Shirka Koobaad Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka duulaya ahmiyadda bulshada gobolka u leeyihiin dhismaha Wadda-Laamiga ee Beledweyne dhax marta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif Biyo-xereenno iyo mashaariic kale oo hurumarin ah ayaa Muqdisho uga qeyb-gali doona shirka koobaad oo looga hadlayo mashaariicdaasi iyo sidii loo bilaabi lahaa.
Shirka Labaad guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ka qeyb gali doona shir labaad oo looga hadlayo bilaabashada wajiga Labaad ee Howlgalka ka dhanka ah Argagaxisada oo uu hoggaamin doono guddoomiye Muuse Salaad Wehliye.
Madax Dolwadda Soomaaliya iyo dowladad goboleedka Hirshabelle oo ka duulaya Aqoonta iyo qibradda ciidan ee uu leeyahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ku kalsoon guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo heesta taageerada shacabka iyo ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka in uu hoggaaminta dagaalka wajiga labaad guulo waaweyn uu ka keeni doono.