Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiye Ali Elim Ibrahim Qormo Siyaasadeed: “Hoggaan ku kooban ‘Aniga ha i eedo’ iyo Saameynta ka dhalan karta”

    March 25, 2026

    Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

    March 24, 2026

    Galmudug oo soo dhawaysay dedaallada lagu xalinayo Xiisadda Koofur Galbeed

    March 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiye Ali Elim Ibrahim Qormo Siyaasadeed: “Hoggaan ku kooban ‘Aniga ha i eedo’ iyo Saameynta ka dhalan karta”

      March 25, 2026

      Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

      March 24, 2026

      Galmudug oo soo dhawaysay dedaallada lagu xalinayo Xiisadda Koofur Galbeed

      March 24, 2026

      DFS oo maamul cusub u magacawday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

      March 24, 2026

      Madaxweynaha Jabuuti oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City” oo ku kacaya $480 Milyan

      March 24, 2026

      Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

      March 24, 2026

      Diyaarad ku burburtay xadka Peru.

      March 24, 2026

      Midowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

      March 24, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Gudoomiye Ali Elim Ibrahim Qormo Siyaasadeed: “Hoggaan ku kooban ‘Aniga ha i eedo’ iyo Saameynta ka dhalan karta”

      March 25, 2026

      Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

      March 24, 2026

      Galmudug oo soo dhawaysay dedaallada lagu xalinayo Xiisadda Koofur Galbeed

      March 24, 2026

      DFS oo maamul cusub u magacawday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

      March 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Gudoomiye Ali Elim Ibrahim Qormo Siyaasadeed: “Hoggaan ku kooban ‘Aniga ha i eedo’ iyo Saameynta ka dhalan karta”

    Gudoomiye Ali Elim Ibrahim Qormo Siyaasadeed: “Hoggaan ku kooban ‘Aniga ha i eedo’ iyo Saameynta ka dhalan karta”

    By radiohalgan.comMarch 25, 20264 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

     

    Siyaasadda casriga ah, hoggaamintu ma aha mid ku dhisan hal qof oo keliya, balse waa nidaam ku dhisan wada-tashi, isu-tanaasul iyo ka faa’iidaysi aragtiyo kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in madaxweynaha Xasan sheikh maxamuud uu muddo ku socday siyaasad u eg hal-ku-dhigga ah “Aniga ha i eedo”, taas oo si dadban u muujinaysa go’aan qaadasho ku urursan hal dhinac, iyadoo aan la siin mudnaan ku filan talo-wadaag iyo ka-qaybgal siyaasadeed oo ballaaran.

    Marka hoggaanku noqdo mid isku koobay awoodda iyo go’aamada, waxaa hoos u dhac ku yimaada kalsoonida saaxiibada siyaasadeed iyo xubnaha xisbiga. Taasi waa waxa maanta soo ifbaxaya xaalad muujinaysa in madaxweynaha uu si tartiib tartiib ah u luminayo saaxiibo muhiim ah oo laf-dhabar u ahaa taageeradiisa Saaxiib. Saaxiibtinimada siyaasadeed ma aha mid joogto ah; waxay ku xirnaaneysaa wadaagis, is-ixtiraam iyo dhegeysi joogto ah.

    Hoggaan ku dhisan “Aniga ha i eedo” wuxuu la mid yahay geed hadhkiisa iskiis u gooya qorraxdu markay kululaatana meel uu gabbado ma helo. Marka “Aniga ha i eedo” uu noqdo jid kali ah, hoggaamiyuhu wuxuu halis ugu jiraa inuu ka go’do dhammaan dariiqyadii kale ee xal u horseedi lahaa.

    Hoggaamiye aan dhegeysan talooyinka kala duwan, wuxuu la mid yahay qof maqalkiisa iska xiray ugu dambeyn wuxuu maqlayaa oo keliya codkiisa. Marka saaxiibadiisii hore ka sii fogaanaya, wuxuu u egyahay “qof shiraacda doonida ka jaraya isagoo weli badda ku jira”, saaxiibadii muhiimka ahaa ay ka sii durkaan, waxaa la is weydiinayaa: ma jidka ayaa qaldan mise socodka ayaa khaldan?

    Sidookale, xisbiga talada haya ayaa la kulmaya kala daadsanaan iyo hoos u dhac ku yimid xubnihii ugu miisaanka cuslaa. Xubnaha muhiimka ah ee xisbigu waa kuwa keena aragti, taageero iyo isku xirnaan bulsho. Marka ay ka fogaadaan ama ka niyad jabiyaan hoggaanka, waxay keentaa in xisbiga uu noqdo mid daciif ah, isla markaana lumiyo awooddii uu ku mideyn lahaa bulshada. Xisbi aan lahayn codad kala duwan wuxuu isu beddelaa hal cod oo keliya hal codna mararka qaar ma daboolo qaylada bulshada.

