Safiirka Sacuudiga u fadhiya UK ayaa sheegay in ay daneynayaan in la caadiyeeyo xiriirka kala dhaxeeya Israaโiil kadib dagaalka Qasa, balse heshiis kasta waa in uu horseedaa abuuritaanka dowlad Falastiini ah.
Amiir Khalid bin Bandar ayaa BBC-da u sheegay in heshiisku โsoo dhowaaโ markii ay boqortooyadu hakisay wadahadaladii uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa ka dib weeraradii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday Israaโiil 7-dii October.
Sacuudi Carabiya ayaa wali aaminsan in ay xiriir la sameysato Israaโiil in kasta oo Qasa uu ka jiro โkhasaare baaxad lehโ, ayuu yiri,
Safiirka ayaa sidoo kale ka digay in ay jirto “guul darro dhanka bini’aadantinimada” ee Gaza, iyada oo beesha caalamku aysan ku filneyn joojinta dagaalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu jeclaan lahaa in uu arko “mowqifka UK oo dhex dhexaad ka ah xaaladda sida waddamada kalana ula dhaqanto Israa’iil “. “Iska indha tirka arrinta Israa’iil waa dhibaato dhab ah,” ayuu raaciyay.

Sacuudi Carabiya waa hogaamiyaha wadamada Carabta iyo Islaamka. Weligeed si rasmi ah uma aqoonsan Israaโiil tan iyo markii la aasaasay 1948-kii, marka in heshiis caadi ah oo xidhiidhkooda lagu hagaajinayo uu dhaco waxa uu ka dhigan yahay horumar weyn oo u soo hoyday Israaโiil.
Sacuudi Carabiya waa hogaamiyaha wadamada Carabta iyo Islaamka. Weligeed si rasmi ah uma aqoonsan Israaโiil tan iyo markii la aasaasay 1948-kii
Dabayaaqadii Sebtembar, hogaamiyaha dhabta ah ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay wareysi uu siiyay telefishinka Mareykanka in “maalin walba aan soo dhowaaneyno” heshiis.
Halka Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan uu sheegay in arrinta Falastiin ay tahay โmid aad muhiim u ahโ, heshiis kastana uu yahay inuu โ fududeeyo nolosha Falastiiniyiintaโ, ma uusan shaacinin inay ku xiran tahay horumarka laga gaarayo abuuritaanka dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.
Mar la weydiiyay sida ay Sacuudi Carabiya u aragto Xamaas – oo ay Israa’iil, Mareykanka, UK iyo dalal kale oo reer galbeed ah u aqoonsan yihiin urur argagixiso – inay qayb ka tahay dowladda mustaqbalka ee Falastiin, ayuu yiri Amiir Khalid “waxay u baahan tahay fikir badan”.
“Mar walba waxaa jira boos isbedel ah haddii aad leedahay yididiilo iyo rajo, laakiin marka uu khilaaf dhaco waxa ugu horreeya ee aad u baahan tahay inaad ogaato waa in labada dhinacba ay guul-darreeysteen,” ayuu raaciyay.
Mawqifka guud ee hogaamiyayaasha falastiiniyiinta ayaa ah in ay si cad u diidi doonaan heshiis hadii aanay ka bixin dawlad, laakiin horaantii bishan ayay masuuliyiintu sheegeen in ay si gaar ah u dalbanayeen lacag kordhin iyo gacan ku haynta dhulka Daanta Galbeed ee la haysto si ay ula falgalaan hannaanka Sucuudiga iyo Israa’iil ee uu Maraykanku taageero.
Saraakiisha Sucuudiga ayaa la sheegay in ay Maraykanka ka codsadeen in uu hakiyo wadahadalka saddex geesoodka ah dhowr maalmood kadib weeraradii 7-dii October, kaas oo ku dhawaad 1,300 oo qof lagu dilay 240 kalena ay qafaasheen boqollaal dabley ah oo Xamaas ka tirsan kuwaas oo gudaha u galay Israaโiil.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 23,200 oo qof lagu dilay dhulkaas intii lagu jiray ololihii millatari ee ay Israaโiil markii dambe qaadday, ujeeddadeeduna ahayd burburinta Xamaas.
Ka dib markii uu la kulmay Dhaxalsugaha Boqortooyada Mohammed Isniintii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa u sheegay suxufiyiinta inuu keenay mowduuca caadi ka dhigista.
“Waxaa jirta dan cad si halkan looga sii wado,” ayuu yiri. “Laakiin waxay u baahan doontaa in colaadda Gaza ku dhammaato, waxayna sidoo kale si cad u baahan doontaa in la helo waddo wax ku ool ah oo loo maro dowlad Falastiin ah.”
Safiirka Sacuudiga ee London oo wareysi siinayay barnaamijka maanta ee BBC-da Talaadadii, ayaa xaqiijiyay in “dhab ahaantii ay jirto daneynta” madaxda dalkiisa ee heshiiskaas.
“[Heshiiska] wuxuu ahaa mid dhow, ma jirto wax su’aal ah oo ka taagan. Anaga ahaan, halka ugu dambeeya ayaa hubaal ah in aan ka mid ahaanayn wax ka yar dawlad madax-bannaan oo Falastiin ah,โ ayuu yiri Amiir Khalid.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ku dhownahay inaan caadiyeyno xiriirka yaga, sidaas darteed waxaan sidaas ugu ku dhownahay in la dhiso dowlad Falastiin ah. Labadaasna waa ay isku xiran yihiin.”

