Author: radiohalgan.com

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa ka qeyb-galaya Madasha WSIS20 oo lagu qabtay sanadkaan magaalada Geneva ee wadanka Switzerland. Wasiir Maxamed ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Doreen Bogdan-Martin Xoghayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU, kaasi oo kala hadlay arrimo dhowr ah. Kulankaan oo diiradda lagu saara xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, ayaa looga hadlay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, dhiiri-galinta kor uqaadista xirfadaha dhijitaalka, sare u qaadista ICT-da iyo sidii sharciyo iyo habraac looga samenyn lahaa maamulka garaadka macmalka AI, maadaama si xowli uu ku socdo. Wasiirka Isgaarsiinta…

Read More

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta khudbad ka jeediyay  shirka 10-aad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha, ayaa si qoto-dheer uga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta. Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee ku yaalla Bariga Afrika ee xiriir diblumaasiyadeed la yeesha Shiinaha, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sare u qaadida iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha. Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashigan si loo gaaro faa’iidooyin dhaqaale oo guud, isagoo markaa muujiyay in Soomaaliya ay si dhab ah…

Read More

Nin Soomaali ah, balse degan waddanka Ingiriiska, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu si safmar ah tooray ugu xagay dad gaaraya ilaa 32 ruux, balse ugu dambeyntii uu haweeney ku dilay koonfurta London. Ninkaan oo lagu magaacbo Mohamed Nuur oo 34 jir ah waa waxa uuku hubaysnaa tooreey gacanta lagu sameeyay markii uu dhuunta kala goynayay haweeneey lagu magacaabo Johanita Kossiwa Dogby, oo 31 jir ahayd xilli habeen ah gudaha Brixton, taariikhdu markii ay ahayd 1 dii May 2023 dii. Gabadha la dilay ee Dogbey walaasheed ka yar oo lagu magacaabo Laura ayaa oohin is celinwaysay gudaha…

Read More

SHACABKA DEEGAANKA QOD-QOD OO SOO DHAWEYN IYO HADIMO-SHARAFEED U SAMEEYAY MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si diirran maanta loogu soo dhaweeyay deegaanka Qod-Qod ee hoostaga degmada Matabaan. Madaxda iyo Shacabka deegaanka ayaan bannaanka Qod-Qod waxa ay kaga hortageen wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle. Masuuliyiinta deegaanka iyo shacabka Qod-Qod ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Madaxweyne Cali Guudlaawe iyagoo xusay inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee booqda Qod-Qod. “Waan ka mahadcelinayaa soo dhaweynta, fardaha la i guddoonsiiyay iyo hadimo-sharafeedka loo sameeyay wafdiga aan hoggaaminayay. Dowladda Hirshabeelle si dhab ah ayay idin…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo la-taliyihii amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, ayaa wada-hadal ku leh dalka Turkiga, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo sidii isbaheysi siyaasadeed ay u sameysan lahaayeen labada dhinac kaasi oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda mudo xileedkiisu galay sanadihii dhammaadka. Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu kulankan uga wakiil yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddii labada dhinac ay si rasmi ah u dhistaan isbaheysi, waxa uu wax weyn ka beddeli karaa saaxada siyaasadeed ee…

Read More

Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ee ka howlgala deegaanasa Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya. Saddexda xubnood ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen oo dhammaan ah wiilal dhalinyaro ah oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-Shabaab. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ee jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay xubnahan oo mari doono habraaca isa soo dhiibayaasha kasoo goosta Al-Shabaab. Xubnahan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa sheegay inay ka howlgali jireen…

Read More

Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegatay inay ka dambeysay weerar loo adeegsaday qarax miino oo Talaadadii ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Daacish oo qoraalkeeda ku baahisay Internetka ayaa ku sheegtay in qaraxaasi ay la eegatay ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaar isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Kooxda ayaa sheegatay inay weerarkan ay ku dishay ugu yaraan 2 askari, ayna ku dhaawacday 4 kale oo kamid ahaa ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la qarxiyay. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay…

Read More