Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidamada Israaiil ayaa si cad u diiday in Dawo iyo Shidaal loo gudbiyo Isbitaalka Nasser oo kamid ah goobaha ugu badan ee lagu dawaynayo Dadka waxyeellada kasoo gaartay duqaynta & rasaasta xooggan ee ciidankaas ku beegsanayaan Shacabka Falastiin. Maamulka Isbitaalka Nasser ayaa ka qaylo-dhaamiyay arrintaan oo kahor imaanaysa axdiga lagu aasaasay Qaramada Midoobay waayo Israaiil waxa ay meel iska dhigtay shuruucda kahor imaanaysa in goobaha Caafimaadka la beegsado ama la xayiro. Sarkaal katirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostaga loona soo gaabiyo WHO ayaa sheegay in 10kii saac u dambeeyay ay gudbiyeen labo booyad oo waday shidaal aad u…
Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay Qadiyadda ku aaddan in Dalkiisa uu aqoonsado Dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya aanay waddankiisa mamnuuc ka ahayn arrintaas. Emmanuel Macron ayaa hadalkaan ka sheegay Magaalada Paris ee caasimadda Dalka Faransiiska maadaama ay jiraan hadal-hayn badan oo ka dhalatay in la helo Dowlad la aqoonsan yahay oo Falastiin leedahay sida ay soo jeediyeen Dalal badan. Macron ayaa carrabka ku adkeeyay in Faransiisku uu dhinac taagan yahay Falastiin & Israaiil oo ah labo Dowlad oo is dhinac taagan oo xuduud leh isla markaana dhinac weliba uu xushmad iyo qadarin…
Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey, falkaas oo dhaliyay caro xoogan. Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in baadi-goob dheer, kadib lasoo qabtay haweeneydaasi oo lagu magacaabo Huda Cawaale Xirsi. “Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.!” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu…
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka falceliyey geerida hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexey Navalny, kaas oo geeriyooday maalintii Jimcihii. Madaxweyne Biden ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu ka masuul ahaa geerida hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka. Saraakiisha maamusha xabsiyada Ruushka ayaa sheegay in hoggaamiyaha mucaaradku uu ku geeriyooday goobtii lagu hayey, mana jirto cid si madaxbanaan u xaqiijisay arrintan. Navalny ayaa ahaa shakhsi si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha madaxweyne Putin. Warbaahinta Ruushka ayaa ka soo xigatay qaar ka mida masuuliyiinta maamusha xabsiyada Ruushka, oo u sheegay in gargaar caafimaad loo dalbaday balse ay badbaadin kari waayeen. Qoraal…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu garaacay qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo sababay khasaare soo gaaray dad shacab ah. Hoobiyeyaasha oo gaaraya illaa lix ayaa ku dhacay xaafadda Buulo Mugdi oo ka tirsan degmada Dayniile, waxayna sababeen dhimasho iyo dhaawac. Oday kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay guri ku yaalla halkaasi oo ay taallay tacsi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hoobiyeyaasha qaar ay ku dhaceen waddooyinka, ayna sababeen khasaare kala duwan oo soo gaaray dadkii…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa aad u dhaliilay safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo tilmaamay caqabado dhowr ah oo qabsan kara madaxweynaha. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu khatar ugu jiro in la bahdilo oo Muuse Biixi uu tago Addis Ababa, isla markaana la dhaho ‘wajiga labaad ee heshiiska ayaan kala saxiixanay.’ “Itoobiya heshiis ma nihin, waxaan ogeyn inay ku soo xad-gudubtay qaranimadeena, madaxweynaha Soomaaliya ma aheyn inuu aado Addis Ababa, waxay ku habooneed inuu diro madax isaga ka hooseysa,” ayuu yiri. Cabdiraxmaan ayaa ku doodaya in Itoobiya ay mudan tahay…
Madaxtooyada Soomaaliya oo baahisay sawirada markii uu Xasan Sheekh gaaray Addis Ababa iyo soo dhoweyntii wafdigiisa, ayaa waxay gebi ahaanba ka jartay sawirada madaxdii ka socotay xukuumadda Abiy Axmed. Tallaabadan oo lagu tilmaamay mid cajiib ah ayaa muujinaysa sida ay weli madaxweynaha iyo dowladdiisa ugu taagan yihiin mowqifkii adkaa ee ay ka qaateen xad-gudubka Itoobiya, islamarkaana lagu muujinayo in weli xurgufta labada dhinac ay halkeedii tahay. Villa Somalia ayaa sidoo kale bayaanka lagu daabacay boggeeda rasmiga ah ayaa ku xusin xubnaha garoonka Addis Ababa ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan, kaasi oo uu ugu meeqaam sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.…
Itoobiya ku tagay tan iyo markii Xukuumadda Addis Ababa ay shaacisay heshiiskii ay sheegtay in ay la gashay Somaliland kaas oo marar kala duwan Madaxweynuhu ka falceliyay. Radiohalgan.com
Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa. Kulamada qabsoomay waxaa qayb ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, guddigaas oo ay xiligan hogaanka u hayso Soomaaliya. Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo…
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in maaanta Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Luul Cabdicasiis Maxamed. Warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan oo ay muddo ku raad-joogeen laamaha amniga, maanta ay bilaabatay dacwaddiisa. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamad horgeeyay eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan in uu xaaskiisii oo xaamilo ah nolosha ku gubay, kaas oo muddi baxsad ka ahaa hay’adaha amniga oo ku daba jiray” ayaa lagu yiri. Sidoo kale wuxuu xafiiska…
