Author: radiohalgan.com

Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqay in xiriirku dhanka isgaarsiinta uu lumay koox dagaalyahano ah oo ilaalinayay u ahaa afar la haystayaal Israa’iili ah. Abuu Cubeyda ayaa farriin uu soo mariyay barta Telegram-ka wuxuu ku yiri , “Natiijadii duqeyntii wuxuushnimada Sahyuuniyadda tobankii maalmood ee la soo dhaafay, xiriirkii aan la lahayn koox ka mid ah mujaahidiintayada ayaa go’ay, annaga oo ilaalinayna afar maxbuus oo israa’iliyiin ah, oo uu ku jiro maxbuus lagu magacabo Hersh Goldberg Pauline.” Dabayaaqadii bishii hore, guutooyinka Al-Qassam ayaa baahiyay muuqaalka Bolin – oo sidoo kale heysta dhalashada Mareykanka…

Read More

Senatar Lindsey Graham, oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga Mareykanka ayaa sheegay Israa’iil inay xaq u leedahay in ay ku garaacdo Qasa hub nukliyeer ah, si ay dagaalka u soo afjarto. Waxaa uu  xaaladda Qasa barbar dhigaya dagaalkii labaad ee adduunka,wuxuu sheegay  Mareykanka inuu ku dhuftay bam nukliyeer ah Hiroshima, isagoo uga dan leh in dagaalka la soo afjaro. “Waqtigan waa inay Israa’iil sameyso wax walba, si dagaalka loo soo gabagabeeyo” ayuu intaas ku daray Senatar Lindsey Graham, oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga Mareykanka. Hadalka Senatorka ayaa waxaa si kulul u cambaareeyey xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka m Mareykanka…

Read More

Nin u dhashay dalka Kenya oo lagu waday in lagu fuliyo qisaas dil ah dalka Sacuudiga Isniintii , ayaa daqiiqadihii ugu dambeyay dib loo dhigay, kadib olole ballaaran oo uu laga sameeyay baraha bulshada. Stephen Munyakho, oo ah wiil uu dhalay saxafiga ruug-caddaaga ah ee Dorothy Kweyu, ayaa sannadkii 2011-kii lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii uu dagaal dhimasho sababay uu la galay nin ay wada shaqeynayeen oo ku sugnaa Sacuudiga. Sida laga soo xigtay “ololaha dib usoo celiyo Stevo”, oo ay maamulaan taageerayaasha Munyakho, labada shaqaale “waxa ay soo gaareen dhaawacyo mindi ah” laakiin kaliya Munyakho ayaa ka…

Read More

Ciidamada PMPF ee ka howlgala deegaanada Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee Puntland. Ciidanka ayaa soo bandhigay nin iyo qaraxyo la sheegay inay u diyaarsanaayeen iyo gaari miineysan oo la aaminsan yahay inuu u diyaariyey inuu isku qarxiyo. Cutubyada sida gaar ka ah u tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland ayaa ninkaan ku qabtay hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka PMPF ee Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaas uu damacsanaa dhagar weyn, balse ay ka hor…

Read More

Masuuliyiin sar-sare oo ka kala socota Mareykanka iyo Shiinaha ayaa qorshaynaya inay ku kulmaan dalka Switzerland, maalinimada Salaasada. Kulamadan ayaa salka ku haya si ay uga wada-hadlaan walaaca isa-soo taraya ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence, ee muddooyinkii dambe sida weyn ugu faafeysa dunida. Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in wada-hadalada ka dhacaya magaalada Geneva in aanay fursad u siin doonin in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho siyaasadaha lagu hagayo farsamada casriga ah. Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in qodobada miiska yaalla ee laga wada-hadlayo inay ugu muhiimsan yihiin, sidii ay labada dal uga wada xaajoon lahaayeen, hababka hoos…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wareegay dal hal dastuur leh. 𝐋𝐚𝐛𝐨 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐝𝐝𝐢𝐛, dalku wuxuu leeyahay labo Dastuur. 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 waxay haysataa kii sharciga ahaa ee heshiiska lagu wada ahaa (2012).  Dawladda Federaalku waxay leedahay dastuur cusub oo Madaxweynuhu saxiixay,  oo lagu muransanyahay (2024). 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 iyadana keedii bay haysataa oo wada hadalladii god dheer bay kasii hoobanayaan. Madaxweyne Xasan wuxuu dalka ka abuuray qalalaase dastuur iyo khilaaf ay Soomaalidu ka soo gudubtay 2012kii. Wuxuuna dalka dib ugu celinayaa marxaladdii wada hadalladii dastuurka ee shirarkii 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞 𝟏 𝐢𝐲𝐨 𝟐. Taariikhda dalka, laga soo bilaabo 𝟏𝟗𝟔𝟎 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒, Xasan Sheekh waa Madaxwynihii ugu horeeyey ee…

Read More

Waxaa maanta la filayaa in uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirkan oo lagu balansanaa inuu furmo bishii hore ayaa arrimo farsamo darteed dib ugu dhacay, waxaana maanta lagu wadaa inuu ka furmo Villa Somalia. Sanad kahor, bishii May 2023 ayay ahayd markii golaha ay soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen oo ahaa; 1- in la qabto doorasho qof iyo cod oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed, 2- in bisha June ee sanadkan 2024 ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah golaha deegaanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, 3- dhammeystirka dastuurka iyo…

Read More