Author: radiohalgan.com

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa barta twitter-ka iyo Facebook ku qoray qoraal ka hoose  waxay mahad u sugnaatay Allaah (SWT), oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka. Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan. Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa shalay salaadda Ciidda Carafo kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga. Turkiga ayaa dhowrkii iyo tobankii sano ee…

Read More

XIL KA QAADIS IYO MAGACAABIS AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BIYAHA IYO TAMARTA DOWLADDA HIRSHABEELLE Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa markii uu arkay qoddobka 51-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle waxa uu go’aansaday inuu isbeddel ku sameeyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Dowladda Hirshabeelle. Xilkan ayaa laga qaaday Mudane Saciid Saalax Cabdiraxmaan waxana loo magacaabay Agaasime Guud oo KMG ah Mudane Maxamed Muuse Muxumed Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Agaasimaha Guud ee KMG ah inuu dardargeliyo shaqadda Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Dowladda Hirshabeelle.

Read More

Sida laga soo xigtay taliska ciidamada Maraykanka ee Africom, duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya dabayaaqadii bishii May ayaa lala beegsaday hogaamiyaha garabka Soomaaliya ee ururka Daacish. Ma cadda in lagu dilay duqeynta iyo in kale, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo u warramay warbaahinta. War qoraal ah oo 31-kii bishii May soo sareen howlgalka Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayey ku sheegeen in duqayn ay ku bartilmameedsadeen Daacishta ku sugan buuraha Cal-Bari. Warkaas ayaa lagu yiri: “Innagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Soomaaliya ka fuliyay weerar cirka ah…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagey degmada Daarusalaam. Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas waqti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taasi oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho. Mudane Xamza ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, oo dhawaan loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ku dhiiri-geliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka. “Waxaan ugu…

Read More

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayey si weyn uga rhex-tafatay, iyaga oo isugu jawaabay baraha bulshada. Labadaan nin oo sida muuqata uu ka dhaxeeyo xilaaftan siyaasadeed muddo huursanaa, ayaa waxay isku qabteen hanaanka hoggaamineed ee wasiirka gaashaandhiga iyo qaddiyada difaaca Itoobiya. “Sidee Ethiopia ugu adkaan karnaa? Markaa adigoo TikToker ah aad wasiir difaac noo tahay, waliba aad dumin sare ku hayso ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Cajiib,” ayuu yiri Xildhibaan Dayax oo ka fal-caliyay jawaabta uu wasiirka ka bixiyay qoraal wasiir Itoobiyaan ah uu ku sheegay inay aqoonsanayaan Somaliland. Wasiirka oo…

Read More

Duqa magaalada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa soo saaray amar ka dhan ah Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Duqa ayaa wuxuu ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe inay si deg-deg ah uga baxaan magaalada, haddii kale loo adeegsan doono awood dowladeed. “Waxaa la jooga waqtigii magaalada Garoowe laga saari lahaa Itoobiya sharci darrada ku jooga,” ayuu yiri Duqa Garoowe oo ku hanjabay in ciddii aan amarkan u hoggaansamin ay magaalada ka saari doonaan iyagoo xir-xiran. Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “In badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhoweeyo, laakiin…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray golihii wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka. Talaabada uu maanta qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu…

Read More

Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, sidoo kalena guddoomiyaha ururka Hilaac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan hoggaanka maamulkaasi. Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano. Sababta waxa uu ku sheegay in aysan jirin doodo cilmiyaysan oo qoran oo la diyaariyay si adduunka loogu qanciyo wax ay tahay Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciyaar ciyaar uun ay ahaayeen wixii lasoo qabtay 33 sano ee lasoo dhaafay, isaga oo caddeeyay in…

Read More

Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo…

Read More