Author: radiohalgan.com

Safiirka UK ee Mexico ayaa lagu soo warramayaa in uu ka tagay shaqada horaantii sanadkan kaddib markii uu qori ku taagay mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda oo ah dadka deegaanka. Muuqaal fidiyow ah oo la soo dhigay baraha bulshada oo markii ugu horeysay ay warisay Financial Times ayaa lagu arkay Jon Benjamin oo qori ku beegsanaya nin kale. Waxaana ku hoos qornaa si kaftan ah “Dilalka joogta ee ay geysanayaan kuwa maandooriyaha ka ganacsada” Mr Benjamin kama hadal ilaa hadda kaftanka sida xun loo dhigay, mana jiraan war rasmi ah oo ku saabsan jagada Mr Benjamin oo ka soo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul. Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay yeeshaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka, oo uu kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha…

Read More

Kulan Isbarasho ah qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, la taliyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle iyo Duqa Magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa ka dhacay xafiiska wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle. Dhammaan, shaqaalaha wasaaradda waxay aad usoo dhoweeyeen dib usoo noqoshada Marwo Nadar Tabaax Maalin si ay ugu adeegto shacabkeeda mar kale, waxayna u rajeeyeen guul iyo horumar Magaalada Beledweyne. Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Nuur Xasan Sheekh Muuse oo ay horey usoo wada shaqeeyeen Duqa Magaalada Beledweyne. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo jeediyay inuu dhaqso isku daba qabto, xilli ay meel sare gaartay xurgufta isaga iyo mucaaradka. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in madax goboleedyada u ogolaaday muddo kororsi, uuna isna wadadaasi ku socdo. “Dowlad-goboleedyada inay doorasho galaan ogolow (Madaxweyne), sharciyad ayaa dal lagu maamula oo lagu dhaqaa, laakiin sharciyad la’aan xukun laguma joogi karo. Yeysan waqti ka lumin dhalateedka ah iska jooga kursiga, idinkana igu taageera hadhoo marka ay iga dhamaato oo doorasho la qaban,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas kusii…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday ololaha kursi muhiim ah oo yaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayada oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka. Safarka Fiqi ee New York ayaa ku qotoma dardar-gelinta oloaha in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli ay maalmo ka harsan tahay doorashada xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka oo kursigaan uu qeyb ka yahay. Fiiq ayaa halkaasi ka bilaabaya dadaallo diblumaasiyadeed horleh oo lagu doonayo in taageero loogu helo dalabka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka horey u sheegtay in Soomaaliya lagu aamini…

Read More

Waxaa Mahad u sugnaatay ASW Waxaa kaloo halkaan Ammaan iyo Bogaadin ugu dirrayaa Beesha Cali Madaxweyne oo ka mid ah Beelaha Xawaadle Shirka ka Socdo Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa u Lee yahay Muhiimad dhankasto ah Dad ka Degan Gobolka Hiiraan. Midnimadda reerka waa Horumar wanaagsan. Sidaasi waxaa dhahay Mudane Abuukar Maxamed Cali Gaabow G.hore ee Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi

Read More

Haweenayda Claudia Sheinbaum oo ah musharrax asalkeedu yahay Yuhuud ayaa ku guulaysatay doorashadii madaxtinimada ee dalka Mexico. Waxay noqotay madaxweynihii ugu horreeyay ee dumar ah iyo qofkii ugu horreyay ee Yuhuudda Mexico oo loo doorto xilka madaxweynaha dalkaasi. Kaliya 60,000 kun oo Yuhuud ah ayaa ku nool Mexico kuwaasoo ka mid ah 130 milyan ee ay ka kooban yihiin guud ahaan dadka Mexico, laakin guusheeda waxay albaab u noqon kartaa xubno badan oo Yahuud ah inay qabtaan xilal sare. Sheinbaum, waxay siyaasadda soo gashay iyadoo da’yar ah, markii u horreysay sannadkii 2000 waxay ka shaqo gashay xafiiska duqa Mexico City,…

Read More

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyay in ay gabeen waajibaadkii loo xil saaray, waxaana gudoonka la tilmaamay in ay  jeebka u galeen madaxtooyada Soomaaliya kana shaqeenayaan danaheeda. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay guddoonka labada Aqal iyo sidoo kale madaxtooyada Soomaaliya. Siyaasigan mucaaradka ah ayaa sheegay in guddoonka labada Aqal Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi in ay jeebka u galeen Villa Soomaaliya , waxa uuna intaa ku daray in kaliya ka shaqeenayaan danta iyo rabitaan Madaxweyne Xasan Sheekh. “Guddoonkii labada Aqal ee baarlamaanka ay macnihii ka…

Read More

Diidi laheydaa, aqbali laheydaa, caytami laheydaa, inkiri laheydaa, caroon laheydaa, dhiiga kugu kari lahaayaa, sokorta kugu kici laheydaa, shubmi laheydaa, adey kuu taal, aniga kuleyl iyo qabow midna iguma heyso, balse waxaan ku leeyahay caafimaadkaaga ilaali. Nacasnimo looma baahna, wax lala murugoodana meesha ma yaalaan, waxani waa taariikh, taariikhda oo la dafirana waxba kuma beddelmayaan. Warkaan wuxuu ku socdaa Ilmaha aan waxba ogeyn ee lagu ababiyay Xawaadle iska diid iyo Xawaadle iska riix. Waa lama huraan in la idin baro oo aad taariikhda dhabta ah wax ka ogaataan, ogowna iney tahay wax ka horreeyay aabahaa iyo awowga. Haddaad qoraalkaan aad…

Read More