Ciidamada Israa’iil ayaa khasaarooyin hor leh kala kulmaya duullaanka ay ku qaadeen magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana ciidamada saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray jab xooggan.
Kooxda Xamaas ayaa shalay kaliya magaalada Gaza ku dishay in ka badan 24-askari oo katirsanaa ciidamada keydka ee Israa’iil, askartan ayaana lagu dilay madaafiic iyo hub culus oo lagu garaacay goobo ay joogeen.
War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku qirteen in 24-askari shalay oo Isniin aheyd kaliya looga dilay magaalada Gaza, waxa ayna intaa ku dareen in ay jiraan askar kale oo dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray.
Afhayeenka ciidamada milatariga Israa’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay in ciidamadan milatarigooda katirsanaa lagu dilay laba gantaal iyo qaraxyo lala beegsaday dhismayaal ay ku sugnaayeen oo kuyaalla Gaza.
Waxa uu sheegay afhayeenka in ay wadaan baaritaano ku aadan sida uu u dhacay weerarkan askarta badan looga dilay iyo tirada dhabta ah ee khasaaraha ciidankooda keydka ah soo gaaray.
Weerarka shalay ka dhacay magaalada Gaza ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa oo hal maalin kaliya la kulmaan askarta Israa’iil, waxaana la sheegay in ciidamada uu soo wajahay argagax xooggan ay ka qaadeen weerarada kooxda Xamaas.