Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta, kuwaasi oo soo gudbiyay fariin uu ka siday Xoghayaha Guud ee Ururkaasi. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa guray arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo u diyaar garowga shir madaxeedka dalalka Carabta oo dhawaan dhici doona. Wadahadallada dhexmaray Madaxweyne Maxamuud iyo wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta. Waxaa xoogga la saaray dhinacyada…

Read More

Israaโ€™iil ayaa xoojisay duqeymaha ay ka waddo degmada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, kaddib marki la xaqiijiyay in Arbacadi shalay 12 xubnood oo hal qoys ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuluyeen ciidamada Israil. Dadka deegaanka Rafax ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in dhowr madfac lagu duqeeyay qeybo ka mid ah Rafax, halka ciidanka badda Israil oo isticmaalaya doonyo ay rasaas ku fureen dadka ku nool agagaarka xeebta Rafax. Sawir-qaade ka tirsan Reuters oo ku sugan Rafax ayaa sheegay, in 12-ka qof ee la dilay ay ka wada tirsanaayeen qoyska Al Nuur. Dadka dhintay ayaa waxaa…

Read More

Masuuliyiin uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaqdhaqaaqo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed. Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray deegaano dhaca xadkaย  ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku yaala gobolka Bakool. Masuuliyiinta amniga ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa halkaasi ka wada qorshe ay sheegeen in lagu billaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo dhawaan ka billaaban doona deegaanada Koonfur Galbeed. “Deegaanadaan dhaca xad ay wadaan Soomaaliya iyo itoobiya ee ku yaala Bakool, waxaan u imaanay dardar galinta wajiga…

Read More

Somaliland ayaa sheegtay in ay si buuxda u hirgalinayso isfahamkii ay la gashay dowlada Itoobiya, waxayna ku dooday in uu yahay mid waafaqsan xeerarka caalamiga ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, oo shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiska Somaliland ee Itoobiya, ayaa warbaahinta Itoobiya u sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid barwaaqo u horseedi doona labada dhinac. “Wafti ahaan waxaanu sharaxaad ka bixinay arragtidayada ku aadan is-fahamka ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaleen, kaasi oo aan kali ah waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah, lakiin ah mid is badal togan u horseedaya Somaliland iyo Itoobiya, marka ay noqoto dhinacyada…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, uu fuli doono, isla markaana anay Soomaaliya hor istaagi karin Madaxweynuhu waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay caddaysatay in ay aaminsantahay in Somaliland anay wax jira ahayn, isla markaana ay tahay gobol kamid ah Soomaaliya. “Qoladii Soomaaliya waxay soo caddaysatay in ay tidhaa wax Somaliland la yidhaa ma jiro, waa gobolo annaga ah oo waxna ma goosan karaan mana talin karaan, waa markii ugu horaysay ee uu soo boxo wajiga runta ah ee Soomaaliya” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Madaxweynuhu waxa uu si gaar…

Read More

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle iyo madax ka socota Hayโ€™addaha Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaablisan Qaramada Midoobay ahna madaxa isku duwidda xafiiska arrimaha biniโ€™aadinnimo ayaa maanta si wadajir ah ugu dhawaaqay qiimeyn lagu samaynaayo saamayntii ka dhalatay roobabka El-nino ee dhammaadkii sanadkii tagay. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay in ku dhawaad 75 qof loo tababari doono diyaarinta iyo soo bandhigidda saamaynta ka dhalatay xaaladda El-nino oo ah roobab xooggan oo dalka ka daโ€™ay dhammaadkii sanadkii tagay ee 2023-ka. Shirka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa…

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaasoo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed โ€“ isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. โ€œHeshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa goโ€™aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa goโ€™aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal laโ€™aantii, waa goโ€™aan Soomaaliya u sameynaya…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Ganacsato isugu jirta Soomaali iyo kuwo u dhashay dalka Finland oo Magaalada Muqdisho u yimid sidii ay maalgashi u sameyn lahaayeen. Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ugu horeyn waxaa warbixin laga dhageystay Ganacsade Cabdi Cabdulle Cisman oo wafdigaan hogaaminayay, isaga oo sheegay in ay Muqdisho u imaadeen sidii ay u sameyn lahaayeen maalgeshi ku aadan sifeynta wasaqowga bulaacadaha. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada…

Read More

Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay oo sahay cunto muhiim ah u siday bartamaha Gaza, ka hor inta aysan ugu dambeyntii joojin gawaarida xamuulka ah ee u socda dhinaca waqooyiga ee dhulkaas, halkaasoo Falastiiniyiintu ay qarka u saaran yihiin macaluul. CNN ayaa aragtay waraaqo u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo militariga Israel oo muujinaya wadada kolonyada ee ay ku heshiiyeen labada dhinac ka hor duqeynta. Sida lagu sheegay warbixin ay soo diyaarisay UNRWA oo ah hayโ€™adda gargaarka Qaramada Midoobay ee Gaza, gaariga la duqeeyey ayaa ka mid ahaa ย kolonyo 10 gaari ka kooban oo fadhiyey meel…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhoweyd shir jaraaโ€™id ku qabtay Madaxtooyadda ayaa ku dhawaaqay in baddeena uu difaacayo Turkiga, taasi oo ka dhigan in ammaanka baddeena lagu wareejiyay Turkiga, oo leh awood ciidan xooggan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in heshiiska difaaca ee Turkiga uu soconayo illaa 10 sano, mudadaasna ay barbar soconeyso dhismaha ciidanka badda Soomaaliya. Waxa uu sheegay in heshiiska difaaca ee Turkiga aan marnaba lagu colaadinayn dowlad kale, balse uu Turkiga ku saacidayo Soomaaliya inay ilaashato baddeeda iyo kheyraadka ku jira. โ€œWaxkasta oo sharci darro ah, dhamaan inay nala ilaaliyaan waaye waxaan heshiiska kula galnay Turkiga…

Read More