    Waxaa xusid mudan in siyaasadda ku dhisan hal aragti ay keento go’doon siyaasadeed. Hoggaamiye aan dhegeysan talooyinka kala duwan wuxuu halis ugu jiraa inuu waayo miisaankii iyo taageeradii uu ku tiirsanaa. Taariikhda siyaasadeed waxay ina tusaysaa in hoggaamiyeyaasha guuleysta ay yihiin kuwa dhageysta, la tashada, kana shaqeeya midnimada gudaha.

    Siyaasaddu ma aha cid aad ka adkaato oo keliya, waa cid aad kasbato, kasbashadaasna waxay ku timaadaa dhegeysi iyo dulqaad. Siyaasad ku dhisan kala reebid waxay dhistaa darbi; darbigu ma kala saaro oo keliya dadka, wuxuu kaloo xiraa albaabadii wada-hadalka. Haddii siyaasadda loo rogo “kuwa ii dhow” oo keliya, waxay si aamusnaan ah u eryeysaa “kuwa ii dan ah”.

    Maamul-Goboleedyada iyo Isku-dheellitirka Awoodda

    Maamul-goboleedyadu waa tiirarka dowladnimada, ma aha cadow la iska fogeeyo. Laba maamul oo la isku halleeyo iyadoo kuwa kale la iska riixayo waxay u egyihiin ciyaar kooxeed oo hal dhinac laga ciyaarayo.Horay ayaa loo waayay laba maamul goboleed.
    • Laba maamul oo isku reer ah haddii lagu tiirsanaado, waxay la mid tahay kursi labo lugood leh istaag wuu istaagi karaa, balse xasillooni ma leh.
    • Koonfur Galbeed oo laga sii jeesto, waxay u egyahay miis miisaankiisii laga qaaday dhinac ayuu u janjeeraa, inkastoo aan si cad loo qiran. Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Ragg wax u dhaama lahaa walaaloow.” Taasi waxay tilmaamaysaa in xal kasta uu ku jiro isu-soo dhowaansho iyo wada shaqeyn. Haddii maamul-goboleedyada la kala fogeeyo, waxaa dhaawacmaya himiladii qaran ee la wada lahaa. Haddii la isu soo dhowaado, waxaa suuragal noqonaya in dalka laga gudbo marxaladdan adag.

    Talooyin Muhiim ah oo aam siinaayo Madaxweynaha:

    • Inuu bilaabo wada-hadal dhab ah oo uu la yeesho dhammaan dhinacyada siyaasadda, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed.
    • Inuu muujiyo dulqaad iyo tanaasul siyaasadeed si loo helo hoggaan mideeya.
    • Inuu xaqiijiyo doorasho lagu wada qanacsan yahay si looga fogaado qalalaase siyaasadeed.
    • Inuu ka hormariyo danta guud ee shacabka danaha gaarka ah.
    • Inuu xoojiyo ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada isagoo kaashanaya dhammaan heerarka dowladnimo.
    • Inuu dhiso kalsooni siyaasadeed kana fogaado hadallo iyo ficillo keeni kara kala qeybsanaan.
    • Inuu diyaariyo jihada doorasho hufan maadaama waqtigiisa xilku gabaabsi yahay.

    Gunaanad

    Xaaladda maanta jirta waxay fariin u tahay hoggaanka sare ee dalka: in dib loo eego qaabka hoggaamineed, lana xoojiyo wada-tashiga si loo soo celiyo kalsoonida saaxiibada siyaasadeed iyo mideynta xisbiga. Haddii kale, sii socoshada habkan waxay horseedi kartaa kala fogaansho siyaasadeed oo sii qoto dheeraata, taas oo saameyn karta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

    Mudane Madaxweyne, hoggaan ku ekaada laba tiir oo isku mid ah isagoo tiirarkii kale dumiyay, wuxuu halis ugu jiraa in saqafkii uu iskiis u soo dumo iyadoo aan dabayl weyn jirin.

    Ali Elmi Ibrahim

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

    March 24, 2026

    Galmudug oo soo dhawaysay dedaallada lagu xalinayo Xiisadda Koofur Galbeed

    March 24, 2026

    DFS oo maamul cusub u magacawday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

    March 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiye Ali Elim Ibrahim Qormo Siyaasadeed: “Hoggaan ku kooban ‘Aniga ha i eedo’ iyo Saameynta ka dhalan karta”

    March 25, 2026

    Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

    March 24, 2026

    Galmudug oo soo dhawaysay dedaallada lagu xalinayo Xiisadda Koofur Galbeed

    March 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.