Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025

    Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

    June 30, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Qadar

      June 28, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Horyaalka Ingiriiska: wax badan ka ogow tababarayaasha, ciyaartooyda iyo saadaasha khuburada

    Horyaalka Ingiriiska: wax badan ka ogow tababarayaasha, ciyaartooyda iyo saadaasha khuburada

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 16, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xilli ciyaareed cusub ayaa u bilaabanaya horyaalka Engiriiska ee ah kan loogu daawashada badanyahay horyaalada Yurub, su’aalaha bilowgiisa lays-waydiinayana waa isla inta sanad walba lagu ibo-furo, oo ah yaa ku guulaysan kara?, maxaa ku cusub sharciyada?, yaa cusub?, maxaa is beddelay? kuwii joogay ee tababarayaal ahaa, kuwa yimi iyo ciyaaryahano intaba.

    Waa Sunne kubadeed in sanad walba oo cusub uu wato wax cusub oo wax wayn beddeli kara, lakiin horyaalka Engiriiska marna waxa uusan lumin tamarta xifaalo ee dhex taala kooxaha waawayn ee ay ka midka yihiin Manchester City, Man United, Liverpool, Chelsea, Arsenal, Tottenham iyo kooxaha kale.

    Khubarada BBC-da ee saadaasha ka sameeyey horyaalka xilli ciyaareedkan, wali filashada ayaa ah mid dul hoganaysa Manchester City, iyadoo laga tusaale qaadanayo wacdarihii afartii xilli ciyaareed ee ugu danbeeyeey

    Balse waxaa wali jira kooxo muujinaya dadaal ah inay ka hor istaagi karaan Man City inay xiriiriso markeedii shanaad kal ciyaareedkan cusub ku guulaysiga horyaalka.

    Maxamed Axmed Deysane, falanqeeye ciyaaraha kubada cagta

    Maxamed Axmed Deysane, oo ah falanqeeye ciyaaraha ayaa aaminsan in wali City tahay kooxda haysata fursadaha ugu badan ee ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan cusub.

    “Marka eelo eego sidii markhaatiga ugu ahayn afartii hore ee xiriirka ahayd ee ay ku guulaysteen City, wali waxay u muuqataa in city kooxda haysata fursad markii shanaad laakiin waxkasta waa dhici kara” ayuu yiri Deysane

    Waxaa kale oo intaa ku daray in haddii kooxda Arsenal oo tartanka ku xigta City, ay keensato dhaliye weyn oo dhalin kara goolal afar ilaa soddon ay suuragal tahay inay Arsenal guul gaari kaaran.

    Horyaalka Ingiriiska

    Xigashada Sawirka,Ciise Talyaani

    Qoraalka sawirka,Ciise Maxamuud Talyaani, wariye ka warama ciyaaraha

    Ciise Maxamuud CIise, oo ku caana Talyaani, waa wariye ciyaaraha ku xeeldheer, qudhiisa wuxuu qabaa in kooxda macallin Pep Guardiola, ay yihiin filasha sare balse tartanku wali uu dhexyaalo kooxaha oo qaarkood isbaddelo sameyey.

    “Man City weli waa kooxda koowaad ee la fili karo, lakiin rag ayey wax kala dhaxeeyaan, waxaan isleeyahay tartan adag ayey kala kulmaysaa markan Arsenal, Liverpool, United, Chelsea iyo Tottenham oo dhammaantoodba is-bedelo xoog leh sameeyey. Waa laga yabaa marka Arsenal laga yimaado in kooxaha kale is-beddeladu ay saamayn ku yeeshaan, lakiin Arsenal doorkan waa tartame dhab ah”ayuu yiri Ciise Talyaani.

    Maxaa cusub sanadkan?

    1. Tababarayaasha

    Afar meelood tababarayaasha ka qayb-galaya doorkan way cusubyihiin, micnaha 5-kamida 20-ka tababare ee doorkan waa kuwa cusub, waxaa u horreeya, tababaraha Liverpool Arne Slot, Enzo Maresca oo jooga Chelsea, Russell Martin oo laylinaya Southampton, Kieran McKenna oo ah tababaraha Ipswich iyo Fabian Hurzeler isna hogaaminaya Brighton.

    Slot iyo Hurzeler, waxay ka kala yimaadeen Feyenoord iyo St Pauli, halka Martin, McKenna iyo Maresca – oo watay Leicester City, raggan dhammaantood waxa ka soo baxeen, hogaaminta horyaalka heerka labaad ee Championship xilli ciyaareedkii hore.

    2. Ciyaaryahanada

    Manchester United waxa ay kula soo saxiixatay £52 milyan oo ginni daafaca Lille Leny Yoro, sidoo kale waxa ay £33.7 milyan oo ginni kula soo wareegtay weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee, waxana ay Bayern Munich ka soo qaadatay difaacyada kala ah Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui oo isku dar ay ku heshay lacag gaaraysa £60 milyan ooginni.

    Kooxda heysata horyaalka Manchester City waxa ay Savinho, kaga soo iibsatay kooxda ay Troyes £30.8 milyan oo ginni, halka Arsenal ay soo iibsatay daafaca Bologna Riccardo Calafiori £42m.

