Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Agaasimaha Guud Hay’adda Cuntada Aduunka oo Maanta Baydhabo soo Gaaray. Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ku Wehlinaayey Wasiirro, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada. Laftagareen iyo Madaxa Hay’adda WFP ayaa kulan ay qaateen waxa ay ka Wada hadleen Arrimaha Gargaarka, Cunta yarida iyo sidii loo Kordhin lahaa Gargaarka la Gaarsiinayo Dadka ay saamaysay Is Bedelka Cimilada iyo Abaaraha. Kulanka Madaxweynaha Laftagareen, iyo Wafdiga ayaa imaanaya xilli uu magaalada Baydhabo soo gaaray ku xigeenka agaasimaha guud ee Hay’adda Cuntada Aduunka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaarey magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa u sii gudbi doona deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo dhowaan ay Al-shabaab weerar ku soo qaadeen saldhigyada ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland. Mas’uuliyiin heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed isugu jirta ayaa lagu wadaa in ay qayb ka noqdaan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha si ay ula kulmaan ciidamada iyo saraakiisha dagaalka la galay ‘AS’. Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la yeelan doona saraakiisha iyo Ciidamada Federaalka ee Danab…
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabelle Abdi Dahir Guure Karoore ayaa maamul cusub u magacaabay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan waxuuna u kala magacaabay : 1. Maxamed Cabdi Mocow Guddoomiyaha Degmada Moqokori 2. Xasan Makaraan Cabdi Guddomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda 3. Maxamed Cabdulle Waasuge Guddomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada 4. Maxamed Sharaawe Fiidow (Afrax) Guddomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada 5. Cilmi Sharaawe Tifow Guddomiye kuxigeenka Howlaha Guud iyo Dibudhiska
Wasiirka arimaha gudaha dowlada Hirshabelle Cabdi daahir guure, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye , wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha dowladda Hirshabelle Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Hirshabelle iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray Degmada Jalalaqsi Ee Gobalka Hiiraan. Wafdiga ayaa hordhac u ah safarka Madaxweynaha dowlada Hirshabelle Cali Guudlaawe xuseen ku marayo Deegaanada iyo Degmooyinka dowlada Hirshabelle oo uu ku wehlinayo madaxweyne ku-xigeenka mudane Yuusuf Ahmed hagar. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN EE DOWLADA HIRSHABELLE.
Jalalaqsi(Radiohalgan.com)-Wararka aan ka heleyso Degmada Jalalaqsi ayaa tibahaayo in Madaxweynaha Dowlad Hir-Shabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo garay Magaaladas Si Mug iyo Misaan leh ayaana lagu soo dhaweyay Magaalada Jalalaqsi. shacabka iyo Maamulka Dagmadda Jalalaqsi ayaa shalay ilaa xalay Diyar gorow ugu jiray sii loo soo.dhaweynlahay Madaxada sare ee Hirshabelle. waxii warar ah oo ku soo kordho kala soco Marwlba isha wararka Radiohalgan.com
Daawo:- Caleema saarka nabadonka guud ee Beesha guudcade Yabar oo Ka dhacay deeganka qoryaale ee dagmada jalalaqsi https://youtu.be/fVbYC_pez5A?si=XSDyOAdetq3x4YaQ
MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SII WATO SAFARKIISA SHAQO EE GOBALKA HIIRAAN Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, saraakiisha ciidamada qalabka sida, fannaaniin iyo wariyayaal. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maanta isku maray deegaanada Mooro-Arri iyo Tardo oo ka mid ah goobihii laga xorreeyay Khawaarijta. “Halgankii kaddib waxaa maanta soo gaaray deegaanada Mooro-Arri iyo Tardo. Waxaan qirayaa in Tardo ay soo gartay heer ay degmo noqoto.” Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa…
Markii u horreysay xubno badan oo Soomaali ah ayaa gobolka Minnesota ku soo muujiyay inay taageersanyihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyagoo sidoo kale taariikhda markii u horreysay musharrax jamhuuri ah goob hal tallaabo u jirta la soo istaajiyay xubno Soomaali ah oo xisbiga taageersan inta ay socotay khudbadii uu habeen hore ka jeediyay magaalada St. Cloud, Trump iyo ninka uu usoo sharraxay ku-xigeenkiisa, xilli ololihiisa hore isla gobolka uu Trump ka jeediyay hadallo ka dhan ah Soomaaliya. Trump iyo jamhuuriga wali ma jiro xubno Soomaali ah oo jagooyin sare ay u soo sharraxeen , si la mid ah siyaasadda…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban. “Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, afka, midnimada iyo wadajirka, taas oo ah dhaxal…
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuntay eedeysane Cabdinuur Aadan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa loo maxkamadeeyay in uu maalgalinayay argagaxisada iyo sido kale Lacag dhaqid. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Dacwadiisa u gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir Bartamahii Bishii 5aad ee Sannadkaan ayaa sheegay in eedeysanaha uu sameystay Akoono laga furay bankiyada dalka kuwaasoo lacagaha loogu heyn jiray kooxaha argagaxisada ah. ku dhawaad $296,036.75 ayaa la dhigay mid ka mid ah akoonadda u sameystay, ayada oo lacagahaasi loo bixinayay qaab Mushaar ahaan bil walba sida laga dhex arki karay…