Author: radiohalgan.com

Guddoomiyahii hore Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Mumin Eelaay auaa Barta Facebook uu  ku leyahay ku qoray qormada Hoose  hase ahaate Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Radio Halgan Muumin Eelaay ayaa yiri  Busmilaahi raxmaani raxiin. Hadaa nahay beel weeynta xagaleey maxamed waxa lagu socdo dagaal la yiraaho حرب العصابات, Waxa dhacday Madaxdaaynii, ganacsatadaynii iyo dadkii wax garadka ahaay in midbo maalin xilka laga aado qarna ganacsigoodi la dumiyo ayadoo cagsigeeda dad kale xilalkii aan laheeyn loo magacaabayo ama ganacsigooda kor loo qaadaayo. mar…

Read More

Waxaa bannaanka usoo baxay khilaaf in muddo ah heer hoose ku socday oo u dhaxeeyay madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, inkasta oo aan la shaacin waxyaabaha ay isku hayaan balse khilaafkooda ayaa soo shaac baxay. Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in laga saaray barta Whats App ee gaarka u ah Madaxtooyada Dalkaas, waxa uu ku tilmaamay tallaabadaas mid sharci darro ah oo si bareer ah loogu xadgudbay. William Ruto ayuu ku eedeeyay in uu qaadayo tallaabooyin kasoo horjeeda dhinaca Sharciga isaga oo meel iska dhigay Dastuurka lagu dhaariyay ee u ogolaanaya…

Read More

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyay in la raadiyo dhabbaha rasmiga ah ee lagu gaari karo xal siyaasadeed maadaama la doonayo in la raadraaco Nabad dhalinta Soomaaliya. Deni ayaa sheegay in haddii la helo xal waara oo ka fog dan shaqsi ama Dad gaar ah in la gaari karo ujeedka guud si aanay looga tallaabin nidaamka Dowlad dhiska Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in caqabadaha heysta Soomaaliya ay kamid yihiin in ay jiraan Dano badan oo isku dhex yaacsan, duruufo iska hor imaanaya iyo gacmo badan oo ku…

Read More

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa kusoo warramaya in ciidamada guutada 9aad ee qaybta 60aad Xoogga Dalka ay howlgallo ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo qaydar cadde oo 30 kiilo-mitir u jira Magaalada Xudur. Deegaankaan waxa uu xarunta Gobolka Bakool uga beegan yahay dhanka Waqooyi Galbeed, waxaana inta uu howlgalkaan socday dhacay iska hor imaad kooban sida ay sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa soo qabtay Dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin ‘AS’ kuwaas oo la sheegay in ay geeyeen mid kamid ah xarumahooda si ay baaritaanno dheeraad ah ugu…

Read More

Ciidamada Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sameeyay howlgal muhiimaddiisu ahayd in gacanta lagu soo dhigo hub ka yimid dhanka Itoobiya oo maleeshiyaad hubeysan ay damacsanayd in ay boobto. Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa halka loo waday hubkaas, wararka qaar ayaa tilmaamaya in Dowlad-Goboleedka Puntland loo waday isla markaana ay ilaalinayeen ciidamo katirsan kuwa Dowlad-Goboleedkaas. Sababta keentay in ciidamo dheeraad ah loo baahdo si loosoo gudbiyo hubka waa in Dadka Degmada Bookh ay damceen in ay boobaan hubkaas, waxaana lagu soo warramayaa in rasaas kooban la maqlayay kahor inta aan hubkaas lasoo gudbin. Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay kordhisay…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa u muuqata in ay dhinac u dhaqaanjin la’ dahay wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee salkiisu yahay baabi’inta xiisadda ka dhalatay damaca gurracan ee Xukuumadda Abiy Ahmed ku riixaya in uu hamiyo biyaha Dalka. Warbaahinta caalamka ayaa falanqayn ka sameysay Wareysiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakam Fidan uu siiyay Wakaaladda Wararka Dalkaas isaga oo quus uga muujiyay in si fudud fool ka fool u kulmaan ergada labada Dal. Qaar kamid ah Warbaahinta ayaa cinwaan sadar weyn ay ku muujiyeen ku sheegay in hadalkaas laga dheehan karo in Xukuumadda Ankara u baahan tahay dhinac kale oo ku xoojiya wadahadalka…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre. Kulanka labada masuul oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa wararku sheegayaan in looga hadlay xaalada siyaasadeedee dalka , waxa ayna labada masuul is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaalada dalka ku sugan yahay hadda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafyo jira. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana la wadaagay Ra’isul Wasaare Kheyre xogo la xariira qorshayaal dowladda ku dooneysyo in la qabto doorashada dowlad goboleedyada dalka qaarkood , iyo sidii…

Read More

Maleeshiyaad la sheegay in ay yihiin macawuusley kasoo jeeda beesha Waceysle uu ka dhashay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa nin shacab ah kasoo afduubtay deegaan hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. Ninkan ay soo afduubteen maleeshiyaadka kasoo jeeda degmada Ceeldheer ayaa la sheegay in uu ahaa nin beeraley deegaanka caan ka ahaa, waxaana ninkaas la sheegay in ay is hayeen ayna shirqooleen rag kale oo daris yihiin kuna heyb ah Madaxweyne Xasan Sheekh. Maleeshiyaad kale oo iyana ku heyb ah ninka la afduubtay kana soo jeeda beesha Murusade ayaa iyana afduubteen labo nin oo ku heyb ah ragga afduubka…

Read More