Author: radiohalgan.com

Weerarkan ayaa ku guuleystay inay nidaamka difaaca Israa’iil ee waqooyiga dhulka ay Israa’iil heysato ka gudbiyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo ku qarxay saldhig ciidan. Xisbullah waxay sheegtay weerarkan inuusan jawaab u ahayn dilka la taliyahoodii u sarreeyay ee militariga ama Haniyeh, iyagoo sheegay inay uga jawaabayeen weerarradii u dambeeyay ee ka dhacay koonfurta Lubnaan. Inta uu socday maanta weerarkan oo loo arkayay mid ka mid ah weerarradii ugu horumarsanaa ee Xisbullah ayaa wuxuu qarax weyn ka dhacay waddo mashquul ah oo ku taalla magaalada Nahariyya ee galbeedka gobolka ay Israa’iil heysato ee Galilee, taasoo loo qaatay in qaraxa uu…

Read More

Isku-duwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan Mudane Xasan Axmed Barkhadle oo uu wehliyo madaxa mashruuca Damal Caafimaad ee Hay ada Save the children ayaa degaanka Comaad ee degma Matabaan ka daah-furay Imtixaanka Damal-Caafimaad. Ku dhawaad 100 Dhallinyaro aqoonyahanno ah ayaa Imtixaankaasi u fariistay kuwaasi oo lagu kala saari doono aqoontooda. Deegaanka Coomaad oo baahi dhanka Caafimaadka ah ka jirtay ayaa dadka u istaagay in deegaankaasi xaruun Caafimaad shaqaale iyo adeeg caafimaad oo dowli bilaash ah in bulshada helaa waxaa gacan weyn ka geestay isku-duwaha caafimaadka gobolka Hiiraan mudane Xasan Axmed Barqadle. Wasaaradda caafimaadka dowladda Hirshabelle ayeey ka go’antahay in dhammaan deegaanada gobolka…

Read More

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo u wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Xubno kala kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Shabeellada Dhexe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa safar shaqo ku tagey degmada Mahadaay. Maamulka Degmada Mahadaay, Dhaqan, Haween, Dhallinyaro iyo Carruur ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay Degmadaasi. Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa la hadlay bulshada waxana uu yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan soo gaaro Mahadaay oo xor ka ah Khawaarijta. Horumar dhinac walba ayaan u gudbeynaa xilligan wixii ka dambeeyo.” Sidoo kale Madaxweynaha ayaa…

Read More

Tirada dadka loo xiray rabshadaha ka dhanka ah socdaalka ee ka socda guud ahaan England iyo Waqooyiga Ireland ayaa gaartay ugu yaraan laba boqol iyo konton. Rabshadaha ayaa ka dhashay dil toddobaad ka hor loo geystay saddex gabdhood oo dhallinyaro ah. Xog si khaldan loogu baahiyey internetka ayaa dhalisay rabshadaha kadib markii dilkaas loo tiriyey inay gaysteen dad soogalooti ah, taas oo sii hurisay carada sii fiday. Masaajido iyo huteel oo ay degenaayeen magangalyo-doon oo ku yaalla magaalooyinka Rotherham iyo Tamworth ayaa dad badani oo ka mid ahaa kuwa dibadbaa dhigayey ay weerareen. Shaqaalihii huteelka iyo dadka deggan, oo qaarkood…

Read More

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay maxaabiis ka tirsanayd Al-Shabaab oo xalay ka baxsatay xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo ay gacanta ku hayso Puntland. Tirada maxaabiista baxsatay ayaa ahayd 12, laakiin waxaa la soo qabtay 9 kamid ah raggaasi, kadib howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland. Ragga baxsaday oo ka tirsanaa Argagixisada ayaa waxaa qaarkood ay ku xukunaayeen dil toogasho ah, halka kuwa kalena ay ku xukunaayeen xabsi daa’in, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xildhibaanka oo si kulul uga…

Read More