee Kenya Airways. Si kastaba ha ahaatee, ma sheegin qiimaha ay ku raaceen diyaaradda iyo lacagta uga bixi lahayd haddii ay raaci lahaayeen Kenya Airways. ‘’Xaqiiqooyinka ka dhex jira dadweynaha uma muuqdaan kuwa caawinaya doodiisa,’’ sidaasi waxa BBC-da u sheegay Prof Herman Manyora. Sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka oo la yiraahdo Eugene Wamalwa ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in hadallada madaxweynahu yihiin kuwa aan ku saleysnayn wadaniyad. Waxa uu sheegay in…
Waxaa jira tobanka faa’iido oo cabitaanka shaahu u leeyahay caafimaadka isla markaana laga yaabo inaadan ka warqabin. Shaahu waa mid ka mid ah cabitaannada loogu isticmaalka badan yahay caalamka, waxaana ay dadku ku raaxaysan jireen qarniyo badan. 21-ka May ayaa sidoo kale loo dabaaldegaa maalinta shaaha adduunka. Waxaa jira noocyo kala duwan oo shaaha ah sida madow, cagaar, caddaan iyo qaar kale. Mid kastaa wuxuu leeyahay dhadhan gaar ah iyo astaamo u gaar ah oo la xiriiriyo nooca caleenta shaaha iyo habayntiisa. Waa maxay tobanka faa’iido ee shaaha? Dejinta cadaadiska dhiigga Cabitaanka shaaha waxa uu wanaajin karaa habka ay u…
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay “in kooxda Al-Shabaab ay qabsan doonto Soomaaliya, haddii ciidammada ATMIS ay ka baxaan‘ Xilli uu ka hadlayay intii lagu gudo jiray booqashadii uu ku tagay dalka Mareykanka ayaa hogaamiyaha Kenya waxa uu ku baaqay in Washington ay u istaagto sidii looga hortagi lahaa “Dhictaanka xaalad la mid ah tii Afgaanistaan ka dhacday“ taas oo horseedi karta in dagaallo hor leh ay halakeeyaan Geeska Afrika. “Maanta, Kenya waxay ka shaqaynaysaa ka hortagga caqabadaha amni ee Geeska Afrika. Kahor inta aanan halkan iman sabtidii, waxaan xidhiidh la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana heysata caqabad dhanka ammaanka ah,…
Ganacsatada Khaadka Kenya ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan Maamullada Kalifi & Mombasa oo goleyaashoodu mamnuucay Jaadkii loo iibgaynayay deegaannada ismaamulladaas kana soosaaray sharci diidaya ama hor istaagaya. Maalmihii lasoo dhaafay wax Khaad ah lama gayn Labadaan Ismaamul waxaana dhaqangalay go’aanka sharciga ah ee Goleyaasha labadaas Maamul ee Kalifi iyo Mombasa oo dadka qaar ay soo dhaweeyeen tallaabadaas. Qaar kamid ah Ganacsatada Khaadka Kenya ayaa ku dooday in boorahooda laga soo guro Jaadka balse aanay jirin suuqyadii Mombasa & Kalifi taasina ay hoos u dhac wayn ku keentay dakhligii kasoo geli jiray marka ay halkaas u iibgeeyaan. Waxa ay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo maalinimadii shalay furmay. Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ah ayaa sanadkaan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika. Sida lagu yiri warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay socdaalka madaxweynaha kaas uu baahiyey Telfashinka dowladda. Dhammaadka bisha May 31, 2024 ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirkaan, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan madaxweynayaasha dalalka Africa iyo Madaxda Banka horumarinta Afrika. Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta…