Author: radiohalgan.com

Mashruuc hami sare laga lahaa oo lagu bilaabayo bangigii ugu horreeyay ee lagu kaydiyo caanaha bini’aadmiga ee Pakistan ayaa burburay sababo la xiriira diidmo ka timid machad Islaami ah oo ku yaal Karachi. Culimaa’udiinka Muslimiinta ayaa markii hore shuruud ku xiray mashruuca balse waxaa laga noqday maalmo ka hor inta aan la qorsheynin in xaruntan la furo. Pakistan waa dalka shanaad ee ugu dadka badan adduunka. Waxay leedahay heerka ugu sarreeya ee dhimashada dhallaanka ee Koonfurta Aasiya, sida ay sheegtay Unicef. La dagaallanka nolosha Bashira, ayaa waxay wayday wiilkeedii ugu horeeyay markii ay dhashay, tuulada ay ku noolaayeen ka hor…

Read More

Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo bandhigayso taargooyinka gawaarida oo cusub iyo ruqsadda wadidda gaadiidka (Leysinka) oo isna cusub, kana duwan kuwa haatan la bixiyo. Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Bashiir Macallin Cali Xasan. Wuxuu sheegay in wasaaraddu doonayso inay casriyeyso adeegyada xagga gaadiidka. “Waxaan rabnaa in aan samayno taargo cusub oo noocyada kala duwan ee gaadiidka ay qaadan doonaan sida gaadiidka shacabka, kuwa ciidanka, kuwa safaaradaha, ambalasyada, mootooyinka, iyo bajaajyada, sidaa darteed waxaan rabnaa taargo cusub oo casri ah oo QR code leh oo kii gobolka leh, oo…

Read More

Waxay ahayd habeen caadi ah oo la mid ah habeenada kale, iyadoo sariirta ku jirta gabadh shan jir ah oo aan naafo ahayn ayaa sariirta ku jirtay waanay hurdeysay, si lama filaan ah ayay u soo kacday si ay musqusha u gasho. Waxa la yaab lehayd, Zena Akuwa, wey istaagi weysay wayna adkaysan wayday oo waxay go’aansatay inay caawinaad weydiisato hooyadeed. “Hooyaday ayaan wacay si ay ii soo qaado, laakiin iyadoo og inaan ahay gura-dambeyska xaafadda ayay igu tiri ‘iska daa oohinta’ oo suuliga gal, waan istaagay oo aan dhacay”, ayay tiri Zena. “Waxaan lumiyay awoodii aan ku istaagi lahaa,…

Read More

Ugu yaraan 116 qof oo u badnaa dumar iyo carruur ayaa la xaqiijiyay in ay Talaaddi ku dhinteen isbuursi ka dhacay goob uu ka socday isu soo bax diimeed oo ay isugu tageen dadka Hinduuga, ee waqooyiga Hindiya. Dhacdadaan ayaa lagu sheegay mid ka mid ah tii ugu dhimashada badneyd oo nooceeda oo kale ah oo sannadahaan danbe ka dhacda dalka Indiya, sida ay sheegeen saraakiisha. Isbuursiga ayaa ka dhacay tuulada Hathras ee gobolka Utter Pradesh, oo qiyaastii 200 km dhanka koofurbari uga beegan magaalada caasimadda ah ee New Delhi, halkaas oo ay saraakiishu sheegeen inay isugu tageen kumannaan qof,…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa saluug ma muujiyey shaqada baarlamaanka federaalka oo xubin uu ka yahay, isagoo sheegay in hadda kadib uu ka fekerayo in uusan doonan kursi xildhibaan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa saluug ma muujiyey shaqada baarlamaanka federaalka oo xubin uu ka yahay, isagoo sheegay in hadda kadib uu ka fekerayo in uusan doonan kursi xildhibaan. Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya aysan ka shaqeyn masuuliyadda ay u qaadeen umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u dhaliilay guddoonka. Wuxuu sheegay in guddoonku uu afduubto golaha, halka xildhibaanadu ay xeeriyaan duruuftooda, sidoo kale xukuumadda ayuu ku eedeeyey inay ku…

Read More

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo xalay ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu maamulkooda la galay Itoobiya, wuxuuna kashifay qorshe uu sheegay inay damacsan tahay dowladda Soomaaliya. Ugu horreyntii wasiirka ayaa ka hadlay sababaha keenay diidmada dowladda federaalka ee ku aadan heshiiska badda, wuxuuna sheegay in Somaliland aysan u ogoleyn inay la macaamisho dariskeeda iyo waddamada kale ee caalamka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wasiirka oo garnaqsaday ayaa sheegay in horay Soomaaliya iyo Somaliland ay…

Read More

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo haatan socdaal ku marayo gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maamulka deegaanadaas oo ay isku haystaan SSC iyo Somaliland. Karaash ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta magaalada Ceerigaabo, wuxuuna Somaliland uga digay in xoog ku muquuniso bulshada ka aragti duwan ee ku nool magaaladaasi. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolladaasi ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo ay ku nool yihiin bulshooyin kala duwan, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in loola macaamilo sida magaalada Gaalkacyo oo kale…

Read More

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ururka Midawga Yurub, gaar ahaan howlgallada EU-NAVFOR ATALANTA ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub. Markabkan oo lagu macagaabo ESPS NUMANCIA ayaa kamid ah maraabkiibta dagaal ee ilaalada u jooga xeebaha Soomaaliya, si ay uga hortegaan weerarada burcad-badeeda, oo dib usoo rogaal celiyay. Saraakiisha la socotay markabkan ayaa markii uu soo gaaray xeebaha Puntland, waxaa la kulmeen agaasime ku-xigeenka guud ee ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiisha sar sare ee ciidamada PMPF, waxayna ka wada-hadleen arrimo ku aadan howlgallada ka…

Read More