Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka digay haddii Donald Trump uu ku guuleysto madaxweynenimada Mareykanka in uu joojinayo taageerada milateri ee Ukraine la siiyo. Trump ayaa sanadkii hore ballan-qaaday hadii uu ka adkaado Joe Biden in uu jarayo taageerada militeri ee Ukraine, dagaalkana uu ku soo afjarayo 24 saac. Dadka ka agdhow Trump ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay qorshe uu soo jeediyay oo lagu siinayo Ruushka gobolada bariga Ukraine iyo sidoo kale Crimea, si dagaalka daba dheeraaday loo soo afjaro. Madaxweyne Zelensky wuxu ku adkeystay in dalkiisa uusan aqbaleynin qorshe ceynkaas ah iyo in Ruushku ku qasbanaan in dalkiisa ka…

Read More

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in dad  cudurka Shuban-biyoodka ay ugu geeriyoodeen  degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halka dad kale oo badan ay la jiifaan goobaha Caafimaad ee kuyaalla Gobolkaas. Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa cudurka ugu geeriyooday deegaanno hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Sh/dhaxe, halka dhowr qoys oo kale cudurku soo ritay. Goobjoogayaal ku sugan degmada Aadan-yabaal ayaa Warbaahinta u sheegay in dadku ay walaac ka muujinayaan kororka xanuunka iyo Maamulka degmada Aadan-yabaal iyo kana Gobolka Shabeellaha Dhexe oo aan wadin dadaal lagu baxnaaninayo dadka uu soo ritay cudurka. Degmada Aadan-yabaal iyo degaannada hoostaga…

Read More

Madaxweyne C/Fataax  Elsisi waxa uu Aqbalay Codsi uu Ra’isul-wasaare Mustafa Al-Madbuuli ku shaaciyey Is-casilaada Xukuumadiisa. Madaxweyne Elsisi waxa uu ka codsaday Ra’iisal Wasaare  Mustafa Al-Madbuuli inuu soo yegleelo Xukuumad Cusub oo leh Wasiiro Karti, Waaya-Aragnimo iyo Khibrad leh, isla markaana ay Xukuumada Cusub ka shaqayso sidii guul looga gaari lahaa Hadafyada ay ka midka yihiin: Sugida Amniga Qaranka Masar, Dabagalks Xasiloonoda Amniga, Ambaqaadista Dadaallada Siyaasadeed, Horumarinta Dhaqanka, Wacyi-gelinta Qaranka, Dood-Diimeed Dhexdhexaad ah iyo La-Dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisada. Madaxweyne Sisi waxa uu ka codsaday xukuumadda cusub in ay ka shaqeyso sidii loo gaari lahaa hadafyo dhowr ah oo ay ka…

Read More

Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa laashay xukun lagu riday ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda, Shah Mahmood Qureshi, ka dib markii hore loogu xukumay kiis la xiriira in si khaldan loo maamulay sirtii qaranka. Hadal kooban oo ay soo saartay maxkamadda sare oo ay goobjoog ka ahayd VOA ayaa laba xubnood oo ka tirsan garsoorka maxkamadda sare, waxay ku dhawaaqeen in ra’iisal wasaaraha hore iyo wasiirkiisii arrimaha debedda lagu waayay kiiskii ay hore ugu xukuntay maxkamadda hoose, iyaga oo aqbalay racfaanka ay ka qaateen xukunnada hore ugu dhacay. Go’aanka maxkamadda sare ayaa ku soo beegmaya,…

Read More

Safiirka UK ee Mexico ayaa lagu soo warramayaa in uu ka tagay shaqada horaantii sanadkan kaddib markii uu qori ku taagay mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda oo ah dadka deegaanka. Muuqaal fidiyow ah oo la soo dhigay baraha bulshada oo markii ugu horeysay ay warisay Financial Times ayaa lagu arkay Jon Benjamin oo qori ku beegsanaya nin kale. Waxaana ku hoos qornaa si kaftan ah “Dilalka joogta ee ay geysanayaan kuwa maandooriyaha ka ganacsada” Mr Benjamin kama hadal ilaa hadda kaftanka sida xun loo dhigay, mana jiraan war rasmi ah oo ku saabsan jagada Mr Benjamin oo ka soo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul. Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay yeeshaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka, oo uu kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha…

Read More

Kulan Isbarasho ah qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, la taliyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle iyo Duqa Magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa ka dhacay xafiiska wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle. Dhammaan, shaqaalaha wasaaradda waxay aad usoo dhoweeyeen dib usoo noqoshada Marwo Nadar Tabaax Maalin si ay ugu adeegto shacabkeeda mar kale, waxayna u rajeeyeen guul iyo horumar Magaalada Beledweyne. Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Nuur Xasan Sheekh Muuse oo ay horey usoo wada shaqeeyeen Duqa Magaalada Beledweyne. DHAMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo jeediyay inuu dhaqso isku daba qabto, xilli ay meel sare gaartay xurgufta isaga iyo mucaaradka. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in madax goboleedyada u ogolaaday muddo kororsi, uuna isna wadadaasi ku socdo. “Dowlad-goboleedyada inay doorasho galaan ogolow (Madaxweyne), sharciyad ayaa dal lagu maamula oo lagu dhaqaa, laakiin sharciyad la’aan xukun laguma joogi karo. Yeysan waqti ka lumin dhalateedka ah iska jooga kursiga, idinkana igu taageera hadhoo marka ay iga dhamaato oo doorasho la qaban,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaas kusii…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday ololaha kursi muhiim ah oo yaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayada oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi u safray magaalada New York ee dalka Mareykanka. Safarka Fiqi ee New York ayaa ku qotoma dardar-gelinta oloaha in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, xilli ay maalmo ka harsan tahay doorashada xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka oo kursigaan uu qeyb ka yahay. Fiiq ayaa halkaasi ka bilaabaya dadaallo diblumaasiyadeed horleh oo lagu doonayo in taageero loogu helo dalabka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka horey u sheegtay in Soomaaliya lagu aamini…

Read More

Waxaa Mahad u sugnaatay ASW Waxaa kaloo halkaan Ammaan iyo Bogaadin ugu dirrayaa Beesha Cali Madaxweyne oo ka mid ah Beelaha Xawaadle Shirka ka Socdo Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa u Lee yahay Muhiimad dhankasto ah Dad ka Degan Gobolka Hiiraan. Midnimadda reerka waa Horumar wanaagsan. Sidaasi waxaa dhahay Mudane Abuukar Maxamed Cali Gaabow G.hore ee Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi

Read More