Author: radiohalgan.com

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay laba nin oo burcad ah, kuwaas oo dhowaan dhaawac iyo dhac ka gaystay degmada Garasbaaley. Booliska oo qoraal soo saaray ayaa baahiyay magacyada iyo sawirrada labada nin oo kala ah Dable Xoogga dalka Cabdullahi Mustaf Maxamed iyo Ismaaciil Cali Ibraahim oo isna ah darawal mooto Bajaaj, sida lagu sheegay warsaaxaafadeedka kasoo baxay Booliska. Raggan ayaa loo haystaa inay dhaawac iyo dhac ay isugu dareen ganacsato ku suganayd Garasbaaley oo kamid ah degmooyinka cusub ee gobolka Banaadir. “Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska…

Read More

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir oo bari yeeshay isaga iyo agaasimihii ka dambeeyay ee Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda Muxidiin Xasan Jurus (Saabey) oo dhammaantood lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne. Koofi ayaa ugu horreyntii soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay maxkamadda gobolka, wuxuuna sheegay in maxkamadda ay garab istaagtay xaqa, uuna ku faraxsan yahay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan eedeymaha loo jeediyay ay ahaayeen kuwaa lasoo…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howl-gal culus oo ka dhacay deegaannada maamul goboleedka Puntland. Bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howl-galkan lagu dilay in ka badan 20 Al-Shabaab ay oo ay ku jiraan saddex horjooge. “Tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgalka oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda. Howl-galka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay dagaal-yahaanno Al-Shabaab ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla buuraha Calmadow, ayada oo halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland,…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale digniin culus kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo ay gaysan karaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay suuragal tahay in weeraradaas lagu beegsado garoonka Aadan Cadde iyo dekedda wayn ee Muqdisho. Sidoo kale Mareykanka ayaa ka digay in la tego goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha iyo xarumaha xukuumadda, sida lagu sheegay farriintan digniinta ah. Mareykankanku waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karto baabuur laga suu buuxiyay walxaha qarxa ama is-miidaamiin toos ah. Waxaa kale oo warbixintan lagu caddeeyay…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u dhamaatay labo sano, waxaana u hartay labo kale oo maalmo dhiman. Dalka kama muuqdaan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay kursi doonka sameynayaan. Nidaamkii hore ee Farmaajo waxaa la xasuusta markii uu hal sano jiray inuu wajahayay mucaaradad xoog leh. Madaxweynaha hadda tallada haya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu mucaaradnimada ku bilaabay nidaamkii Farmaajo markii uu jiray hal sano iyo lix bilood. Laakiin maanta lama kulmaayo wax u dhigma intii uu falay. Mucaaradnimada marwalba waa dheelitir dowladeed, laakiin hadda mucaaradka wax hal abuur ah ma hayaan, ma keeni karaan qaladaad wax ku ool ah oo ay…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan bariga Galgaduud ku qaadeen Al-Shabaab, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, hub badana looga soo furtay. Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Geerille oo u dhexeysa deegaanada Baraak Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay ciidanka. Macawiisleyda ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo lagu jabiyay kooxda. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, ayna kasoo furteen hub iyo saanad ciidan. Muuqaal ay…

Read More

Guddiga Dib-udhiska Buundooyinkii ku burburay Fatahadiihi ku dhuftay Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in uu u baahan yahay garab istaag xooggan oo u fududeynaya howshaan loo wakiishay. Guddigu waxa uu kulan gaar ah la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku sugan Magaalada Muqdisho ee kasoo jeeda Gobolka Gedo si lacagaha ay heli karaan ama awoodi karaan ugu darsadaan mashruucaan dib u dhiska Buundooyinka. Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo kasoo jeeda ayuu Guddigaan sheegay in ay kaalintooda ka qaadanayaan kuna howlan yihiin sidii ay usoo uruurin lahaayeen lacagaha ay ku darsanayaan dib u dhiska Buundooyinka burburay. Daadadka…

Read More

Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi ku amray Isra’il, in ay si deg deg ah u joojiso weerarka ay ku qaadday magaalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahaatee Isra’il waxay sheegtay in ay sii wadi doonto weerarka ay ku qaadday Rafax. Xukunka deg degga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ka danbeeyay kaddib marki ay ay dowladda Koofur Afrcia todobaadki hore maxkamadda geystay dacwad ka dhan ah duullaanka ay Is’aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tiri nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah. Isaga oo aqrinayay xakunka kasoo baxay maxkamadda, ayuu guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga…

Read More

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku qabanayaan cid weliba oo ku xadgudubka nidaamka iyo shuruucda Dalka waxaana uu si gaar ah uga digay Dadka Baraha Bulshada u isticmaala si anshaxa ka baxsan. S/Guuto Sulub ayaa tilmaamay in sababta loo qaadayo tallaabadaas ay tahay in la kala badbaadinayo Bulshada waxna laga waydiinayo qof weliba waxa uu sheegay isla markaana caddeeyo kana jawaabo sida uu hadalka u dhigay. Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku sifeeyay in waajib uu ka saaran yahay in gacan adag ay ku qabtaan nabadgalyada, waxa uu dadka…

Read More

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye Hoggaamiyaha Maamulka sida Kumeel-gaarka ah u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka ee SSC-Khaatumo ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu abaabulayo duullaan ka dhan ah Maamulkiisa. Firdhiye ayaa sheegay in jab wayn la gaarsiiyay ciidamada Somaliland sanad kahor markii dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanno katirsan Gobolka Sool balse Muuse Biixi oo dhegaha ka furaysanaya uu dib u abaabulayo duullaan waa sida uu hadalka u dhigay. SSC-Khaatumo ayuu Firdhiye tilmaamay in aanay weerar ku ahayn dhinaca Somaliland hayeeshee Madaxweyne Muuse Biixi oo dano siyaasadeed oo gaar ah ka leh dagaallada uu abaabulayo uu…

Read More