What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Raysal waaaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku Beri waxaa ku wajahan magaalada jowhar wefdi balaaran oo uu hogaaminaayo Raysal wasaare kuxigeenKa ujeedka safarka oo ah inuu daahfuro mashaaric waweyn oo ay ka mid tahay mashruuca kanaalka sabuun iyo xawaadley iyo Walia qarkal sida Xogta Ku heshay Radio Halgan. waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco Radiohalgan.com Marwlba Mahadsanidiin
Dowladda Hirshabelle oo Mashaariic kala duwan ka wada degmada Maxaas iyo madax kormeertay halka mashaariicdaasi aay marayaan. https://youtu.be/YmVEWJSUHiA?si=Rzf48Frj__L6XYAN
Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta booqday Taliska Qeybta 5-aad xarunta howgalka kumeel-gaarka ah ee Midoowga Afrika (ATMIS) si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni ee u dhaxeeyo Hirshabeelle iyo ATMIS. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taas Jowhar ka hirgelineyso xarun ay leeyihiin ciidamada Danab. “Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhammeystirayo Khawaarijta waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa diyaar-garoobayo hoggaaminta wejiga…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmad Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay labo wado oo laami ah oo dheerarkoodu yahay 4.50km. Labadan wado oo kamid ah mashruuca dhismaha wadooyinka magaalada Kismaayo wajigiisa labaad oo ka kooban 9.2km ayaa wax badan ka badali doona isku socodka iyo bilicda Magaalada Kismaayo. Masuuliyiin katırsan golayaasha kala duwan ee heer Federaal oo uu hogaaminayay Wasiirka howlaha guud Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah iyo Jubaland ayaa ka qeybgalay munaasabadan kooban. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dadku hada…
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka labada heer ee Dowladda Federaalka kaas oo caasimadda ka socday saddex maalin, iyada oo laga soo saaray warmurtiyeed. Shirwaynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee dowladda ayaa waxaa ka soo qayb-galay Hantidhowraha Guud ee JFS Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowrayaasha maamul gobaleedyada Jubbaland Bashiir Maxamed Bahale, Galmudug Xaashi Cismaan Maxamed, Koofur-galbeed Maxamed Cumar Axmed iyo ku simaha Hantidhowraha Guud ee Hirshabelle Maryan Maxamuud Cumar. Shirka ayaa muddadii uu socday ayaa lagu soo bandhigay istiraatiijiyadaha, hannaanka sharci iyo xeerarka ay ku howlgalaan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo kan maamul…
Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey dhimashada afar qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii Xamaas qafaasheen 7-dii October. Dadkan oo sida la sheegay ku geertiyoodey deegaanka Khan Younis ee koonfurta Gaza, ayey Israa’iil sheegtay in meydadkooda ay weli gacanta ku hayaan kooxaha hubeysan. Raggan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Nadav Popplewell oo haysta dhalashooyinka Biritan iyo Israa’iil oo 51 jir ah, Chaim Peri oo 79 jir ah, Yoram Metzger oo 80 jir ah iyo Amiram Cooper oo 85 jir ah. Afhayeenka IDF Daniel Hagari ayaa sheegay in sahan sirdoon oo la aruuriyay todobaadyadii la soo dhaafay ay horseedeen qiimeynta. “Waxaan…
Sabtidii la soo dhaafay Amiirka dalka Kuwait Sheekh Meshaal Al-Axmad Al-Jaber Al-Sabah, ayaa soo saaray amar uu ku sheegayo in Sheekh Sabah Khalid Al-Xamad Al-Mubarak Al-Sabah uu noqdo dhaxal sugaha amiirka dalkaas. Axaddiina dhaxal sugaha cusub ayaa la dhaariyay dhaar dastuuri ah, isagoo sidoo kale noqonaya ku xigeenka amiirka, Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KUNA. Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay in dhaxal sugaha cusub lagula taliyay in uu bilaabo shaqadiisa. 10-kii May, Amiirka Kuwait ayaa khudbad laga sii daayay TV-ga ku yiri: “Waxaan amray in la kala diro Golaha Shacbiga, lana laalo qodobo ka mid ah Dastuurka muddo aan…
Toddobaad ka hor waxaa magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooi Bari ka dhacay dil naxdin lahaa oo nin hooyadii uu baangad ku dilay, kaas oo isagiina la soo werinayo in uu ku dhintay cisbitaalka Wajeer oo la dhigay maalintii uu dilka geystay, kaddib markii isagana ay dad meesha ku ururay ay nabarro gaadhsiiyeen. Ninkan ayaa maalinkii u dilka geystay ay dad badan ku soo yaaceen, kuwaas oo kolkii a dhacdada la kulmeen ninkiina iyagu ay u gacan qaaday ka hor inta aanay boolisku ka soo gaadhin oo goobtii ka kaxayn. Wiilkan oo dilka geystay xaafadda Cali Mocow, ayaa dhimashadiisu imanaysaa ka…
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab oo maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose ayaa soo dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kaamjiroon oo 75 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Ma shaacin dowladda magaca sarkaalka la dilay, balse waxa ay sheegtay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta sirdoonka iyo aruurinta waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka. “Ciidanka Sida Gaarka u Tababar kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal qorsheysan oo ay…
Walaalka Sofyan Amrabat ayaa sheegay in uuna Casemiro dhaawac ku seegin kulankii Final-ka A Cup-ka go’aansaday in uu iska fadhiisto kadib arkii loo sheegay in aanu ku bilaaban doonin shaxda kulanka. Casemiro ayaa gabi ahaan ka maqnaa kulankii Final-ka FA Cup-ka iyada oo Ten Hag sheegay in aanu xiddigu taam u ahayn in uu ku bilowdo kulanka. Ciyaaryahanka Watford Nordin Amrabat, oo ah walaalka xiddiga Man United ee Sofyan Amrabat ayaa shaaca ka qaaday in Casemiro uusan dhaawac ku seegin Final-ka. Isagoo la hadlayay Z Select, Nordin ayaa daaha ka qaaday in markii uu maqlay warka ah inuusan ka mid…