Author: radiohalgan.com

Waxaa saakay tuulo hoostagta deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeelaha Dhaxe lagu dilay Lx/le Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe) oo ahaa taliyaha ururka ciidanka darawiishta ee booliiska gobolka Shabeelaha Dhexe. Sargaalkan saakay la dilay ayaa kamid ahaa saraakiil iyo ciidamo loo diray in ay kala dhax galaan ayna damiyaan colaad u dhaxeysay labo beel oo walaalo ah oo wada dega gobolka Shabeelaha Dhaxe, kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay colaad u dhaxeysay. Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in saakay la dilay taliye Cabduqaadir Juuqlaawe, waxa ayna sheegtay in taliyahan la dilay xilli uu ku howlanaa kala celinta…

Read More

Lamaane u dhashay dalka Mareykanka ayaa si lama filaan ah u helay lacag aad u badan , xilli ay lamaanahaan ku jireen jilaabashada biro ay ka dhax raadinayeen haro weyn oo kutaalla magaalada New Yourk. James Kane iyo Barbie Agostini ayaa haro ay ka jilaabanayeen biro waxa ay ka dhax heleen sanduuq yar ay ku jirto lacag gaareysa boqol kun oo dollar, waxa ayna lamaanahan xilli ay filayeen in biro helaan badalkeeda heleen lacag. Lamaanahan waxay xarig ku xireen birlab ama birqabato , ka dibna waxay ku tureen harada Corona Park si ay ugu soo qabato biro, balse waxay u…

Read More

Dalka Badweynta Hindiya ku yaalla ee Maldives ayaa Israa’iiliyiinta ka mamnuuci doona goobtan aadka loogu dalxiiska tago, waxaa sidaas Axadii sheegay xafiiska madaxweynaha, taasi oo “lagu garab is-taagayo Falastiiniyiinta.” Maldives, oo ah jamhuuriyad yar oo Islaami ah oo ka kooba in ka badan 1,000 jasiirado istaraatiji ah, waxay caan ku tahay xeebaheeda quruxda badan. Madaxweyne Mohamed Muizzu “wuxuu go’aansaday inuu mamnuuco baasaboorka Israa’iil,” ayuu afhayeen u hadlay xafiiskiisa ku sheegay bayaan uu soo saaray, isagoo aan faah-faahin ka bixin xilliga sharciga cusub uu dhaqan geli doono. Muizzu ayaa sidoo kale ku dhawaaqay olole lacag uruurin ah oo heer qaran ah…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa rejo ka muujisay in Israa’iil aqbali doonto hindise xabadjoojin ka hirgasha marinkaQasa, sida laga soo xigtey mas’uul sare oo ka tirsan AqalkaCad ee looga arrimiyo dalkaas. Xabadjoojintan oo Saddex waji ah ayaa hadii la isku raaco waxay ku billaabaneysa Lix todobaad oo la hakinayo dhammaan colaadaha, si loo suurtogeliyo in gargaar bini’aadamnimo la gaarsiiyo dadka tabaaleysan islamarkaana la sii daayo qaar ka mid ah maxaabiista la kala haysto. Mudada lagu jiro wajiga koobaad ee xabadjoojinta ayaa lagu wadaa in labada dhinac ee dirirtu ka dhexayso yeeshaan wadahadallo toos ah oo looga arrinsanayo tillaabada xigta ee u baahan…

Read More

Gudomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad wehliye oo Gaaray Degaanka Abdhaare kuna Guuleystay Xalinta Ceel Biyood laga dhisirabay Degaanka https://youtu.be/okmNgGp_NYM?si=IUz4_id7QA5hNQo2 Gudomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad wehliye oo Gaaray Degaanka Abdhaare kuna Guuleystay Xalinta Ceel Biyood laga dhisirabay Degaanka. https://youtu.be/d9zXJwMtXog?si=VhYyzlcH3ssPOZZF

Read More

Waxaa meel wanaagsan maraya shirka Nabadda iyo Midnimada beesha Cali Madaxweyne. https://youtu.be/ZBy9QnhR9EI?si=QRNRy2ZAI5O7CwIl Nabadoonada Odayaasha iyo waxgaradka beesha Cali Madaxweyne ayaa ku guuleestay in meesha laga saaro tabashooyinka beesha ka dhax jiray lana xoojiyo Midnimada beesha Cali Madaxweyne. Odayaasha dhaqanka beesha Cali Madaxweyne ayaa socod dheer kusoo maray fagaarayaasha degmada Maxaas waxaaan socda dabaal-deg weyn oo ka turjumeeyso Midnimada beesha Cali Madaxweyne. https://youtu.be/CNiWYp1KIx0?si=iUoLqF9XTcQBsBKU Gogosha shirka beesha Cali Madaxweyne waxaa degmada Maxaas dhigay Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, shirka ayaana galay maalintii 4-aady.

Read More

Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa haatan bilaabay la xisaabtan dhab ah oo uu ku sameynayo dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka Banaadir, si loola socda shaqooyinkooda. Madaale ayaa maanta kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee maamulada Xamar Jajab iyo Waaberi oo ay u jiraan guddoomiyeyaasha. Sidoo kale waxa uu warbixin la xariirta horumarada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Xamar-Jajab iyo Waaberi, isaga oo kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo Bulshada, La-dagaalanka Maandooriyaha, Anshax xumada, Nadaafada iyo in laga fogaado musuqa. Waxaa kale oo uu faray…

Read More

Donald Trump ayaa Khamiistii maxkamada Manhattan ku heshay danbi ah inuu been abuur ku sameeyay dukumeenti uu ku qarinayay lacag uu siiyay jilaagii hore ee filimada anshax xumadada ah ee Stormy Daniels si ay uga aamusto xiriir ka baxsan guurka oo ay lahaayeen. Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne hore ee Mareykanka lagu soo oogo dacwad dambiyeed. Waxa lagu helay 34 tii eedaymood ee lagu soo oogay. Trump ayaa la filayaa inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimo ee dhici doonta 5-ta November. Ka dib markii xukunka lagu dhawaaqay, madaxwaynihii hore wuxuu ku andacooday inuu ahaa “xukun la musuqmaasuqay”…

Read More

Haddii aad tahay arday dhigata dugsi, Mac-had, ama jaamacad oo imtixaankii kaabiga ku soo hayo, waxa laga yaabaa inaad isku daydo inaad xasuusato casharadii aad baratay wakhti hore, xilli imtixaanku qarka kuu saaranyahay, waxaana dhici kartaba in aad gabi ahaanba ilowday casharradii aad soo qaadatay. Ilowshaha wixii aad soo baratay ayaa la aaminsanyahay in ay tusaale u tahay in aaddan markii hore si wanaagsan ugu fiirsan cashirrada waqtigii aad baraneysay. Nasiib darro, isku dayga ah inaad xafiddo macluumaad badan hal mar waa hab aan waxtar lahayn, waxaase aad hab-dhaqankaaga ku xoojin kartaa in aad habka xifdinta ka dhigto mid waxtar…

Read More