What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Shan ka mid ah ciyaartoyda England ayaa kulanka Switzerland Soo galaya iyaga oo halis uGu jira ganaax tartanka Euro 2024. Xulka England ayaa si cajiib ah isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay guul wakhti dambe ah ka gaadheen Xulka Slovakia. Xulka Saddexda Libaax ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan Semi-final-ka tartanka Euro 2024 marka ay la ciyaari doonaan xulka Switzerland. Laakiin ilaa shan ciyaaryahan oo England ah ayaa laga yaabaa inay seegaan kulanka semi-finalka hadii ay kaadhka digniinta ah qaataan kaadhka digiinta ah kulanka Switzerland. Xiddigaha Jude Bellingham, Phil Foden, Kobbie Mainoo,Kieran Trippier iyo Conor Gallagher…
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, waxaana garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Sda aan horay idin-kula wadaagnay xogta safarkan wuxuu ra’iisul wasaaruhu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee Ciraaq oo ku marti qaaday dalkaasi, si ay u wada-hadlaan. Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza ayaa lagu sheegay in Xamza oo uu la kulmi dooni dhiggiisa dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani oo ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo adkeynta iskaashiga…
Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo badan oo kamid ah deegaanada maamulka Galmudug. Ugu horreyn Jeneraal Indha-Cadde ayaa wax laga xumaado ku tilaamay dhiigga walaalaha ee ku daadanayo gobollada dhexe ee dalka, isaga oo ugu baaqay in dhinacyada dagaalamaya ay ka cabsadaan Alle SWT. Sidoo kale wuxuu beelaha is diriraya ka dalbaday inay xabadda joojiyaan oo wax kasta ay ku dhameeyaan miiska wada-hadalka, si looga hortago inay sii fogaato colaaddaasi. Waxaan ugu baaqeynaa dadka walaalaha ah inay iska daayaan dhiigga…
Muddo fog ayaa la hadal hayay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) u bareeri doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu qaadi doono jid is-doorasho. Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa lagu gaari waayay wax qorshe doorasho ah. Madaxda maamullada qaar waxaa laga soo xigtay inay la yaabeen fur-cadi la’aanta Xasan Sheekh, taasina ay keeni karto inuu qof waliba tashado. Madaxweyne Xasan Sheekh waa jiheyn waayey maamullada, waxaana loo badinayaa in uusan markii horeba laheyn wax siyaasad ah oo gaar ah oo maamullada ku saabsan, damiciisa ugu weyna…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wada furinta hore ee dagaalka, kadib markii uu shalay gaaray deegaanka Wargaadhi ee Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha oo u kuur-galaya xaaladda ciidamada qalabka sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaankaas kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka. Mudane Xasan ayaa kala hadlay odayaasha Wargaadhi doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isaggoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray saldhigga milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay wada-hadalladii maalmo kahor lagu kala kacay ee ka dhacay Ankara ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii badda ee ay la gaartay Somaliland. Xasan ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya ay iyadu dalbatay in Turkiga oo saaaxiib dhow la’ah Soomaaliya uu dhex-dhexaadiyo xiisadda kala dhaxeysa dowladda federaalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Itoobiya ay illaa hadda qaadin tallaabo muujinaysa in heshiiskaasi is-afgarad ay ka laabaneyso, xilli ay socdaan dadaallo la doonayo in heshiiskaasi loogu rogo mid rasmi ah, sida ay dhawaan sheegeen madaxda Somaliland. “Ma jiraan…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka. Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgelin ku sameeyaan kalluumeysiga dalka, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha ka jira suuqyada caalamiga ah ee adduunka, isla markaana ay dowladdu xoogga saari doonto sidii…
Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa lagu warramaya inuu ka fikirayo inuu kooxda Xuutiyiinta Yemen ku wareejiyo gantaallada lidka maraakiibta ee ballistic-ga, kuwaaso gacan ka siin kara inay quusiyaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo ku sugan badda cas, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka. Xuutiyiinta ayaa horey loo rumeysan yahay inay heystaan gantaallada lidka maraakiibta ee P-800 Oniks oo Ruushku sameeyay, kuwaaso loo soo mariyay Suuriya iyo Lubnaan ka hor inta aan la keenin Yemen. Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Dhaxal sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu si walba isku dayayo inuu Putin ku qanciyo…
Israa’iil ayaa meel-marisay sharci ay ku qabsanayaan dhulkii ugu ballaarnaa oo ku yaalla Daanta Galbeedka ee Falastiiniyiinta. Tan ayaa lagu sheegay deegaameyntii ugu ballaarnayd ee Israa’iil ay ku doonayso inay ku burburiso dhulka Falastiiniyiinta muddo ka badan 30 sanno kaddib, laakin waxa cusub markan ayaa ah in sidoo kale ay Israa’iil ansixisay inay qabsato 12.7 kiiloomitir oo laba jibaaran oo ay gudaha ugu galayso dooxada Jordan (Jordan Valley) oo ah aagga muhiimka ah ee isku xira Daanta Galbeed iyo dalka Jordan. Meesha ay ku taal ee xudduudda Jordan iyo Daanta Galbeed ayaa dooxadan siisay muhiimad istiraatijiyadeed oo gaar ah ee…
Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dooddiisii liidatay ee telefishinka laga sii daayay todobaadkii hore waxa ay ka nixisay xisbiga Dimuqraadiga waxaana ay dhalisay dood ku saabsan cidda ku tartami karta booskiisa haddii uu ka tanaasulo. Inkasta oo isbeddelka noocaas ah aan hadda la fileyn, haddana waxa uu abuuri doonaa dagaal fool xun ka dhex dhaca xisbiga Dimuqraadiga bilo ka hor codbixinta. Dimuqraadiyiinta ayaa muujiyay cabsida iyo shakiga laga qabo musharaxnimada Biden, taasoo dhalisay dood badan oo ku saabsan in 81-jirka uu yahay qofka saxda ah ee la tartami kara Trump bisha November. Haddaba waxaa jira siyaabo badan oo lagu bedeli…