Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Tan iyo markii madaxweynaha Kenya iyo kan Nigeria Bola Tinuba ay noqdeen xilka qabteen, waxay la kulmayaan dhaleecayn oo ku saabsan safarada joogtada ah ee ay dibadda ugu baxaan. Labadaan nin waxay noqdeen kuwo laga bixiyo qeexitaanno aan qurux badnayn β eedaymaha la xidhiidha jeclaysigooda safarka hawada ah waxay ka badan yihiin kuwa xaaladdaha cakiran ee dhaqaale ee dalka gudahiisa ka jira. Warsidaha kasoo baxa dalka Kenya ee Standard ayaa madaxweyne Ruto ku naanaysay βMadaxweynaha duulayaβ waxuuna qoray wargeysku βJacaylku uu u qabo safarka cirka ah waxuu u muuqdaa xitaa in uusan lumin karin fursad kasta oo uu heli karoβ…
Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay burburka kadib dalka dibaddiisa uga qayb-galeyso carbis milatari oo weyn, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka. Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo xalay kulan la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska Danab ayaa sheegay inay Soomaaliya ku metali doonaan dhoolatus ka dhacaya dalka dibaddiisa, wallow uusan shaacin magaca waddanka uu ka dhacayo. βWaa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno…
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa shalay ka bilaabatay maxkamadeynta Sayid Cali Macallin Daaβuud oo loo haysto in xaaskiisii oo uur lahayd uu gubay, marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed. Eedeysanaha ayaa waxaa u doodaya qareen lagu magacaabo Abuukaate Cali Xalane, kaas oo dhaleeceyn xoogan kala kulmay bulshada, maadaama ay dood ka dhalatay kiiskan. Dad badan ayaa kasoo horjeestay in Cali Xalane uu u doodo qof dambigaas oo kale gaystay, halka kuwa kalena ay taageereen, maadaama ay tahay arrin sharci ah. Idiris Alteeso oo caan ka ah baraha bulshada ayaa kamid ah dadka ka falcilyay wuxuuna yiri βDabcan harciga haduu qabo xitaa…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale heshiis cusub oo dhanka milatariga ah la gashay dowladda Qatar, ayada oo shalay golaha wasiirad aiyo baarlamaanka ay ansixiyeen heshiis difaac oo lala soo galay dowladda dalka Turkiga. Heshiiskan waxaa Soomaaliya usoo saxiixay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyidiin oo dhiggiisa Qatar, Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, kula kulmay magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi. Labada dhinac ayaaΒ ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashigooda dhanka ciidamada iyo sidoo kale sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah ee waxtarka u leh labada dal. Sidoo kale labada taliye ayaa heshiiska kadib kulan ay yeesheen…
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh oo ay kala dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda. Biixi ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh aysan wixiisu dhaafsiisneyn hadal uun, isla markaana ay dhaqan gelin doonaan heshiiska ay la galeen dowladda Itoobiya. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu doonayo in isaga loo soo maro heshiiskaas, uuna saxiixo, taasina aysan suuragal ahayn, sida uu ku dooday madaxweynaha Somaliland. βXasan horay ayaan ugu sheegay waxa aad la qaylineyo waxaa waaye aniga aan heshiiska saxiixo, taasina waxa ay ka dhigan…
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose. Axmed Madoobe ayaa odayaasha ka dhagaystay baahiyaha ka jira deegaanka, isagoo ballan-qaaday in wasaaradaha iyo hayβadaha dowladda ee shaqada ku leh adeegyada bulshada inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan baahiyaha deegaanka ka jira. Madaxweynaha Jubbaland odayaasha iyo waxgaradka deegaanka u sheegay in la bilaabayo howlgalo ka dhan ah Al Shabaab , waxa uuna ku booriyay inay garab istaagaan wiilashooda heeganka ugu jira sugida nabadgalyada deegaanka. Deegaanka Jannaa Cabdalle ee dhaca duleedka…
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya , gaar ahaan guutada Gorgor ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa soo saaray ammar degmadaasi looga mamnuucayo in aroosyada baabuur lagu galbiyo sidoo kale rasaas kor loo rido. Qoraal ay soo saareen saraakiisha hoggaamisa ciidamada Gorgor ee ku sugan Xarardheere ayaa dadka loogu sheegay in ay mamnuuc tahay in hal gaari ka badan aroos lagu galbiyo, sidoo kale la mamnuucay in aroosyada iyo dabaal-degyada kalaba rasaas loo rido. Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale amray in ciyaaradaha hidaha iyo dhaqanka aysan hal goob kuwada ciyaari karin ragga iyo dumar, waxa ay sidoo kale mamnuuceen…
Magaalada Muqdisho waxaa maanta aas loogu sameeyey Macallin Cabdiraxmaan Maclow Abiikar, oo ka tirsanaa Barayaasha Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir, oo todobaad ka hor lagu dhexdilay Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir. Aaska Macallinka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Bahda waxbarashada gobolka Banaadir, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Ehellada Macallinka iyo Ardaydii uu wax soo baray. Qaar ka mid ah bahda waxbarashada iyo Qaraabada Macallinka oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in la soo qabto Ninka dilka u gaystay Macallinka, kaas oo la sheegay in uu dilkiis u adeegsaday Toorey. February…
Ciidanka kumaandooska Gorgor iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ee gacanta ku haya magaalada Xarardheere ee gobolka Galgaduud ayaa soo saaray amarro cusub, kuwaas oo ay ku sheegeen laamaha amniga in ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada. Taliska ciidanka oo la hadlay warbaahinta madaxa bannaan ayaa sheegay in magaalada gudaheed laga mamnuucay in xabad la rido marka ay jiraan dabaaldegyada; sida Aroosyada iyo nuuckasta oo xaflad ah. Sidoo kale laamaha amniga magaalada ayaa Aroosyada ka dhacaya magaalada Xarardheera ka mamnuucay gawaarida tirada badan ee lagu galbiyo Arooska, taas badalkeed ay u ogal yihiin in lamaanaha lagu qaado hal gaari oo…
Dukaamada lagu iibiyo cuntooyinka ee xaafadda Islii ayaa saaka xiran kadib markii la sheegay in ay xaafadda yimaadeen ciidamo doonaya in ay baaritaan ku sameeyaan dukaamadda. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu bartilmaameedsanayaan dukaamada lagu iibiyo caanaha budada ah ee loo yaqaanno Caano-booro oo ay ku sheegeen in shaci darro ay ku tahay ganacsatada. Qof ka mid ah ganacsatada raashinka iibiya ee xaafadda Islii ayaa noo sheegay in xildhibaanka degmada Kamakunji oo Islii ay ka mid tahay Yuusuf Xasan Cabdi uu ku wargeliyay ganacsatada in ay xiraan dukaamadoodaa ilaa inta uu isagu uga imaanayo. Maalmo ka hor ciidamada Kenya ayaa howgallo…
