Author: radiohalgan.com

Maxaabiis horey uga tirsaneyd kooxda Al Shabaab ayaa shalay subax gudaha xabsiga dhaxe ee Xamar ka fuliyay weerar dhaliyay khasaaro badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac , oo soo kala gaartay maxaabiista iyo askarta ilaalada xabsiga qaarkood. Inta la xaqiijiyay weerarka waxaa ku dhintay dad gaaraya 8-qof oo ay ku jiraan raggii weerarka ka dambeeyay oo horey uga tirsanaa Al Shabaab, waxaana sidoo kale jira dad badan oo isugu jira maxaabiis iyo askar ku dhaawacantay weerarka. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxii ka dhacay xabsiga dhaxe ee…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqday baaritaan ay ku sameyneyso Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Shalay ay ku dagaalameen Ciidamada Asluubta iyo qaar kamid ah Maxaabiist halkaas ku xirneed oo hub helay. Dowladdu waxa ay sheegtay in ay baareyso sida ay u suuragashay in Hub uu u gacan galo Maxaabiista ee u suuragaliyay in ay ku dagaalamaan ilaa markii dambe Ciidanka Ammaanka ay ku toogteen goobihii ay ka dagaalamayeen. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo cid qaadata mas’uuliyadda falkaas ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar maadaama goobtu…

Read More

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah ku tagay xarunta hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga (Italian Civil Protection Department). Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka, sidoo kale waxaa booqashadaas Gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo Hay’adda SoDMA. Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha Musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga, iyaga oo…

Read More

Caawa waxaa Saacado kala duwan lasoo afjarayaa Tartama Xulalka gaar ahaan Koobabka Euro 2024 oo ay is wajahayaan Spain vs England halka Koob America 2024 uu dhexda ka yaallo Qaramada Argentina vs Colombia. Haddii aan ku hormarno Ciyaaraha Euro 2024 ee sanadkaan lagu martigeliyay Dalka Jarmalka waxaana ku loolamaya Labada Qaran ee aanay dabka yar shideen ee Spain (La Roja/Casaanka) & England (Three Lions/Saddexda Libaax). Macallimiinta Xulalka Qaramada dheelaya Ciyaarta kama dambeystay ee labada Koob ee Euro 2024 & Cup America 2024 ayaa mid weliba waxa uu ku goodiyay in uu Koobka geyn doonno Dalkooda Hooyo maadaama labada Kulan ay…

Read More

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in caawa lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan). Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in isna la xiray Catoosh Yare oo caan ka ah baraha bulshada, inkastoo booliska Soomaaliya aysan shaacin xarigiisa. Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas…

Read More

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa Sabtidii laashay dacwado hore iyo xakun 7 sano ah oo horay loogu xakumay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa, balse saraakiisha ayaa markiiba is hortaagay in Khan xabsiga laga sii daayo. Baab’inta danbiga uu u xirnaa Khan ayaa la xiriiray sharci ahaanshaha guur uu ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan uu sannadki 2018-ki guursaday xaaskiisa saddexaad Bushra Bibi, kaas oo marki hore ay dacwad oogayaasha ku sheegeen inuu ahaa mid aanan loo marin sharciga. Kiiskan ayaa u muuqay caqabadi ugu danbeysay ee sii deynta Imran Khan, kaddib ku dhawaad muddo sannad ah oo uu…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, kaasi oo soo jeediyay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab haddii aan la iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ka jawaabay soo jeedinta Cabdisaciid Muuse Cali, isaggoo nasiib darro ku tilmaamay in hadal noocaan uu kasoo yeero masuul hore. “Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi Waxa uu intaas…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil wadareed loo gaystay gabar iyo hooyadeed. Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu gaystay askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo weerar kusoo qaaday qoyskan oo degan xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in askariga uu horay u qabi jiray gabadha, balse haatan ay guursatay nin kale, kadibna oo sidaas kusoo weeraray, kuna dilay. Goobjoogayaal ayaa iyaguna u sheegay Caasimada Online in xilliga uu dhacayay falkan ay bannaanka…

Read More

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii dhaawac madaxa ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada kadib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania. War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto. “Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka…

Read More

Dadka dawarsada ama tuugsado ee ku nool magalada Beledweyne iyo gabi ahaan dhulka soomalia ma ahan kuwa gaajo keentay waa kuwa mashruuc loo keenay waxana keenay dad soomaliyeed ayaga ayaa simi kaar u furay mobile u gaday haddane dhahay soo tuugsada wana mashruuc la rabo in dalka sidaan ku joogan haddane 10 ka sano ee socoto ayago oromo ah ama xabashi ah ayaay degan ahaan xildhibaan yalaan doonan mana didi kartid wayo deganka waa kula joogan cunuga yar ee 8 jirka ah beri 10 sano kadib waa 18 jir ka xoog badan siyaasada beenta ah waxaa ka daran mid deganka…

Read More