    Brighton waxa ay Newcastle United ka soo qaadatay garabka Gambia Yankuba Minteh iyo laba ciyaaryahan oo khadka dhexe ah oo £25 milyan oo ginni ugu kacay kuwaas oo kala ah, Mats Wieffer oo ay kala soo wareegeen Feyenoord iyo Brajan Gruda oo ka yimid Mainz.

    Chelsea waxa ay iyaduna la soo saxiixatay ciyaartoy badan oo ay ku jiraan weeraryahanka Barcelona Marc Guiu iyo goolhayaha £20.7 milyan ee ginni ugu fadhiya Filip Jorgensen oo ay kala soo wareegeen Villarreal. Goolhayahan cusubi waxa uu booska koowaad kula tartami doona Robert Sanchez.

    Archie Gray, waxa uu isna ka mid yahay ciyaaryahannada kal ciyaareedkan ku cusub Premier League waxa uu kusoo biiray Tottenham Hotspur isaga oo kaga yimid Leeds United lacag gaaraysa £30 milyan oo ginni.

    Kooxda uu hogaamiyo Julen Lopetegui, ee West Ham waxa ay ku bixisay £27 milyan oo ginni weeraryahanka reer Germany Fullkrug oo ay kala soo wareegeen finalka Borussia Dortmund, waxayna £25.5 milyan ginni oo ay ku soo iibsadeen garabka reer Brazil Luis Guilherme oo ka yimid kooxda Palmeiras.

    3. Kooxaha

    Sanadkan waxaa dib usoo noqday kooxda Leicester City oo horreyugu guulaystay horyaalka 2016-kii, kuna soo guulaysatay sanadkii tagay horyaalka heerka labaad. Waxaa iyaguna muddo ka dib usoo noqday Southampton oo ka soo wacdareysay horyaalka heerka labaad, waxana ay guuldaro la’aan ahaayeen sanadkii tagay intii udhaxaysay September ilaa February, micnaha 25-kulan.

    Kooxda saddexaad ee sanadkan ku cusub horyaalka kowaad waa kooxda Ipswich Town oo saaxadan ka maqnayd 22-sano, waxa ay kusoo baxeen qaab awwoodeed lakiin lama qiyaasi karo sida ay noqon doonaan dhammaadka xili ciyaareedkan.

    Saadaasha Premier League 2024-25: Khabiirada isboortiga ee BBC ayaa soo xushay 4-ta ugu sare

    Horyaalka Ingiriiska

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Manchester City waxa ay ku raaxaysanaysaa wakhti aan hore loo arag oo maamul, laakiin intee ayay soconaysaa?

    Kooxda Pep Guardiola, ayaa horey u noqotay kooxdii ugu horeysay ee 136 sano jirsatay horyaalka Ingariiska ee loo caleemo saaro horyaalka heerka koowaad afar sano oo xiriir ah, iyadoo haatan bartilmaameedka City uu yahay inay rikoorkaas gaarsiiso shan xiriir ah.

    Caqabadda qof kasta oo kale waa in la joojiyo iyaga. Arsenal ayaa tartanka horyaalka Premier League u qaaday maalintii ugu dambaysay ee bishii May, laakiin ma qaadi karaan tillaabada xigta markan, yaase ku guulaysan kara?

    Waxaan weydiinay 29 khabiir oo BBC TV iyo raadiyaha ah inay doortaan afarta sare, iyadoo sharraxaad laga bixinayo doorashadooda.

    Saadaashan ayaa lagu saleeyay sida koox walba ay u qaabaysan tahay Khamiista, 15ka Agoosto, iyadoo in ka badan laba toddobaad ay ka harsan tahay ilaa inta uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xirmayo 30ka Agoosto.

    Sagaal kooxood ayaa kasoo muuqday afarta sare ee la saadaaliyay, laakiin kaliya Manchester City iyo Arsenal ayaa kasoo muuqday 29-ka kooxood ee ugu sareysa.

    Horyaalka oo caawa furmi doona waxaa weli la isku raacsan yahay in Manchaster City tahay awwood aan la dhayalsan karin oo doonaysa inay sii dheeraysato rikoorkeeda iyadoo filaysa inay hesho horyaala markii shanaad oo xiriirk ah.

    Arsenal oo labadii xili ciyaareed ee la soo dhaafay u muuqatay kooxda kaliya ee ka ridan karta horyaalka City, ayaa iyaduna door bidaysa xilli ciyaareedkan inaysan waxba la harin oo ay si walba ku hanato horyaalka.

    Labada macallin ee layliya labada kooxood oo Spanish ah, waa Pep Guardiola iyo Arteta, ayaa doonaya inay masraxa ku muujin doonnaan awwoodooda iyo tayadooda macallinimo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Thierry Henry Oo Sheegay Sababta Uu Bellingham Uga Niyad Jabsanyahay Mbappe.

    November 6, 2024

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle Mudane Yusuf Cabdi Farax ayaa maanta magaalada Baladwayne ka furay qorshe howleedka nabadda iyo amniga

    November 5, 2024

    Carragher Oo Saadaaliyay Shaxda Ruben Amorim Ee Man United.

    November 5, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025

    Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

    June 30, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.