Author: radiohalgan.com

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Deyniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Cabdullahi Cali, kaasi oo si xun u jir dilay xaaskiisa, Khadro Cabdullahi Maxamuud. Falka uu geystay eedeysanaha ayaa si weyn uga dhex muuqday baraha bulshada, taasoo keentay caro ballaaran oo shacabka ka muujiyeen. Booliisku waxay sheegeen in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad si sharciga loo waafajiyo. Ciidanka ayaa ku booriyay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si loola dagaallamo tacaddiyada noocan oo kale ah. Haweenayda la jir dilay ayaa waxaa ay ka timid Holand.

Read More

Ugu yaraan Seddex askari ayaa ku geeriyooday, halka labo kale ay dhaawacyo soo gaareen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada ilaalinta nabadgelyada waddooyinka Puntland uu rasaas ku furay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe. Falkaasi ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta Taraafikada gobolka Nugaal, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaana la sheegay in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday isagoo wata qorigii askariga dhintay. Dhaawacyada labada kale ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaalada Garoowe, iyadoo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo. Ciidamada ammaanka gobolka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo la baadi-goobayo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed kaas oo ka dhacay aqalka madaxtooyada magaalada Baydhabo. Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira Amniga Deeganada Koonfur Galbeed, Horumarinta adeegyada Bulshada, Dhaqaalaha iyo arrimo la xiriira Siyaasadda guud ee dalka, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyey Golaha Wasiirrada in ay dardar geliyaan shaqooyinka horyaalla xukuumadda. Madaxweyne Laftagareen ayaa ku adkeeyey Wasiirrada muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta Hay’adaha dowladda iyo dar-dargelinta barnaamijyada lagu Horumarinayo nolosha shacabka.

Read More

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay war saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka oo la xiriiray xaaladda Markabka MV Sea World, kaas oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari, gaar ahaan agagaarka degmada Bareeda. Puntland waxay sheegtay in markabkan laga shakiyay iyadoo ay saaran yihiin saanad ciidan oo loo waday magaalada Muqdisho. Maamulka ayaa sheegay in markabkan uu dalka soo galay 18-kii Luulyo 2025, iyadoo la helay xogta la xiriirta in markabkaas uu ku sugan yahay xeebaha maamulkaasi. “Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ayaa markabka gacanta ku dhigay, kadib hawlgal ay sameeyeen, waan baarnay waxaana si horudhac ah u ogaanay inuu kaliya qalab…

Read More

Mucaaradka dowladda oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka ayaa dhaliil kala kulmay bulshada, ka gadaal markii ay ka gaabsadeen ka hadalka Markabkii siday Hubka ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Puntland July 18, 2025. Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa maamulka Puntland ku eedaysay in ay afduubteen Markab lagu magacaabo MV SEA WORLD kaas oo siday shixnad ciidan, oo ay leeyihiin ciidamada Turkiga iyo Ganacsato Soomaaliyeed. Maamul Gobaleedka Puntland oo ka hadlay warka ka soo baxay dowladda dhexe ayaa qaadacay, iyaga oo sheegay in Markabka siday saanad ciidan, ay ciidamada Puntland ka qabteen Xeebta Bareedo, ka gadaal…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in dib loo fur 108 waddo oo horay u xirnaa gudaha magaalada Muqdisho, taas oo la rumaysan yahay in ay kaalin ka qaadan doonta dib isu socodka caasimadda, iyo yareynta saxmadda ka jirta magaalada. Sida qorshuhu uu yahay labada todobaad ee soo socda ayaa la filayaa in la billaabo dib u furista waddooyinkaan xirnaa muddo ka badan 10 sanno, iyada oo loo xiray sababa amni sida ay sheegeen laamaha amniga. Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda todobaadlaha ayaa warbixin looga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda…

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia. Heshiiskaan u dhaxeeyay labadaan dal ayaa ku saabsan in ay ka dhaafaan shuruudaha dal-ku galka dadka sita Baasaboorrada diblumaasiga iyo shaqada, si loo fududeeyo arrimaha socdaalka ee labada dal. Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaalioya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixin lagaga dhageystay guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka caasimadda, taas oo ku saabsan caqabadaha keenay saxmadda iyo sidii xal waara looga heli lahaa culeyska saxmadda iyo saameynta ay ku yeelatay isku socodka waddooyinka caasimadda. Golaha Wasiirrada,…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 31-da bishii August sanadkii 2019-ka Cabdirashiid Janan ku xirtay magaalada Muqdisho, iyadoo dowladdu ay ku eedaysay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dhowr bilood oo uu dowladda Soomaaliya u xirnaa Cabdirashiid Janan ayaa xabsiga ka baxsaday 28-da bishii January 2020-ka, iyadoo la sheegay in uu doon ku tagay magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland. Hay’adaha xuquuqul insaanka oo ay ka mid tahay Amnesty International ayaa sidoo kale Cabdirashiid Janan ku eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu ka gaystay gobolka Gedo. Sanadkii 2017-kii, guddi u xilsaarnaa cunaqabataynta Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa Cabdirashiid Janan ku…

Read More

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maanta Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas ayaa kala hadlay Markabka MV Sea World oo siday qalab ciidan, kaas oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada Puntland. Qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqan X ayaa Sharmaake ku yiri, “Kulan aan la yeeshay safiirka Turkiga, wuxuu ii sheegay in markabka MV Sea World uu siday qalab ciidan oo loogu talagalay TURKISOM. Safiirku wuxuu sidoo kale sheegay inuu la xiriiray Puntland balse uusan wax jawaab ah ka helin.” Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid,…

Read More