Author: radiohalgan.com

Isbitaalka Guud ee Degmada Buuloburte, ka hor burburkii dowaldnimada waxa uu ahaa cisbitaal weyn oo adeeg guud siiya dadweynaha degmada iyo deegaanada ku xeeran, waxaana ka howl geli jiray dhaqaatiir Soomaali iyo ajaanib isugu jirtay , kuwaas oo ay ku jireen dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo Maraykan ah. Hase yeeshee isbitaalkii ay berisaamaadkii ka shaqeyn jireen dhaqaatiirta Maraykanka ah hadda waxa uu la daalaa dhacayaa dhaqaatiir la’aan. Isbitaalka oo dhawaan lagu sameeyay dayactir ayaa waxa dhawaan la gaarsiiyay Qalab caafimaad oo kala duwan oo uu isbitaalku baahi weyn u qabay kuwaas oo ay ka mid yihiin sariiro casri ah, kuraasta…

Read More

Wufuud ka kala socota dowladdaha Soomaliya iyo Itoobiya ayaa maanta u ballansan in ay ku kulmaan dalka Turkiga halkaas oo lagasii amba qaadi doono wadahadaladii u dhexeeya Soomaaliya Iyo Itoobiya, ee ku aaddanaa dejinta xiisaddii u dhexaysa labada dal. Turkiga ayaa leh doorka dhexdhexaadinta. Soomaaliya iyo Itoobay ayaa xiisadda u dhaxaysaa soo bilaabatay bilowgii sanadkan ka dib markii Addis Ababa heshiis is afgarad ah la gashay Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Wasirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka mida waftiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara ayaa BBC-da u sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay agagaarka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya. Weerarka oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Naani ayaa waxaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada booliska dalka Kenya, kaas oo goobta lagu dilay. Magaca sarkaalka ayaa waxaa lagu sheegay Deeqow Isaaq Aadan, wuxuuna amniga kala shaqeynayay ciidamada Kenya ee ka howlgala gobolka Waqooyi Bari, gaat ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayay uu waday howlgal amni xaqiijin ah, waxaana weerar gaadmo…

Read More

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, waxayna is arkeen dhiggiisa Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Qoor Qoor ayaa casuumaad uu ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tegay halkaasi, waxaana shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud oo ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. “Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kaddib casuumaad oo ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed” ayaa lagu yiri…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Read More

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO U KUUR-GALAY QASAARAHA KA DHASHAY DABKII KA KACAY SUUQA MAGAALADA JOWHAR. Musiibada dabka ayaa dhalisay qasaaro hantiyadeed oo soo gaaray ganacsatada suuqa magaalada Jowhar waxana uu u rajeeyay beddel wanaagsan iyadoo uu tilmaamay in wadajir gacan looga geysan doono sidii ay ganacsatada uga soo kaban laheyd. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray Hay’addaha ammaanka baaris deg deg ah oo la xiriirta sida uu ku yimid dabka. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kaga tacsiyeeyay ganacsatada musiibadii ku dhacday Waxaan uu ugu baqaay Maamulka Degmada Jowhar iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa Magaalada Jowhar in laga wada arinsado sidii xal loogu heli…

Read More

Laba Qarax Ayaa Ka Dhacay Degmada Jalaqsi ee Gobalka Hiiraan gaar ahaan dhanka galbeed ee dagmada jalalaqsi Qaraxyada ayaa aha kuwa miinada dhulka lagu aaso ah waxaa jiro Qasaaro dhimaasho iyo dhawac ah inta la xaqiijiye 3 roux ayaa Ku dhimatay 3 kale WA Ku dhaawacmeen Waxii  waraar ah oo kusoo korodho kale Soco ish warar  Radiohalgan.com

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya Wafdiga Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo ah Sabti u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara. Wafdigan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaa wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga. Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa. Kulamadan ayaa looga…

Read More