Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Beledweyne waxaa ka bixi doonna maalinta berita ah illaa 240 Masuul kunna wajahan Caasimadda Dowladda HirShabelle ee Jowhar. HirShabelle waxa ay soo bandhigi doontaa maalinta berita ah Tariikh Siyaasadeed waxaanna kulmi doonna wajiyo baddan oo xiisa isku qabba. Hal mar waxa soo degi doonna 3 diyaaradood oo laggu qaaddi doonnaa Masuuliyiinta Gobolka Hiiraan heer Degmo iyo heer Gobolka intaba. Waxii Warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.comΒ Liban Qoono
Xukuumada Somaliland ayaa shacabkeeda ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqday in ay ka baxaan magaalada, kadib dilal loo gaystay qaar kamid ah. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in dilka loo gaystay Aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable, uu ka dhashay khilaafka hawada,Β isaga oo ku tilmaamay cadaawad loo qabo shacabka Somaliland. Agaasimaha ayaa shacabka Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ka baxaan magaalada “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan muwaadininta reer somaliland ee jooga soomaliya inay iska soo baxaan intaan waxyeelo loo gaysan”. Xildhibaan hore oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa isna shalay…
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay carqaladeyn lagu sameeyo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, gaar ahaan marka ay marayaan hawada gobolada Waqooyi ee Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Fardowso Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiyey diyaarado isticmaalayay ama marayay hawada sare ee deegaanada gobolada Waqooyi ee Somaliland, islamarkaana taasi aysan aheyn mid loo dulqaadan karo. “Digniino badan ayaan horay uga soo saarnay carqaladeynta maamulka Somaliland ay u geysanayaan diyaaradaha isticmaala hawada, gaar ahaan marka ay dulmarayaan deegaanada gobolada waqooyi, iyagoo raadiyaha kala hadlaya diyaarada si ay u marin hababiyaan,…
Tababaraha Kooxda Fc Porto Sergio Conceicao ayaa ku digtay kooxda Arsenal kadib markii ay ka badiyeen Arsenal. Fc Porto ayaa garaacday Arsenal kulan ka tirsanaa wareega 16-ka lugta 1-aad ee tartanka champions League. Porto ayaa ku badisay 1/0 kulan ay Arsenal inta badan maamulaysay ciyaarta isla markaas ahayd kooxda fiican. Ciyaarta kadib Mikel Arteta ayaa sheegay in ay Arsenal ahayd kooxda ciyaarta fiican isla markaas maamulaysay ciyaarta isaga oo ku digtay difaaca ay Fc Porto ku jirtay. Laakiin tababaraha Fc Porto ayaa u jawaabay Mikel Arteta isaga oo sheegay in ay Porto doonaysay in ay badiso halka ay Arsenal doonaysay…
Gilberto Silva ayaa Declan Rice u magacaabay xiddiga ugu muhiimsan Arsenal xilli ciyaareedkan. Inkastoo uu aaminsan yahay in Bukayo Saka uu yahay xiddig, kabtankii hore wuxuu sheegay in saameynta Rice ay ahayd mid degdeg ah. βLamaanaha daafaca dhexe waa mid xoogan, Saka waa xiddig, inkastoo uu u muuqdaa midΒ daalay,β ayuu yidhi. βIsaga iyo Martinelli aad ayey muhiim ugu yihiin weerarka, laakiin waxa aan aaminsanahay in Rice yahay xiddiga ugu muhiimsan sababta oo ah si deg-deg ah ayuu ula qsbaday kooxda, waa maamule fiican waxa aan sugayaa inta ay iska garab ciyaarayaan isaga iyo Parteyβ. βWaxaan u maleynayaa inay is…
Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay heshay badalka tababare Jurgen Klopp sida ay sheegayaan wararku. Reds ayaa lala xidhiidhinayaa tababarayaal badan oo ay ka mid yihiin tababaraha Brigton ee Roberto De Zerbe, Tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso iyo tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel. Sida laga soo xigtay jariiradda The Independent ee ka soo baxda dalka Ingiriiska tababaraha reer Portugal ee RubΓ©n Amorim oo haatan hogaamiya Sporting Lisbon ayaa noqday musharaxa ugu cad-cad in uu hogaamiyo Liverpool. Wargeyska Ingiriiska ayaa sii waday in Amorim uu yahay dookh lagu qanci karo isla markaas horay u wadi kara kooxda.…
Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa isku aadka tartanka Europa League wareega 32-ka iyada oo ay ka qayb gali doonaan tartanka. Liverpool ayaa kaalinta 1-aad kaga soo baxday Group-kooda waxana ay isku diyaarinaysaa in ay ogaato kooxaha ay ku aadi doonto. Reds ayaa ku jirta Pot1 waxana ay ku aadi kartaa dhamaan kooxaha ku jira Pot ee isku aadka tartanka. Liverpol ayaa ku aadi doonta kooxo waaweyn oo ay ka mid yihiin Ac Milan, AS Roma, Benfica, Sporting Lisbon iyo waliba Marseille Halkan Hoose kaga bogo kooxaha ay Liverpool ku aadi karto isku aadka wareega 32 ee Europa League. AC Milan…
Madaxweynihii Koowaad ee HirShabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doodda ka dhalatay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskan oo Arbacadii uu ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayada oo isla maalintaasi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu deg-deg ugu meel-mariyay kulan uu ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh. Heshiiskan ayaa waxaa dood ka keenay Xildhibaannada qaar, oo ayagu Arbacadii si aqbaliyad ah u meel-mariyay heshiiska, kuwaasi oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay in aysan la wadaagin nuqulka heshiiskaasi. Xildhibaannadaasi ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu sheegay in madaxweyne Xasan ay ku aamineen wixii uu…
Ethiopia ayaa horraantii sanadkaan qaaday tallaabo ay ku dooneyso inay qeybo kamid ah badda Soomaaliya qaadato, ayada oo heshiis is-afgarad ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed. Ethiopia oo damaceeda lagu tilmaamo mid soo jireen ah ayaa waxaa lix sano kahor si cad u muujiyay Birhanu Jula, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Ethopia. Ninkaan ayaa markaas ahaa taliye xigeen, wuxuuna daba-yaaqadii 2018-kii uu sheegay in aysan jirin sabab ay Ethiopia usii ahaato bad laβaan, waxaana la rumeysan yahay in mayl adeyga arrintaan loogu dalac-siiyay taliye buuxa Waa waajib in (Ethiopia) ay saameyn ku yeelato Badda Cas,β…
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha hayβadda maareynta musiiboyinka qaranka Maxamuud Cabdulle, ayna qeyb ka ahaayeen wasiirka arrimaha hudaha HirShabeelle Cabdiraxmaan Guure ayaa maanta waxay booqasho ku tageen biyo-xireenka Sabuun ee duleedka magalaada Jowhar. Masuuliyiintan ayaa sidoo kale waxaa kormeerka ku wehliyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makraan, wasiir ku-xigeenka wasaaradda gargaarka iyo masuuliyiin kale, waxayna indhahooda soo saareen xaaladda biyo-xireenka. Biyo-xireenka Sabuun oo bur-bur xoogle ka muuqdo ayaa sanadihii la soo dhaafay helin wax dib u dayactir ballaaran ah, iyaga oo masuuliyiintaan kormeerka qeybta ka ahaa ay indhaha soo saareen sameyntii ka soo gaartay fatahaadii El-NiΓ±o ee sanadkii hore. Guddoomiyaha…
