Author: radiohalgan.com

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay mar kale wada-hadallo uga billowdaan magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, halkaas oo ay maalmaha soo socda isugu tegi doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal. Wada-hadallada oo si rasmi ah u furmi doono todobaadka soo socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka oo xadgudub ku tilmaamtay. Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay toogasho ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulkaasi degmadaasi. Marxuumka oo lag magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxaa lasoo wariyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dishay guddoomiye ku xigeeka ay doonayeen inay ka dhacaan taleefoonka, ayna rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, isaga oo mar dambe u geeriyooday dhaawac gaaray. Sidoo kale ragga dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo…

Read More

Ruushka ayaa toddobaadkan weerar lama filan ah kala kulmay ciidanka Ukraine, kuwaasoo qaaday tallaabo jahwareer ku ridday Moscow, iyagoo ku guulaystay inay tijaabiyaan difaaca xudduudaha ee daciifka ah. Ruushka ayaa sheegay in ugu yaraan 1,000 askari oo Ukraine ah oo ay taageerayaan taangiyo iyo baabuurta gaashaaman ay gudaha usoo galeen dhulka Ruushka gobolka Kursk  subaxnimadii Talaadada – taasoo u muuqata mid ka mid ah weerarradii ugu weynaa ee ka dhaca dhulka Ruushka tan iyo markii uu dagaalku billowday, waxaana tan iyo Talaadadiina gobolka uu ku jiraa  xaalad deg deg ah Markii ciidanka Ukraine ay gudaha u galeen qeyb ka mid…

Read More

Wafdi uu hoggaaminaayo taliyaha ciidianka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ,ayaa safar shaqo ku tagay xarunta guud ee booliiska caalamiga ee loo yaqaan  (Interpol) ee ku taalo Magaalada Lyon ee dalka Faransiiska. Xoghayaha guud ee booliiska caalamiga ee Interpol, General Jürgen Stock ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Interpol  taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminayay taliye Sulub Axmed Firin. Dowladda Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah booliiska caalamiga ee Interpol ayaa iskaashi kala sameesa dhincyo badan sida  la dagaalanka araggixisada, ka ganacsiga daroogada, tahriibinta dadka iyo hubka, dembiyada abaabulan, burcad badeedka, kalluumeysiga sharcidarada ah iyo fududeynta…

Read More

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan , oo si qasab ah looga reebay doorashada tartankii ay ugu jirtay kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, ayaa taageero u muujisay musharax markii hore loollan adag uu kala dhaxeeyay. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa god dheer ku tuuray damacii xildhibaan Fowsiya Yuusuf ku dooneysay in ay u tartanto doorashada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, waxa ayna dowladda Soomaaliya taa badalkeeda taageertay musharax dowladda Jabuuti wadatay. Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaadatay musharaxa dowladda Kenya  la rabto xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Musharax Raila Odinga , waxa ayna Fowsiya…

Read More

Kamala Harris, madaxweyne ku xigeenka haatan ee Mareykanka, oo sidoo kale u sharraxan madaxtinnimada dalkaas ayaa dhowaan Tim Walz u soo xulatay ku xigeenkeeda doorashada oo lagu wado in dalka Mareykanka ay ka dhacdo bisha November ee sanadkan. Timothy James Walz waxaa uu sanadkii 2018 noqday barasaabkii 41-aad ee gobolka Minnesota. Gobolkan ayaa waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee ku sugan dalka Mareykanka. Muddadii uu xilka hayay Mr Walz waxaa uu si wayn u dhexgalay bulshada Soomaalida, waxaa uuna kala qeyb gali jiray xafladaha kala duwan. Waxaa uu Soomaalida kala qeyb gali jiray xafladaha muhiimka ah, sida xafladaha maalinta…

Read More

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa beenisay warbixin uu qoray wargeys ka soo baxa Israa’iil oo sheegayay in Pakistan ay gantaallada Shaheen-3 siin doonto dalka ay deriska yihiin ee Iran, haddii ay sii xumaato xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan. Wargeyska Israa’iil ee ‘Jerusalem Post’ ayaa warkan ku sheegay isagoo oo sheegay in warkan ay ka hleen ‘ilo dhowr ah oo Carbeed’. Jimcihii, Mumtaz Zahra Baloch, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, ayaa sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah. Waxa ay intaa ku dartay in wararkan ay yihin kuwa ay ka dambeeyaan “gurracan” ayna tahay in la…

Read More

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan Duco ah oo soo sameeyay Dadkii waxyeellada kasoo gaartay weerarkii Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & qaar kamid ah Bulshada Caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kamid ahaa Dadka ka qaybgalay kulankaan waxaana uu alle ugu baryay intii ku dhimatay weerarkaas halka uu caafimaad u rajeeyay intii dhaawacyada kala duwan kasoo gaaray oo qaarkood weli jiifa Isbitaallada Magaalada Muqdisho, waxa uu markale ku baaqay in lala shaqeeyo Ciidamada ammaanka. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wadashaqeynta Shacabka iyo Laamaha Ammaanka…

Read More

 ka badan 20 saacadood ayaa waxaa magaalada Laascaanood ka socda howgal lagu soo saarayo ilme yar oo ku dhacay God musqul  ama Suuli ku yaalla xaafada bisha cas ee magaaladaas. Intii uu socday howlgalka samata bixinta waxaa ku ku naf waayey askari ka tirsan ciidanka dab demiska Maamulka Khaatumo oo galay godka ka dib markii uu ku neef qabatimay, halka askari kale loola cararay isbitaalka. Godka Suuligan oo dhererkiisu ka badan yahay 20 mitir ayaa waxaa mar kale isku dayey duhurnimadii maanta askari kale oo wax yar ka dib laga soo jiiday godka isagoo miyir beelay. Ilmaha yar ee…

Read More