Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Wasiirka Caafimaadka XFS “Farmashigii iibinaya Dawooyinka maandooriye ahaanta loo adeegsado waan la xisaabtamaynaa

      September 12, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Daawo: Xamza oo si cajiib ah ugu jawaabay raggii sheegay in SYL ‘looga xaday Qalin iyo Dahab’

    Daawo: Xamza oo si cajiib ah ugu jawaabay raggii sheegay in SYL ‘looga xaday Qalin iyo Dahab’

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 22, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay sida uu u soo hagaagayo amniga caasimadda Muqdisho, isagoo tusaale u soo qaatay arrimo ka dhashay weerarkii Hotel SYL ay Shabaab ka geysteen.

    Labo nin oo warbaahinta la hadlay maalin kadib markii uu weerarkaasi dhacay ayaa sheegay inay ka maqan tahay Alaab ay uga carareen Hotelka, iyagoo ciidamada ammaanka ku eedeeyey inay alaabtaas qaateen.

    Nin safiir soo noqday ayaa ku jiray ragga xatooyada ku eedeeyey ciidamada amniga ee Shabaab ka badbaadiyey dadkii lagu weeraray Hotelka, kaas oo sheegay in qalin laga xaday, halka ninka kale uu sheegay in dahab laga xaday, maadaama xaaskiisa ay la deganeed oo aroos ah ay ahaayeen.

    Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadalladii ay warbaahinta mariyeen labadaas nin si tusaaleyn ah uga jawaabay ayaa sheegay in amniga dalkaan uu soo hagaagay oo la soo gaaray heer hanti iyo qalimaan laga fekero, inta lagu guuleystay badbaadinta naftii muwaadinka.

    “Amniga uu Rabbi nagu maneystay, markii ay wax dhacaan waxaa la dhihi jiray qof ayaa iga dhintay iyo waa la baaba’ay, balse waxaan maanta mareynaa ‘qalin ayaa iga maqan, computer ayaa iga maqan iyo xaaskaa ila degeneed oo dahab ayaa ka lumay’ taasi waxay ku tusineysaa inaan meel fog ka nimid oo amniga dalkeenu soo hagaagay,” ayuu yiri Xamsa Barre.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa duqa Muqdisho iyo hey’adaha ammaanka uga mahadceliyey dadaalka ay geliyeen sugidda amniga caasimada, isagoo ka dalbaday inay sii laba jibaaraan halganka amni xaqiijinta ah oo ay ku jiraan.

    Sidoo kale, R/Wasaare Xamza ayaa ka hadlay dhaqanka bulshada, isagoo sheegay in mararka qaar ay soo gaaraan inuu magaalada ka jiro dhaqan aan wanaagsaneyn, sida isticmaalka maandooriyaha, soon la’aan, tumasho iyo waxyaabo kale oo diinteena suuban aysan ogoleyn, isagoo dalbaday in meel looga soo wadajeesto dhaqan xumada oo la suuliyo.

    “Waxaan nahay dad dagaal ku jira, shacab iyo dowlad waxaa la rabaa inaan dadaalno, is dhigasho ayaa dhacda mararka qaar,  waa inaan amniga gacmaheena ku raadsanaa, aan tirtirno Khawaarijta, hadii ay towbad keeni waayaan, in Khawaarij dalkaan la dhaafiyo waxaa ku xiran dowladnimadeena, diinteena ilaalinteeda iyo wax kasta oo wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Barre.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” kaas oo wasaaradda arrimaha gudaha ay soo qabanqaabisay, laguna qabtay beerta nabadda ee magaalada Muqdisho.

    Hoos ka daawo

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.