Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay guddoomiyay shirka golaha amniga qaranka, kaas oo ay goobjoog ahaayeen raβiisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha amniga dalka. Intiisa badan waxaa shirka looga hadlay saddex arrimo oo waa wayn, kuwaas oo kala ah dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amnigaΒ marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS . Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin guud ka dhageystay masβuuliyiinta iyo taliyeyaasha ka qaybgalay shirka oo faahfaahiyay xaaladda guud iyo dagaalka Shabaab. Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa sidoo kaleΒ Β ku adkeeyay hayβadaha amniga…
Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Hirshabelle oo Manhajka cusub ee Waxbarashada qaranka gaarsiisay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha waxbarashada degmada Maxaas Mudane Cabdullaahi Xuseen Cabdi iyo Gormeraha Abdalla Mohamed Omar ayaa daah furay munaasabadda Ardayda Manhajka wasaaradda wax barashada loogu qeybiyay Labbo School oo ku yaalla degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shir-guddoomiyay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta. https://youtu.be/ZWVmjSmKAm4?si=KAaOSGHKHBy0Gyq9 Shirka oo galay maalintii 3-aad ayaa lagu gorfeeyay amniga iyo cadaallada iyo sida wax ka beddel xooggan loogu sameeyay qeybahaasi. βWaa inaan degmo walba ka hirgelinaa ciidamo xoog badan oo ilaaliyo heybada Dowladnimada.β Ugu dambeyn madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa shacabka ku nool deeganada Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka si loo gaaro Dowladnimo loo dhan yahay. DHAMMAAD
Dhulka ay Soomaalida degto waxaa iska caadi ah gudniinka ragga oo meelo kala duwan lagu sameeyo. Waxaa muddooyiinkii hore loo sameyn jiray qaab dhaqameed , balse hadda meelo badan oo deegaanada Soomaalida iyo caalamkaba ah waxaa wiilasha lagu gudaa isbataalada. Qaar ka mid ah isbataalada ayaa waxay gudniinka wiilasha ka hor ay ku mudaa irbadda suuxinta si aysan xanuun u dareemin. ‘Wiil 10 sano jir ah ayaa ku dhintay ka dib markii lagu sameeyay gudniin isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Dhaka ee caasimadda Bangladesh. Wiilkan ayaa magaciisa lagu sheegay Ahnaf Tahmeed, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu…
aahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa labo diyaaradood oo caalami ah oo ‘ku sigtay inay isku dhacaan’ xilli ay dulmarayeen hawada Soomaaliya kadib markii xog iska soo horjeedda laga siiyay Muqdisho iyo Hargeysa. Labada diyaarad oo kala ah diyaaradaha Qatar iyo Itoobiya oo kasoo kala kicitimay Dooxa iyo Addis Ababa ayaa sabtidii isu jirsaday masaafo isku dhow iyaga oo ku socdaalaya khad isku dhaw sida ay sheegtay Somaliland. Muqdisho iyo Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinkan, oo ay markii ugu horreysay shaacisay Hayβadda Duulista iyo Madaaradda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Dhacdada ayaa timid maalmo…
Waxaa magaalada Galkacyo xalay lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo sida la sheegay in koox tuugo ah dishay, kaas oo ahaa iskuuleey. Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Rooble Xasan, waxaana xalay fiidkii lagu dilay magaalada Galkacyo. Wararka ayaa sheegaya in dilka wiilkan uu ka dambeeyay ka dib markii koox la sheegay in ay tuugo ahaayeen ay isku dayeen in taleefoonay ka qaataan, sida ay sheegeen booliska oo BBC da la wadaagay in ay baaritaan wadaan iyo ehelada intaba. Cabdi xasan Daad, oo adeer u ah wiilka oo la dilay oo BBC ayaa sheegay in aysan ilaa hadda aqoon…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta lagu dilay askari dil iyo dhac ka gaystay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana halis ku ahaa qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis. Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Idiris Maxamed Cumar oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in ninkan uu dhibaato ku ahaa degmada, ugu dambeyntiina lagu soo dilay howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka, kadib markii uu la dagaalamay askarigaasi. βNin gacan ku dhiigle ah ayaan howlgal kusoo dilnay, ninkaas wuxuu ahaa nin khatar ku ahaa magaalada oo dhibaayo ku haayayβ ayuu yiri guddoomiye Idiris Maxamed Cumar Waxaa kale…
Shamuuri waxa uu ahaa mid kamid ah marqaatiyeyaashii shalay kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir ee goobjooga u ahaa dhacdadii argagaxa lahayd ee lagu gubay Luul Cabdicasiis Maxamed falkaas oo uu gaystay seygeeda. Ninkan ayaa ka yaabsaday maxkamadda, dadkii ku sugnaa iyo kuwii daawaanayay intaba, waxayna dadka aad ula cajabeen sida uu uga fal-celinayay suβaalihii la weydiinayay, isaga oo isticmaalay erayo ay kamid ahaayeen, Maashaa Allah, Insha Allah iyo Allahay ka Alla. Haddaba waa kuma Shamuuri? https://youtu.be/6YZ3fquuoMM?si=Q1muQZ76NpIl5SqI Magaciisa oo saddexan waa Cabdi Xasan Cabdinuur (Shamuuri), wuxuuna sheegay inuu ku dhashay degmada Dharkenley, sidoo kale waa darawal ku shaqeysta caasi. βCaasi ayaan…
Β Odayaasha dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir oo maanta shir jaraaβid ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay cadaalad la xiriirta kiiska Sayid-cali Macalin Daaβuud ka dalbanayaan maxkamadda gobolka Banaadir. Odayaasha ayaa mid mid warbaahinta ula hadlay, waxayna dhaliil ka muujiyeen hanaanka loo qaadayo dacwadda kiiska dilkii Luul Cabdicasiis oo lagu eedeynayo seygeedii Sayid-cali Macalin Daaβuud. βCabasho ayaan nahay, maxkamadda gobolka waxaan aragnaa in aysan dhexdhexaad aheyn, wiilkeena waxaan cadaaladda u horgeynay in cid kasta ay cadaalad hesho, maxkamadda gobolka cadaalad kama dhex-muuqato,β ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Saleebaan. Odayaasha Beesha Saleebaan ayaa sheegay…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriira dadar-gelinta dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo ka duulaya qorshaha dowladda ee ku aadan ciribtirka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta la shiray saraakiisha u sarreeysay taliska ciidamada ATMIS, isaga oo kala hadlay dagaalka. Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa si gaar ah ATMIS ugala hadlay inay ka qayb-qaataan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta, si looga adkaayo Al-Shabaab. Sidoo kale labada ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta dhexdooda, si ay isaga kaashadaan amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab, sida lagu…
