Author: radiohalgan.com

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe,  kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab. Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaanka Cali Hayle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lala eegtay gaari ciidan oo ay lahayd kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale duqeynta labaad deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana lala eegtay gaari booyad ah, sida lagu sheegay qoraalka. Sidoo kale waxaa isla goobtaas lagu dilay maleeshiyaad ilaalo ka hayay gaariga booyadda ah ee ma qarxiyay. Taliska Ciidanka XDS…

Read More

Senator Fatima Payman katirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Dalka Australia ayaa weerar toos ah ku qaadday Israaiil iyada oo sheegtay in ay xasuuq ka dhan ah bani aadamnimada ay ka gaysteen ciidankeeda dhulka Falastiin. Haweeneydaan asal ahaan kasoo jeeda Dalka Afgaanistaan ayaa sheegtay in dunida ay ku daawanayso waxa ay Israaiil samaynayso taasi baddelkeeda loo baahan yahay in meel looga soo wada jeysto si wadajir ah loogana hortago aafada ku socota dunida. Fatima ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah maadaama waxa dhaca ay yihiin dhacdooyin si toos ah loo daawan karo lana heli karo xogaha…

Read More

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in ay go’aan ka gaarto kiiska Sayid Cali Macallin Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis oo ugu dambayn dhaawaca soo gaaray u geeriyootay. Sayid Cali oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay Dil toogasho ah ayaa racfaan usoo qaatay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ee maanta laga sugayo go’aanka ugu dambeeya kaddib markii uu sheegay in uu ku qanci waayay xukunkii lagu riday. Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa fadhiyo kala duwan oo lagu dhagaystay eedda Xafiiska Xeer ilaalinta, Difaaca qaraannada Sayid Cali, Dhaqaatir iyo Marqaatiyaal…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ku sugan Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Dileita Mohamed Dileita. Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa iska xog-waraysan doonna xiriirka ku qotoma wadashaqaynta labada dhinac iyo is dhaafsiga aqoon kororsiga sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Guddiga loo xilsaaray xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya & Jabuuti ayaa kulamo ay wada qaateen uga arrinsadeen sidii loo kordhin lahaa fadhiyada dhexdooda iyo kan guddoonkooda. Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay Guddiyo ka shaqeeya xoojinta xiriirka…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Salaasadii u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM. James Swan ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag. James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah…

Read More

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa berri go’aan kama dambeys ah ka gaareysa kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo heysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, waxaana aad loo sugayaa go’aanka maxkamadda. Shalay ayaa la soo gabagabeeyey dhageysiga kiiska Sayid-cali oo markii 3-aad la hor geeyey maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, kadib markii la dhageystay eedeymaha xeer ilaalinta, difaaca qareenada iyo marqaatiyaasha. Maxkamadda ayaa shalay weydiisay su’aalo kama dambeys ah, si ay go’aan uga gaarto kiiskiisa, Sayid-Cali ayaa bixiyey jawaabo lamid ah kuwii horay uu uga sheegay maxkamadda gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay. Sayid-Cali oo ka faa’iideystay fursadii ugu dambeysay…

Read More

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Puntland. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga doodi doonaa dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid. Guul ka gaarista…

Read More

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanboloolshe) oo maanta booqasho ugu tagay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa Hambalyo kadib kala hadlay Ugaaska muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hawlaha nabadeynta, dib u heshiisiinta bulshada iyo dagaalka Khawaarijta. Taliyaha oo dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka ayaa Ugaaska ka codsaday in uu dowladda ku garab siiyo dardar-gelinta dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee galabkeedu dhacay.

Read More

Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, Wabarka Guud Beesha Baadacadde, ayaa Salaan ugu tagay ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khalif hoygiisa u ka deganyahay Magaalada baladweyne https://youtu.be/eenD1W3qO9s?si=uVSG1v4phvEG1Olz Waxaan Maanta Hambalya iyo Salaan ugu Tagnay Aniga iyo Wafdigii ila socday Walaalkeey Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shalay Lagu soo Caana shubay Waxaan Leeyahay Xilka Allaha kugu Asturo .

Read More

Xiddiga kooxda chelsea ee Cole Palmer ayaa ku jira qaab ciyaareed heer sare ah isaga oo dhaliyay saddexley kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ka badisay Man United. Ma ahan markii ugu horaysay ee uu wacdaro dhigo xilli ciyaareedkan maadama uu Palmer yahay xiddiga riixaya kooxda chelsea xilli ciyaareedkan oo dhan. Xiddiga 21 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo muujiyay in uu u qalmo lacagtii laga soo bixiyay. Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo uu u yahay saxiixa ugu fiican xilli ciyaareedka. Jabinta Rikoodhada: Qaab ciyaareedka…

Read More