Author: radiohalgan.com

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaa howl-gal culus ka fuliyay dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaad Al-Shabaab ah. Howl-galka oo si wada-jir ah u fuliyee ciidanka guutada 26-aad ee Cali Bin Abii-Daalib iyo kuwa deegaanka deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay, islamarkaana lagu fashiliyay dhagar ay kooxda usoo maleegaysay shacabka ku nool deegaanadaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka. Taliyaha Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howl-galka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo…

Read More

Hoggaanka booliska Soomaaliya ayaa la filayaa inuu isbeddel ku dhaco. Wararka la xiriira in xilkaan la siinayo taliyihii hore ee ciidanka PSF Jeneraal Asad Cusmaan Diyaano ayaa noqday kuwo soo noq-noqday dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay. Kursiga hadda waxaa ku fadhiya Jeneraal Sulub oo si gaar ah isku xisaab ku yihiin ra’iisul wasaare Xamza. Gudaha saami-qeybsiga reerka uu Xamza ku metelo 4.5 ayaa dheelinaayay muddooyinkii lasoo dhaafay, iyada oo ra’iisul wasaaraha uu hal dhinac marsaday xilkiisa iyo xilal kale oo kamid yihiin; Taliyaha booliska Safiirka Itoobiya Safiirka Imaaraafka Ergeyga Xasillinta iyo Hoggaanka dhowr hay’adood oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah.…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, ayada oo kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada. Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal. Safarkan weli wax war ah kama soo saarin Villa Somalia, mana ahan mid horey loo sii shaaciyay, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda…

Read More

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Geelle ayaa ugu hambalyeeyey hogaamiye Firdhiye nabada iyo Horumarka ay ku naaloonayaan shacabka magaalada Laascaanood iyo guud ahaan degaanada SSC, wuxuuna ku booriyey iney adkeeyaan Nabada iyo horumarka. SSC ayaa intii uu socday dagaalkii Laascaanood ku eedeysay Jabuuti iney hub iyo saanad ku taageerayeen ciidamadii Somaliland ee halkaas ka dagaalamayey. Casuumadan Jabuuti u fidisay hogaamiyaha SSC ayaa ku soo aadeysa xili uu soo kordhayo khilaafka soo kala dhex galay Maamulka Somaliland iyo Jabuuti tan iyo markii…

Read More

Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa booliiska iyo nabad sugidda ayaa saakay aroortii hore howlgal bur burin ah ku qaaday xaafada Dabdamiska ee magaalada Mudisho, halkaas oo horey  dadka degan ku amartay in ay ka baxaan. Sida aan wararka ku heleyno ciidamada ayaa saakay ku dheelmaday xaafada Dabdamiska oo marar badan dadkii deganaa iska diideen ammar kasoo baxay dowladda, waxaana ciidanka qoysaskii degnaa xaafadaasi ku amreen in wax ka yar 20- daqiiqo alaabahooda uga baxsadaan guryaha. Ciidamada ayaana xiray waddooyinka laga soo galo xaafada Dabdamiska, waxaana xaafadaasi ciidanka galiyeen cagaf cagaf lagu bur birinayo dhismayaasha ku yaallay xaafadaasi oo isugu…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay madaxweynaha dalka Ciraaq, Mudane Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid. Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha la wadaagay madaxweynaha Ciraaq horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Ciraaq ayaa soo dhaweeyay booqashada ra’iisul wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed…

Read More

Khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirrada ciyaaraha ee Soomaaliya kadib tallaabo ay qaaday wasaaradda. Khilaafkan ayaa salka ku haya go’aan cusub oo kasoo baxay wasaaradda, kaasi oo dhigaya in xiriirrada kala duwan ee ciyaaruhu la socod siiyaan wasaaradda diyaargarowga xulalka muddo sagaashan maalmood kahor ka qayb-galka tartamada kala duwan ee caalamka. Xiriirrada ayaa u arka inay u madax-banaan yihiin shaqadooda, halka wasaaradda ay midaasi diidan tahay, ayna rabto in korjoogteyn iyo hubin ku sameysay tallaabooyinka uu qaadayo xiriirka. Go’aannada uu ka horyimid xiriirka ayey wasaaradda ku sheegtay mid looga gol leeyahay sidii loo ilaalin…

Read More

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qof kasta oo soo dila xubin Al-Shabaab ah u balan qaaday in la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo doolarka Mareykanka ah. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo maanta gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa hadalkaan ku dhawaaqay. Saraakiil uu Taliye Dayax hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadaas, kuwaas oo kormeer iyo gudbinta awaamiir culus u tegay Sh/Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda. Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo…

Read More

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta Xukun dil toogasho ah ku ridday Dable Booliis Cabdisamad Faarax Nuur oo ku magac dheer Minishiibiyo oo ku eedeysan in uu Dilay Saddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud 11-Abriil 2024. Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaana uu Marxuumka uu la socday Mooto Bajaaj lagu hubiyay bar kontorool oo uu joogay Eedeysana balse markii la baaray kaddib ay mootadu istaagtay meel aan ka fogayn goobta. Mootada ayaa la sheegay in ay sugaysay qof la socday oo kahor intii baaristu ku socotay balse damacsanaa in uu sii raaco, Askariga…

Read More

Maraykanka ayaa qaaday tallaabooyin uu ciidamada ka jooga Dalka Niger kula baxayo kaddib markii askartii ka joogtay Saldhigga Ciidanka Cirka Dalkaas ee 101 una dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Niamey kala baxay. Washington ayaa qorshaheedu yahay in ugu dambeyn bartamaha bisha Nofeembar sanadkaan 2024 kala baxdo askarta ka joogta Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ee Niger taasina ay muujineyso in Maraykanka uu aqbalay codsigii horay uga yimid dhiggiisa Niamey. Goobaha ay Askarta Ameerikaanka ah isaga baxeen waxaa durba la wareegay Ciidamada Dowladda Niger ee loo diyaariyay in ay si dhammeystiran ula wareegto mas’uuliyadda sugidda amniga goobahaas sida hadalka loo…

Read More