Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Askari ka tirsan ciidamada booliska ee Puntland ayaa dil u gaystay gabar ardayad ahayd sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya magaalada Garowe Gabadhan oo la oran jiray Ubax Yaasiin Cali ayaa u geeriyootay xabada uu askarigu riday oo haleeshay Taliyaha qaybta booliska ee Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf askariga dilka gaystay ayay boolisku gacanta u dhigeen, waxaana loo taxaabay xabsiga. G/sare Maxamed Cali Marduuf ayaa intaas ku daray in wali uu baaritaan ku socdo sababta dhimashada gabadha. Marxuumada ayaa la sheegay inay ahayd ardayad dhigata mid ka jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Garoowe, waxaana falkan aad uga xumaaday shacabka.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in xabad joojin ku meel gaar ah la gaaro colaada Qasa isniinta soo socota. Hakinta colaada ayaa la rajaynayaa inay timaado iyadoo maalmo uun ka dhiman yihiin bilashada bisha barakaysan ee Ramadan. Qorshe qabyo ah ayaa soo jeedinaya in tani ay keeni karto hakad afartan maalmood ah, taas oo joojin doonta howlgalada militari si loogu ogolaado sii deynta la haystayaasha Israaβiil ee ay haystaan Xamaas. Boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la sii deyn doonaa. Dhismayaasha qaar waa la dayactiri doonaa, waxaanaa sidoo kale Qasa gali doona baabuur badan oo…
Askari katirsan ciidamada Mareykanka ayaa isku hor gubay safaarada Israaβiil ku leedahay magaalada Washigton ee caasidamadda dalka Mareykanka, waxaana askariga is gubay soo gaartay waxyeelo xun. Aaron Bushnell, oo 25 jir ah kana mid ahaa ciidamada Mareykanka ayaa Axadii isku hor gubay safaarada Israaβiil ee ku taalla magaalada Washigton, waxaana askarigan oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal xaaladiisa lagula tacaalayo. Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warantay in askariga is gubay uu aad uga carreesnaa xasuuqa Israaβiil ka wado magaalada Gaza, waxaana markii uu is gubayay ku dhawaaqayay βFalastiin oo xur ahβ. Askarigan is gubay ayaa la sheegay in…
In aad samaysid caawinta ugu badan yurub ma ahan mid fudud laakiin bixitaanka Lionel Messi ayaa laga yaabaa inay caqabada ka dhigto mid ka fudud sidii hore oo ay samayn karaan xiddigaha horyaalada ugu waaweyn yurub. Ka bixitaankii Messi ee Paris Saint-Germain kuna biiray Inter Miami ee MLS waxay la macno tahay in xiddiga Argentina oo ka mid ahaa xiddigaha ugu fiicanta badan yurub 5-ta horyaal ee ugu waaweyn uuna ka mid ahayn tartanka. Iyada oo uuna Messi ku jirin tartanka, xiddigaha De Bruyne & Griezmann ayaa ka mid ah xiddigaha u tartamaya caawiyaha ugu fiican 5-ta horyaal ee ugu…
Erling Haaland ayaa wali ah xiddiga la baacsanayo tartanka gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan. Xiddiga Man City ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay kadib markii uu ku guulaystay kabta dabahka ah ee gool dhalinta xilli ciyaareedkii hore. Haaland ayaa dhaliyay 17 gool ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo hogaaminaya tartanka gool dhalinta. Waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo dhaliyay 15 gool halka uu ku xigo xiddiga Bournemouth ee Dominic SolankeΒ Β Β kaas oo dhaliyay 14 gool waxana la goolal ah xiddigaha Ollie WatkinsΒ Β iyo Jarrod Bowen kuwaas oo dhaliyay min 14…
Dusan Vlahovic waa gooldhaliyaha ugu sareeya shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub sanadka 2024 ka dib biloowgii wacnaa ee sanadka. Juventus ayaa si xun u dhibtoonaysay todobaadyadii u dambeeyay laakiin taasi kama joojin Vlahovic inuu si joogto ah shabaqa u soo taabto. Vlahovic ayaa dhaliyay labo gool Axadii kulankii ay Juventus 3-2 kaga badisay Frosinone, isagoo dhaliyay goolkiisii ββββ9 gool ee horyaalka sanadka 2024. Vlahovic ayaa dhaliyay gool 68-daqiiqo kasta sanadka 2024, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareedka keenay xiisaha kooxaha sida Arsenal iyo Chelsea. Ma jiro ciyaaryahan ka ciyaara Serie A, Premier League, La Liga, Bundesliga ama Ligue 1…
Waxa la soo afjaray todobaad xiiso leh oo ka tirsan horyaalka premier League iyo waliba final-ka tartanka Carabao cup-ka. Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa badiyay si ay u sii wadaan baacsiga ay ugu jiraan hogaamiyayaasha Liverpool. Dhinaca kale Man United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Fulham kulan ka dhacay Old Trafford. Kooxda Liverpool oo adeegsatay caruur ayaa ceebasay Liverpool kana qaaday koobka Carabao cup-ka. Kadib kulamada la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican ee todobaadkan premier League iyo League cup-ka. Kooxaha Man City, Liverpool, Arsenal iyo Aston Villa ayaa shaxda ku leh min 2…
Liverpool ayaa Axadii u dabaal-dagtay ku guulaysiga koobka Carabao cup-ka oo ay ka qaaday kooxda chelsea. Kooxda Klopp ayaa sii dheeraystay hogaanka ay u hayso kooxaha ugu koobabka badan taariikhda England. Liverpool ayaa ku guulaystay koobkii 46-aad ee taariikhdooda iyaga oo ah kooxda ugu guulaysiga badan. Waxa ku xigta kooxda Man United oo ku guulaystay 46 koob taariikhdooda. Waxa ku xigta kooxda Arsenal oo 31 koob ku guulaystay taariikhdooda halka ay Man City iyo chelsea ku xigaan iyaga oo ku guulaystay min 25 iyo 26 koob. Halkan Hoose kaga bogo kooxaha ugu koobabka badan taariikhda kubada cagta England.
Q/W. Liban Qoono Lix masuul oo ku dhax yeertay Hall-kii shirka ee Jowhar. Dadku kalla xishood wanagsan kalla matalaad wacan kalla garasha fiican balse lix masuul oo ku hadashay magaca Gobolka Hiiraan aad ayaa loola yaabay oo waa lagu wadda qoslay (wagaaac). 1: Moumin Ellaay ayaa yirri Degmada (Mahaas) “Mudane madaxweyne anagu ma haysano saldhig dadka lagu xiro mid dhinac ka dumay oo laheyn Taliye saldhig ayaan heysanaa waxaan rabnaa in Taliye Saldhig hanna loo soo magacaabbo oo keliya Dowladda culeys saari ma karnee” 2: Hassan Barre ayaa jir Degmada (Moqokori) Mudane madaxweyne anagu 15 iyo shan sano Qawaariijta ayaa…
PM Cali Maxamed Geeddi Wareysi 1/3 – Si la yaab leh ayaan Raysal wasaare ku noqday 2004 https://youtu.be/xe91HbkU3-k?si=ndl527Mlru0tuhN2
