Author: radiohalgan.com

Ka dib weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Iiraan, saraakiisha amniga iyo kuwa dawladda Iiraan ayaa si isdaba joog ah u sheegay in WhatsApp ay u adeegto sidii “aalad basaasnimo.” Waxay ku andacoonayaan in Israa’iil iyo “wakiiladeeda gudaha” ay la xiriireen barnaamijyada fariimaha sida WhatsApp, waxayna sheegeen in app-ku uu ururiyay macluumaadka ku saabsan goobaha ugu dambeeyey ee lagu ogaa dadkii ay raadinayeen iyo xiriirkii ay sameeyeen, ayagoo siinaya xogtooda dhinaca kale. Gholamreza Jalali oo ah madaxa ururka difaaca ee qarsoon ayaa waraysi uu bixiyay kaga digay adeegsiga alaadaha farriimaha “WhatsApp Messenger wuxuu door ka qaatay helista iyo dilka qaar ka…

Read More

Dadka ku dhaqan meel dahabka laga qodo oo ku taal bariga Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa gacmahooda oo qaawan iyo agabka aasaasiga ah u isticmaalayay inay soo saaraan macdan qodayaal dhulka hoostiisa ku jira. Lix qof ayaa nolol laga soo saaray, iyadoo mid ka mid ah uu si xun u dhaawacmay, tan iyo markii ay burbureen biraha Lomera subaxnimadii hore ee Axadda,sida ay bbcda u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dhinaca kale Warar is khilaafaya ayaa kasoo baxaya tirada dadka ku dhintay ee meydadkooda la soo saaray iyo kuwa wali ku jira dhulka hoostiisa. Mid ka mid ah dadka…

Read More

Dowladaha Turkiga iyo UK ayaa bari oo la filayaa inay saxiixaan heshiis horudhac ah oo ku saabsan 40 diyaaradood oo Eurofighter Typhoon ah, oo loogu talagalay in lagu hubeeyo ciidanka Cirka Turkey. Heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa carwada hubka IDEF ee Istanbul, xilliga uu booqanayo Wasiirka Gaashaandhigga UK, John Healey. Turkiga ayaa horay u waayay diyaaradahaan ka dib diidistii Jarmalka ee heshiiska, balse weli waxaa socda wadaxaajoodyo ku saabsan heshiis milatari oo qiimihiisu yahay ($12bn), ee helidda teknoolojiyadda diyaaradaha iyo tababarka duuliyayaasha. Turkigu wuxuu doonayaa diyaarado cusub (Tranche 4) iyo kuwo la isticmaalay oo uu ka heli karo dalal Gacanka…

Read More

Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray dagaalka maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo, waxaa ayna sheegtay in amarka lagu weeraray maanta magaalada Beledxaawo inuu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, taasoo Jubbaland ku tilmaantay mid ka dhan ah dadaallada nabadda. Jubbaland waxay cambaareysay falkan, iyadoo sheegtay in ciidamada Jubbaland iyo shacabka deegaanka ay iska difaaceen weerarka ayna hadda gacanta ku hayaan ammaanka magaalada. Sidoo kale, Jubbaland waxay digniin u dirtay dowladda Federaalka, iyadoo sheegtay in falalka noocan oo kale ah…

Read More

War ka soo baxay dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan DFS iyo Jubbaland. Warsaaxafadeedka ayaa u qornaa sidan:- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedaysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo duhurnimadii maanta, halkaas oo maleeshiyaad isaga ka amar qaata ay weerar bareer ah ku qaadeen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka. Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed…

Read More

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda ula wareegeen xarunta degmada Beledxaawo iyo guud ahaan ammaanka magaalada, kadib dagaal culus oo maanta dhacay. Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii uu magaalada ku soo degay Taliyaha Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ahna Hogaanka Amniga Gedo, Abdirashiid Janan, oo muddo dheer ka maqnaa gobolka. Taliyaha ayaa lagu dajiyay xerada ciidamada ee UK, waxaana la socday laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (helikobtaro), kuwaas oo sida la sheegay siday ciidamo gaar ah iyo saraakiil amni. Labada kadib ayaa kadib dagaal culus ku dhexmaray gudaha magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo Guddoomiyaha Gobolka…

Read More

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho maalmahan ka soo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa. Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada, isla markaana uusan jirin amar kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ama madaxda Qaranka oo ku aaddan dhulka suuqa Bakaaraha, oo ay leedahay Dowladda Hoose ee…

Read More

In cadawga umadda somaliyeed garab siin loodoonto lagana dalbado saanad Military si loo dhantaalo dowladnimada Somaaliyeed. Waa nasiibdaro mug weyn leh, qanuunka iyo sharcigana kaga qoran fal-danbeyeed ku sundan jariimo ama qiyaano qaran oo lagu muteysan kara dil iyo daldalaad ineey ku hadaaqaan siyaasiyiin xilal sar sare ka haya dowlada fideralka Somaliya. • Waa arin ubaahan in dib loomilicsado si looga hortago iimaan-lawayaasha u xanqal taagaya u adeegida cadawga umadda somaliyeed, si ay ugaaran masalixdooda shaqsiga ah, ama ay uhelaan mansab iyo maal. • Waa waajib diini ah in gacmaha laqabto siyaasiga ku Xadgudba arimaha lama taabtaanka ah ee dhawici…

Read More

Taliyaha Booliska degmada Eyl ayaa xalay dhaawac culus soo gaaray kaddib markii askari ka tirsan ilaaladiisa uu rasaas ku furay xilli uu hurdayay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaawaca taliyaha uu yahay mid halis ah, waxaana si degdeg ah loogu qaaday magaalada Garoowe si daryeel caafimaad loogu sameeyo. Ma cadde sababta ka dambeysay weerarka, sidoo kale ciidamada la sheegay inay qabteen ninka falka geystay. Dilka ayaa soo aadaya iyadoo dhowaan guddoomiyaha degmada Eyl isna lagu dhaawacay isla degmadaas, taasoo muujinaysa kororka weerarada lagu bartilmaameedsanayo mas’uuliyiinta degmada.

Read More