Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Daawo: Xamza oo si cajiib ah ugu jawaabay raggii sheegay in SYL ‘looga xaday Qalin iyo Dahab’

    Daawo: Xamza oo si cajiib ah ugu jawaabay raggii sheegay in SYL ‘looga xaday Qalin iyo Dahab’

    By radiohalgan.comMarch 22, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay sida uu u soo hagaagayo amniga caasimadda Muqdisho, isagoo tusaale u soo qaatay arrimo ka dhashay weerarkii Hotel SYL ay Shabaab ka geysteen.

    Labo nin oo warbaahinta la hadlay maalin kadib markii uu weerarkaasi dhacay ayaa sheegay inay ka maqan tahay Alaab ay uga carareen Hotelka, iyagoo ciidamada ammaanka ku eedeeyey inay alaabtaas qaateen.

    Nin safiir soo noqday ayaa ku jiray ragga xatooyada ku eedeeyey ciidamada amniga ee Shabaab ka badbaadiyey dadkii lagu weeraray Hotelka, kaas oo sheegay in qalin laga xaday, halka ninka kale uu sheegay in dahab laga xaday, maadaama xaaskiisa ay la deganeed oo aroos ah ay ahaayeen.

    Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadalladii ay warbaahinta mariyeen labadaas nin si tusaaleyn ah uga jawaabay ayaa sheegay in amniga dalkaan uu soo hagaagay oo la soo gaaray heer hanti iyo qalimaan laga fekero, inta lagu guuleystay badbaadinta naftii muwaadinka.

    “Amniga uu Rabbi nagu maneystay, markii ay wax dhacaan waxaa la dhihi jiray qof ayaa iga dhintay iyo waa la baaba’ay, balse waxaan maanta mareynaa ‘qalin ayaa iga maqan, computer ayaa iga maqan iyo xaaskaa ila degeneed oo dahab ayaa ka lumay’ taasi waxay ku tusineysaa inaan meel fog ka nimid oo amniga dalkeenu soo hagaagay,” ayuu yiri Xamsa Barre.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa duqa Muqdisho iyo hey’adaha ammaanka uga mahadceliyey dadaalka ay geliyeen sugidda amniga caasimada, isagoo ka dalbaday inay sii laba jibaaraan halganka amni xaqiijinta ah oo ay ku jiraan.

    Sidoo kale, R/Wasaare Xamza ayaa ka hadlay dhaqanka bulshada, isagoo sheegay in mararka qaar ay soo gaaraan inuu magaalada ka jiro dhaqan aan wanaagsaneyn, sida isticmaalka maandooriyaha, soon la’aan, tumasho iyo waxyaabo kale oo diinteena suuban aysan ogoleyn, isagoo dalbaday in meel looga soo wadajeesto dhaqan xumada oo la suuliyo.

    “Waxaan nahay dad dagaal ku jira, shacab iyo dowlad waxaa la rabaa inaan dadaalno, is dhigasho ayaa dhacda mararka qaar,  waa inaan amniga gacmaheena ku raadsanaa, aan tirtirno Khawaarijta, hadii ay towbad keeni waayaan, in Khawaarij dalkaan la dhaafiyo waxaa ku xiran dowladnimadeena, diinteena ilaalinteeda iyo wax kasta oo wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Barre.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” kaas oo wasaaradda arrimaha gudaha ay soo qabanqaabisay, laguna qabtay beerta nabadda ee magaalada Muqdisho.

    Hoos ka daawo

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.