Author: radiohalgan.com

Afku, waa meesha ay ku kulman xubno badan oo uu leeyahay jirka aadanahu. Waxaa ku dhex nool in ka badan 700 oo nuuc oo bakteeriyo ah oo la yaqaano, iyo sidoo kale dheecaano, fayrusyo iyo sidoo kale noolaha loo yaqaano protozoa. Noolayaashaan oo dhan ayaa waxay yiiin kuwo lagu arko oo kaliya shaybaar, waxayna kaalin muhiim ah ka ciyaaraan caafimaadkaaga. Xanuunada ugu badan ee ka dhasha isbadalada ku dhaca bakteeriyadaan ayaa waxay yihiin suuska iyo cudurada cirridka. Cadeymo isi soo taraya ayaa waxay sheegayaan in noolayaashaan ay sidoo kale ku lug leeyihiin xaalado kale oo caafimaad oo halis ah,…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay reer galbeedka Talaadadii in xubnaha NATO ee Yurub ay ku ciyaarayaan dab, haddii ay Ukraine u oggolaadaan inay isticmaasho hubka reer galbeedka si ay u weerarto Ruushka, taas oo uu sheegay inay horseedi karto isku dhac caalami ah. In ka badan laba sano oo uu socday dagaalkii ugu dhiig daadinta badnaa Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, Putin waxa uu si isa soo taraysa uga hadlay halista isku dhac caalami ah oo aad u balaaran, iyadoo reer galbeedku ay la tacaalayaan waxa ay ka yeelayaan guulaha ciidamada Ruushka ee Ukraine. Xoghayaha guud…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 21-aad ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika. Shirka oo kan heer madaxweyne maanta furmay ayaa diiradda waxaa lagu saarayaa dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan. Sidoo kale madaxda ayaa inta uu shirka u socda waxa ay ka wada doodi doonaan nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaysanayo quburo loo xilsaaray, xilli horay loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay…

Read More

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag. Taliska AFRICOM ayaa jawaabtaan siiyey VOA oo su’aal ka weydiisay waxa ay kala socdaan duqeymaha is qabqabsiga abuuray ee ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegatay labo maalin ka hor. Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishaan soo tebisay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan iyo seddax horjooge. Maalintii xigtayna, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay inaan la caddayn karin in waxa dhacay ay…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaas ugu dilay hooyadiis. Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Macow oo ka tirsan degmada Wajeer, waxaana eedeysanaha magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed, kaas oo lasoo xiray. Eedeysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad uu qoorta kaga jaray hooyadiis, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo si aad uga naxay falkaasi argagaxa leh. Guddoomiyaha xaafadda uu falkan ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka sheekeeyay sida…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib u billaabay inay weeraraan ciidamadaasi. Dagaal labaad ayaa muddo 24 saacad gudahood labada dhinac ku dhex-maray degmooyin ka tirsan gobolka Bakool oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadan oo qayb ka ah ATMIS. Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hub culus. War kasoo baxay kooxda ayaa lagu sheegay inay dagaalka Diinsoor ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, ayna ku…

Read More

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SOO GAARAY DEGMADA MATABAAN Matabaan, 28-May-20204:Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay soo gaareen degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan. Dadka degmada ay horkacayaan Guddoomiyaha Degmada Matabaan, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ayaa waxa ay kusoo dhaweeyeen banaanka degmada Matabaan. “Ugu horreyn waxaan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta aan loo kala harin ee maanta ii sameeyeen dadka Matabaan. Runtii miraha Dowladnimada ayay guran doonaan oo waxaan xarigga ka jari doonaa haddii uu Alle idmo mashaariicdii ugu waa weyneyd ee taariikhda…

Read More

Jowhar, 28-May-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Haweenka iyo Ganacsiga oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Sakariye Khaalid Cabdi iyo Marwa Raxma Maxamed Gulle. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilaabadani kala tashaday Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle kuwaas oo 2-dii ugu dambeysay ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan. Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada Wasaaraddaha Haweenka iyo…

Read More