Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo uu ka qeyb-galay caleemo-saarkiisa. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada. Madaxweyne Paul Kagam ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ee dib usoo kabashada ku jira. Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay…

Read More

Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool laga daahfuray Xafiiskii 8-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ku yeelanayso magaaladda Laascaanood. Xaruntaan ayaa loogu adeegi doona dadka ku nool deegaanada SSC Khaatumo oo ay dowlada Fedaraalka u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah. Munaasabada lagu daahfuraayay xaruntaan waxaa ka qeyb galay oo xariga ka jaray hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, isagoona ka mahadceliyay xarunta Xafiiskaan maanta laga hirgaliyay Laascaanood. Hoggaamiye Cabduqaadir Firdhiye ayaa sheegay in dadka reer Khaatumo ay si weyn ugu baahi qabeen iney helaan adeegga Baasaboor bixinta oo markii hore ay u doonan…

Read More

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyay dadaalka Turkiga ee soo afjarida wuxuu ugu yeeray gardarada Itoobiya ee ku wajahan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Raysal wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa soo jeediyay in heshiis kasta oo lala galo Itoobiya uusan ku jirin ama soo jeedin in Itoobiya ay saldhig ciidan ka sameysato ama  xuquuq ka hesho dhul badeedka Soomaaliya. Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay raadisaa talo-bixin khubaro ah oo ku saabsan wada-hadallada haatan socda. Hadalka raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta magaalada Ankara uu wadahadal uga socdo Soomaaliya…

Read More

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa xilli ciyaareedka cusub ee premier League maalmo ka hor inta uusan bilaaban. Horyaalka Ingiriiska ee 2024/2025 ayaa bilaabmaya Jimcaha soo socda iyada oo Man United la ciyaari doonto Fulham. Jamie Carragher ayaa saadaaliyay sida ay u kala sarayn doonaan 6-da kooxood ee ugu sareeya premier League xilli ciyaareedka cusub. Carragher ayaa Man City u saadaliyay ku guulaysiga horyaalka halka uu Arsenal u saadaaliyay kaalinta 2-aad. Halyeeya Liverpool ayaa kooxdiisii hore u saadaaliyay kaalinta 3-aad halka uu Tottenham u saadaaliyay kaalinta 4-aad. Sidoo kale Man United ayuu u saadaaliyay kaalinta 5-aad ee…

Read More

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa saadaal geesinimo leh ku sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto Premier League xilli ciyaareedkan. Xidigii hore ee khadka dhexe ee England ayaa aaminsan in Gunners ay horumar la taaban karo samaysay sanadihii ugu dambeeyay ayna haatan diyaar u yihiin in ay jabiyaan awooda Manchester City. Scholes ayaa saadaaliyay sababta ka dambeysa horumarka joogtada ah ee Arsenal, wuxuuna yiri: “Waxaan filayaa in Arsenal ay noqon doonto kooxda ku guuleysata horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, horumar ayay sameeyeen sanadihii lasoo dhaafay, kaliya waxaan u maleynayaa in sanadkan uu yahay markii ay diyaar u yihiin inay…

Read More

Julian Alvarez ayaa si rasmi ah ugu biiray Atletico Madrid isaga oo kaga soo biiray Manchester City. Laacibka reer Argentina ee ku guuleystay Koobka Adduunka iyo Copa America ayaa rabitaankiisa loo fuliyay. Alvarez ayaa dalbaday inuu ka tago Man City sabab la xiriirta inuusan ku faraxsanayn daqiiqadihiisa ciyaarista waxana uu ku biiray La Liga. Xiddiag 24 jirka ah ayaa 95 milyan ugu biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga. Atletico Madrid ayaa halka hore ka bixisay 75 milyan oo euro halka ay 20 milyan oo euro ku bixin doonaan gunooyin.

Read More

Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay sameeyaan saxiixyo cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga. Liverpool ayaa ah kooxda kaliay een wax saxiix ah samayn 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub. Van Dijk ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddigo cusub maadama uu xilli ciyaareedku dheeraan doono. “Sida iska cad waxaan qabaa inaan sameyno saxiixyo cusub maadama xilli ciyaareedku muddo dheer socon doono”ayuu yidhi. “Waxaan filayaa inay si hoose uga shaqaynayaan waxaanan si buuxda ugu qanacsanahay oo aan ku kalsoonahay kooxda waxana ay samayn doonaan waxa…

Read More

Lautaro Martinez ayaa u saxiixay Inter Milan heshiis cusub oo shan sano ah ilaa xagaaga 2029. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa ku biiray kooxda reer Talyaani bishii July ee 2018 waxaana uu dhaliyay 129 gool lix xilli ciyaareed. Martinez, oo 26 jir ah, ayaa todobo koob kula guuleystay Inter oo uu ku jiro horyaalka Seria A 2021 iyo 2024, halka uu ka caawiyay inay gaaraan finalka Champions League 2023. Kooxda Inter ayaa Albaabka ka xidhatay kooxaha doonayay saxiixa xiddiga waxana ay hubisay in uu muddo sii joogay kooxda.

Read More

Jowhar, 12-August-2024: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan ayaa garoonka diyaaraddaha ee Maxamed Dheere waxa uu kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Wasiir hore, Xildhibaan Maxamed Abuukar Ducaalle. Wafdigan ayaa isugu jiray Xildhibaano Golaha Shacabka BJFS iyo Senataro BJFS waxana ay u soo gaareen magaalada Jowhar ka qeygalka furitaanka shirka Baarlamaanka Hirshabeelle. Intaas kaddib wafdiga oo loo galbiyay Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed. Dhinacyada…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cismaan (Gureey) oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle kasoo jeeda ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowladda Hirshabeelle. Qeybaha bulshada iyo madax ka tirsan dowladda Hirshabelle ayaa sodhaweyn sare Xildhibaanka ugu sameeyay magaalada Jowhar. Xildhibaanka Cabdiraxmaan Gureey Xildhibaano Golaha Shacabka BJFS iyo Senataro BJFS ka kala tirsan ayaa maanta magaalada Jowhar u gaaray ka qeygalka furitaanka shirka Baarlamaanka Hirshabeelle. Xildhibaanka ayaa kulan ka qaatay madaxda sare ee dowladda Hirshabeelle sida Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali (Guudlaawe) iyo madaxda kale ee dowladda. Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa lagu…

Read More