Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sameeyay dhoolatus cajiib ah, iyagoo soo bandhigay xirfad sare iyo tababar heer sare ah. Ciidanka Soomaalida ayaa waxay layligan si wada-jir ah u sameeyeen howl-galka Midowga Yurub ee loo yaqaan (ATALANTA Operations), waxaana loo soo gaabiya (VBSS). Layligan ayaa ku saabsan sida fatashaadda iyo fuulista maraakiibta laga shakiyay ama kuwa ku lugta leh arrimaha sharci darada ah ee ku xad gudba biyaha Soomaaliya. Dhoola-tuskan ciidanka badda ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo maareen lahaa qaab xirfadeysan ee ay cidanka ilaalada xeebaha ku fuuli karaan maraakiibta. Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u yeelan laheyd ciidamo bad…
Israa’iil ayaa xalay duqeyn ka geysatay Suuriya, iyadoo wakaaladda wararka Suuriya, Reuters iyo Al-Jazeera ay xaqiijiyeen duqeynta ka dhacday bartamaha Suuriya in ugu yaraan 4 askari ay ku dhaawacmeen. Duqeynta ayaa ku soo aaday, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inay Iran keentay gudaha Suuriya gantaaladeeda riddada dheer qorshahaasoo qeyb ka ah weerarka aargoosiga ah ee ay la damacsan tahay Israel. Israa’iil ayaa si rasmi ah ugu wargelisay magaalooyinka iyo deegaannada ku dhow xadka Lubnaan inay dadku galaan goobo amni ah illaa amar dambe. Maamulka magaalada Haifa ee Israa’iil oo ka mid ah dhulka la heysto ee Falastiin, ayaa u…
Hoggaamiyaha sare ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdimaalik Al-Xuuti ayaa markii u horreysay sheegay dib u dhaca duulaanka ballaaran ee aargoosi ah ee ka dhanka ah Israa’iil inay tahay arrin ku dhisan xeelad. Wuxuu caddeeyay inay dhacayso oo weerar xooggan lagu qaadi doono Israa’iil, iyadoo diyaargarowga uu sheegay inuu ka socdo Yemen, Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan. Waxaa uu tilmaamay inaysan jirin cid u caga-jugleyn karta ama ka hor istaagi karta inay qaadaan duulaanka jawaabta ah weerarradii u dambeeyay ee Israa’iil ay ku dishay hoggaamiyaasha sare oo uu ku jiro madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh. Iran oo iskudaba-ridaysa duullaankii u horreyay…
Ku simaha wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisa uu ka falcelin doono dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh “xilliga saxda ah” iyo habka “ku habboon”, kadib maalin xaalad diblomaasiyadeed oo adag ay ka jirtay Bariga Dhexe. Hadalkiisa ayuu ka sheegay shir degdeg ah oo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ay yeesheen kaasoo ka dhacay Sacuudi Carabiya waxaana looga wada hadlayay ka jawaabidda Iiraan ee dilkaas. Mareykanka ayaa sheegay inuu rajeynayo in xubnaha OIC ay ka baaqsadaan inay Iiraan ku guubaabiyaan in “ay qaaddo tallaabooyin kasii daraya dagaalka”. Xiisadda Bariga Dhexe ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii Haniyeh lagu…
Israa’iil waxa ay isu diyaarinaysaa, ciidan ahaan iyo busha ahaanba, si ay uga gaashaamato weerarada suurtagalka ah ee uga imanaya ururka Xisbullah ee Lubnaan. Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii Israa’iil ay u geystaya taliyihii ciidamada Xisbullah, Fouad Shukr. Israa’iil waxay geysay xudduudda dhanka Lubnaan gantaallada difaaca hawada, waxayna sare u qaadday heerka feejignaanta ciidamadeeda. Dadwayne badan ayaa laga daabulay magaalooyinka ku yaalla xuudduudda Lubnaan, waxaana dadka si joogta ah loo siiyaa talooyin ku aaddan waxa dhici kara. Magaalada Haifa, tusaale ahaan, waxaa ka socda diyaar garow aad u wayn waxaa laga sameeyay goob isbatal ah…
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baafineysa Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle oo xeer ilaalinta ay kusoo eedeysay kiis xasaasi ah. Xeer ilaalinta ayaa Nadiifo usoo jeedisay dambiyo ay kamid yihiin lacag dhaqida iyo maalgalinta argagaxisada, sida lagu sheegay warqadda baafinta ee ksaoo baxday maxkamadda gfobolka Banaadir. “Maxkamaddu waxay baafineysaa kuna wargalinaysaa eedeysane Nadiifo Xasan oo ay dacwad ciqaab ah oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay maxkamadda gobolka, uuna kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud sharciga ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.” Nadiifo ayaa sidoo kale waxaa eedeymaha loo haysto kamid ah “dambi kamid noqosho urur hubaysan oo kasoo horjeeda…
Nuqul kamid ah sharciga doorashooyinka ee maanta ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa ku jiro qodobo la-yaab leh oo qalalaase siyaasadeed gelin kara dalka. Sharcigan ayaa dhigaya in guddiga doorashooyinka ay awood buuxda u leeyihiin inay ku dhawaaqan dib u dhaca doorashooyinka, kadib marka ay suurtagali waeydo in doorashooyinka qabsoomi waayan duruufo adag oo jira awgood waqtigii loo cayimay. Sidoo kale waxa uu qodobka 75-aad ee dib u dhaca doorashooyinka ee sharcigan ku xusan in haddii ay suurtagli weydo in doorashooyinka ay qabsoomaan ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, cidda haysa xilka loo…
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha howlgalka 3-aad ee bedelaya ATMIS, kaasi oo bilowga sanadka 2025 ka bilaabanaya Soomaaliya, kaas oo ciidamo ka socda wadamo hor leh ay ka qeyb qaada doonaan. La-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo maanta u waramay SNTV ayaa sheegay in go’aanka howlgalkaas ay leedahay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas waqti cayiman aan loo qaban, balse uu socon doono ugu badnaan shan sano, markii ay dalbato dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in lasoo gabagabeynayo. Sidoo kale waxaa aad u yaraa doona ciidamada ka qeyb qaada doona howlgalkaas, waxaana la qorsheeyey in…
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Fadaraal, Heer Dowlad-Gobolood iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo socday muddo sadex cisho ah, iyadoona diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud. Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyeed ka kooban 5 qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo ah Guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Qodobada lagu heshiiyay 1) 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐊𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐢𝐬𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 (𝐁𝐮𝐝𝐠𝐞𝐭 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭): Si waafaqsan heshiiskii…
Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS , ayaa maanta saldhigii ay ku lahaayeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxa ay sannado badan kaddib si rasmi ah ugu wareejisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya . Saldhigan ay wareejiyeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS waxaa si buuxda ula wareegay ciidanka xoogag dalka, kuwaa oo hadda kaddib si buuxda saldhigaasi u maamulaya kana sugaya ammaanka degmada Maxaas. Madaxa saadka ee ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, Col. Bosco Sibondavyi, ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya ilaalinta bulshada deegaanka iyo sugidda amniga gobolka. Wakiilka ciidamada Soomaaliya Lt.…