Author: radiohalgan.com

Marka ay noqoto qurbaha si gaar ah dalalka reer galbeedka waa wax inta badan bulshadu ay maqasho qof lagu tilmaamo cunsuri ayaa weerar qaaday oo dad dilay ama waxyeello kale geystay. Si gaar ah marka aynu dul istaagno waxaa jira weerarro dhowr ah oo lagu qaaday masaajid ay mas’uul ka yihiin culimo Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala yaallay dalal kala duwan sida Yurub iyo Mareykanka. Mareykanka Masjid ku yaalla Minneapolis oo la yirhaado Al-xikma ayaa dhowr mar la wareeray iyada oo weerarka uu geystay hal nin oo nacayb lagu tuhmay. Ninka ayaa ilaa 2020-kii si isdaba jog ah u weerarayay…

Read More

Soomaaliya, tiro malaha dadka u waxyeelloobay hubka sida sharci darrada ah loo rido iyada oo mararka qaar ay guryaha ugu tagaan qoysas aan waxba ka ogeyn waxa socda ama sababta loosoo riday. Hodan Saalax waxa ay saygeedii, gabadheedii, iyo labadeedii lugoodba ku weyday madaafiic gurigooda ugu tagay iyaga oo hurda. Xaflada caleema saarka madaxweynaha 10-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda laba sano ay ka soo wareegtay ayaa xilligaas socotay. Madaxweyne Xasan Sheekh waa madaxweynaha kaliya ee mar labaad loo doortay Soomaaliya. Habeenkii caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya magaaladu waxa ay ahayd mid aad u sawaxan badnayd, waxaana…

Read More

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa dalbatay in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo wasiirka gaashaandhigga iyo sidoo kale madaxda Xamaas. Sida laga soo xigtay maxkamadeynta, hogaamiyayaashan ayaa loo heystaa dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Dacwad oogaha guud ee maxkamadda, Karim Asad Ahmed Khan, ayaa eegaya kiiskan. Karim Khan waa Pakistani asal ahaan. Dhegaysiga dacwadda, waxuu sheegay in jiraan “caddeymo la taaban karo” oo muujinaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza Yahya Sinwar ay galeen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Ma aha oo kaliya labada shaqsi, laakiin…

Read More

Dalka Koonfur Afrika waxaa ka socota tirinta codadkii la dhiibtay doorashada Guddiga doorashada ee dalka ayaan ku adkeysanaya in xilligii loogu talogalay ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashada. Isagoo la hadlayay warbaahinta, Sy Mamabolo, oo ah madaxa Gudiga Doorashada, ayaa sheegay in la ogaan doono natiijada doorashada “waqti ka mid ah dhammaadka usbuuca”. Waxa uu hore u sheegay in Axadda ay tahay maalinta ay suurtogal tahay. Sharci ahaan, komishanku waxa uu haystaa todoba maalmood oo ka bilaabmaysa doorashada si ay hawsha u dhameeyaan. Taariikh ahaan, dadka reer Koonfur Afrika ayaa looga bartay inay ogaadaan natiijada maalinta Sabtida ka dib doorashada. Laakiin,…

Read More

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xly ka qeybgalay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Matabaan taas oo ka dhacday xarunta degmada. Shacabka Matabaan ayaa ka mahadceliyay taariikhda uu u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). “Waxaad na tusteen heer aan qiyaas laheyn oo la xariirto Dowladnimada Hirshabeelle. Waxaan hambalyo leeyahay bulshada Geri-jir oo ay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle degmanimo.” Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guul iyo barwaaqo u rajeeyay shacabka uu caawa kula kulmay degmada Matabaan.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan. Dhambaalka qoraalka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya uu diray ayaa ahaa mid uu ku dalbanayey xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo dhambaalkaas loogu dhiibay dowladda Sacuudiga ayaa gaarsiiyey maanta. Ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee arrimaha siyaasadda ee Boqortooyada Sacuudiga Daljire Sacuud bin Maxamed Al-Sati ayaa maanta kusoo dhaweeyay Danjire Dahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh. Ergayga ayaa halkaas looga guddoomay dhambaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya…

Read More

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo lagu helo dambi Khamiistii, markii xeerbeegtida New York ay ku heleen dhammaan dambiyadii lagu soo oogay. Trump ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu been abuur ku sameeyay dokumentiyo, si uu u qariyo lacag lagu aamusiyay haweeney sameysa filimada galmada, oo uu la seexday, ka hor doorashadii madaxweyne ee 2016-ka. Kadib markii ay ka doodeen muddo laba maalmood ah, 12 xubnood oo xeerbeegti ah ayaa ku dhawaaqay inay Trump ku heleen dhammaan 34-ka eedeymo ee uu wajahay madaxweynihii hore. Xukunkan ayaa Mareykanka ku riixaya xaalad hubanti la’aan…

Read More

Hay’adda qaabilsan amniga gudaha ee Sweden ayaa ku eedaysay Iran inay isticmaashay budhcad ku sugan gudaha Sweden, si ay u bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo Yuhuudda. Daniel Stenling oo ah madaxa qaabilsan ka hortagga sirdoonada dibedda ee hay’adda amniga Sweden ayaa eedaymahan u jeediyey Iran, xilli uu qabtay shir jaraa’id. Wuxuu sheegay inay arrintani ahayd isku day ay doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo kuwa Yuhuudda ee ku yaalla gudaha Sweden. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro xiriir u dhaxeeya shabakado budhcad ah iyo shakhsiyaad ka hawl’gala hay’adaha amniga ee Iran. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa isku dayday inay arrintan…

Read More

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen maamulka degmada Matabaan, taas oo ka dhacday xarunta degmada. Shacabka degmada Matabaan ayaa ka mahad-celiyay taariikhda uu u sameeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe. “Waxaad na tusteen heer aan qiyaas laheyn oo la xariira dowladnimada Hirshabeelle. Waxaan hambalyo leeyahay bulshada Geri-jir oo ay u ansixiyeen golaha wasiirrada dowladda HirShabelle degmanimo,” ayuu yiri nadaxweynaha HirShabelle. Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa guul iyo barwaaqo u rajeeyay shacabka uu xalay kula kulmay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa shalay ansixiyay degmanimada Geri-jir, kadib shir aan…

Read More

Ugu yaaan saddex qof oo uu ku jiro sarkaal bookis ah ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacay bartamaha magaalada, sida ay sheegeen maamulka magaaladaasi. Katie Blackwell oo ah kaaliyaha taliyaha booliiska Minneapolis ayaa sheegtay in sarkaalka la toogtay magaciisa la yiraahdo Jamal Mitchell, oo ahaa sarkaal ku jiray sannadkiisii labaad ee shaqada. Wargeyska Star Tribune ee kasoo baxa Minneapolis ayaa qoray in askari boolis ah ee la dilay uu ahaa 28 jir, halka sarkaal kalena ay xaaladdiisu aad u liidato kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen eedaysanaha. Wargeyska…

Read More