Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagey degmada Daarusalaam. Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas waqti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taasi oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho. Mudane Xamza ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, oo dhawaan loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha ku dhiiri-geliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka. “Waxaan ugu…
Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayey si weyn uga rhex-tafatay, iyaga oo isugu jawaabay baraha bulshada. Labadaan nin oo sida muuqata uu ka dhaxeeyo xilaaftan siyaasadeed muddo huursanaa, ayaa waxay isku qabteen hanaanka hoggaamineed ee wasiirka gaashaandhiga iyo qaddiyada difaaca Itoobiya. “Sidee Ethiopia ugu adkaan karnaa? Markaa adigoo TikToker ah aad wasiir difaac noo tahay, waliba aad dumin sare ku hayso ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Cajiib,” ayuu yiri Xildhibaan Dayax oo ka fal-caliyay jawaabta uu wasiirka ka bixiyay qoraal wasiir Itoobiyaan ah uu ku sheegay inay aqoonsanayaan Somaliland. Wasiirka oo…
Duqa magaalada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa soo saaray amar ka dhan ah Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Duqa ayaa wuxuu ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe inay si deg-deg ah uga baxaan magaalada, haddii kale loo adeegsan doono awood dowladeed. “Waxaa la jooga waqtigii magaalada Garoowe laga saari lahaa Itoobiya sharci darrada ku jooga,” ayuu yiri Duqa Garoowe oo ku hanjabay in ciddii aan amarkan u hoggaansamin ay magaalada ka saari doonaan iyagoo xir-xiran. Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “In badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhoweeyo, laakiin…
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray golihii wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel. Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka. Talaabada uu maanta qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu…
Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar, sidoo kalena guddoomiyaha ururka Hilaac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga Somaliland, isaga oo dhaliil xoogan hoggaanka maamulkaasi. Samatar oo hadalkan ka sheegay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in laga gaabiyay ictiraafka Somaliland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aan la sameyn dadaalkii loo baahnaa, maddo hadda laga joogo 33 sano. Sababta waxa uu ku sheegay in aysan jirin doodo cilmiyaysan oo qoran oo la diyaariyay si adduunka loogu qanciyo wax ay tahay Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciyaar ciyaar uun ay ahaayeen wixii lasoo qabtay 33 sano ee lasoo dhaafay, isaga oo caddeeyay in…
Warbixin uu qoray Brian Bloom oo lagu daabacay wargeyska ka soo baxa Israel ee “The Jerusalem Post” ayaa cinwanaan looga dhigay “Rajada kaliya ee u hartay Israel waa Sacuudiga”. Qoraalka waxaa uu ku bilowday guul buuxda oo Israel ka gaarto Gaza waa wax aan sahal lagu gaari karin Qoraaga waxa uu sheegay Israel waa in ay sameysaa wax ay “Wajiga ku ilaalsan karto”. Dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday 8-da bilood laga soo bilaabo Oktoobar 7, waxaa la dhihi karaa Israel kuma guuleysan maadama guutooyinka Xamaas ah ay weli dhulka joogaan, ayna awood u leeyihiin in ay Tel Aviv duqeeyaan iyo sidoo…
Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku dhiiratay inay si shaacsan u sheegto inay aqoonsaneyso Somaliland, xilli uu socdo qorshe lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii Addis Ababa. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland. “Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya. Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in…
Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen gudashada waajibaadka Xajka, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sheegtay in 14 ka mid ah muwaadiniinteeda ay dhinteen “kadib markii ay la soo darseen xanuunno ka dhashay kulaylka ba’an” waxaana la sheegay in 17 kale la la’yahay. Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP, hay’adda bisha cas ee Iran ayaa xaqiijisay in 5 xujey Iraniyiin ah ay sidoo kale naftooda ku waayeen, balse ma aysan cadeyn sida ay u dhinteen. Saraakiisha…
Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay jiraan dad fiirsanaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo dacaayad la dabajooga dowladda iyo maauuliyiinta dalka. Sidaan oo kale xalay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa uga jawaabay weerarrada loo mariyo baraha bulshada, isagoo codsaday in la iska dhaafo been abuurka iyo hadallada damqinaya boogaha. “Dadka faafinaya beenta raqiiska ah ee raba in danahooda kaliya loo fuliyo waa qaldan yihiin ee dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Guddoomiyaha oo hadda dalka ka ah kusime madaxweyne ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka oo boqolaal…
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo ku siman 25 sano ah kaddib, waxay 15-kii jun 2015-kii billawday qaadista Imtixaanka shahaadiga ah dugsi sare (12-aad) ee dalka, taasi oo meesha ka saartay si toos ah dowrkii ay dalladaha ay ku lahaayeen ee qaadista imtixaankas, iyaga oo ku sababeeyey in xiligaas aysan ahayn wakhtigii ay ku habooneed, balse waxaa go’aankaas soo afjaray dowladda oo markaas ay Wasaaradda Waxbarashada ku dhiiratay in ay qaaddo Imtaxaanka Qaranka. Guud ahaan tirada ardayda fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2014-2015, ayaa lagu sheegay tiradooda in ay gaaraysay 287,000 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho; kuwaas…