Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah.
Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Eng. Cabdirisaaq Xasan Cali, waxaana ka qeybgalay Guddoomiyaha degmada Jowhar ahna Duqa Magaalada Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Mudane Maxamed Abuukar Cali, la-taliyaha sare ee Mashruuca JOSP ee Wasaaradda Mudane Prof. Abdirazak Bood iyo howlwadeenada Wasaaradda.
Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in tababarkani uu muhiim u yahay tayeynta shaqaalaha, kor u qaadista xirfadaha shaqo, iyo hagaajinta adeegyada ganacsiga iyo warshadaha ee ay Wasaaraddu u hayso bulshada Hirshabeelle.
Tababarkan saddexda maalmood soconaya ayaa la filayaa in uu horseedo natiijooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo hufnaanta iyo waxqabadka shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle.

