What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Su’aallo iyo culays wayn ayaa ka dhashay dhacdadii hubka lagu boobay ee ka dhacday waqooyiga gobolka Galgaduud, kadib markii hub sharci darro ah oo ka yimid dhinaca Itoobiya uu u gacan galay shacabka ku dhaqan Caabudwaaq. Arrintan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya kowdii December, ee sanadkii hore 2023 laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd muddada 31 sano. Dib miyaa loo qiimeyn doonaa xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya? Saameynta ka dhalatay hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ayaa hadda gaartay meeshii ugu darnayd, waxaana ka dhashay walaac xoogan, ayada oo dowladda dhexe iyo Galmudug ay kasoo saareen warar kala…
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo maanta safar aan la shaacin ugu soo duulay Muqdisho, ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta sare ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Qoor-Qoor oo markii uu Muqdisho kasoo degay toos u galay xarunta safaaradda oo ku taalla gudaha xeyndaabka aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa la kulmay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahna ku-xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Xogaha kasoo baxaya kulanka Qoor-Qoor iyo safiir ku-xigeenka Mareykanka ayaa sheegaya in looga hadlay hubkii faraha badnaa ee Isniintii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka ay sheegtay inuu ahaa hub…
Qaar kamid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay hubkii Isniintii lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud kaas oo ka yimid dhanka Itoobiya. Senator Deeqo Xasan Xuseen oo Wariyeyaasha kula hadashay bannaanka hore ee xarunta Golaha ayaa ku baaqday in hubkaas la bililiqeystay lagu soo celiyo gacanta dowladda federaalka, waxayna sheegtay in shacabku aanay xaq u lahayn hubkaas, uuna halis ku yahay amniga dalka. “Waxaan ku baqayaa in hubkaas la dhacay lagu soo celiyo gacanta DFS si badbaadadii dalka iyo dadka ay iyadana ku hana qaado. Shacabka xaq u malaha inay hubka…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan heerarka kala duwan ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo socdaal shaqo ku gaaray gobolka Shabeellada Hoose. Socdaalka ayaa ahaa kulan is xog wareysi ah la qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee degmada Marka, kaas oo diiradda lagu saarayey sidii la isugu xiri lahaa maamulka degmada, Cadaaladda, Amniga iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeyntooda si ay bulshada uga haqabtiraan adeegyadda dowlanimda. Sidoo kale, Waxaa diiradda la saaray adkaynta nabada iyo isla jirka bulshada si deegaanka loo gaar…
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa soo gaaray degmada Raagge-Ceelle ee Gobalka Shabeellada Dhexe. Maamulka degmada iyo shacabka Raagge-ceelle ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha fulinta, sharci-dejinta, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida. Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa safar shaqo ku mari doono degmooyinka Hirshabeelle waxaana uu socdaalkiisa daaran yahay xarig-jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic kala duwan ee Horumarinta degmooyinka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mudadda uu ku jiro safarkiisa waxa uu dardargelin doonaa wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xorreynayo dhulka…
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda. Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamul-Wanaagga Maaliyadda, casriyeynta hannaanka iibka qaranka iyo xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammantoodba la isla gartay in ay u socdaan habkii ugu wanaagsanaa iyo dhabbihii guusha. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha guddiga Maalul-Wanaagga Maaliyadda ayaa sheegay…
Wasiirka Xannaanada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Eeley ayaa isku xiray dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo in laga salgaaro muhiimadda Dowladdu ay ku dooneyso in ay kordhiso Waxsoosaarka. Xasan Xuseen Eeley ayaa sheegay in Tacbashada Beeraha, Dhaqashada Xoolaha & Kalluumeysiga ay yihiin saddexda dhinac ee dhaqaalaha badan laga sameyn karo balse caqabad ku noqdeen ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay. Dagaalka Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqday ee ka dhanka ah ‘AS’ ayuu sheegay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya in laga gungaaro si loo helo fursado badan oo haatan ku dul dahaaran sida uu yiri Wasiir Xasan Xuseen. Dagaalka ‘AS’…
Gobolka Nangarhar ee dhaca Bariga Dalka Afgaanistaan waxaa ka da’ay Roob xooggan oo Biriq la socotay waxaana ku nolol waayay in ka badan 40 qof waxaana ku dhaawacmay Dad kor u dhaafaya 350 ruux iyada oo kumanaan kale ay guryahooda isaga carareen. Ilo kala duwan oo deegaanka ah ayaa Warbaahinta la wadaagay macluumaadkaan ku saabsan xaaladda adag ee ka taagan Gobolkaan oo katirsan Gobollada ugu badan ee Duufaannada ka dhacaan ee Dalka Afgaanistaan. Qof kamid ah Dadka ehelkooda waxyeellada kusoo gaartay Roobka Mahiigaanka ah ee Biriqda wax dishay watay ayaa Warbaahinta la wadaagay xogo la xiriira in xaaladdu ay adag…
Xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka dhacay Qarax la sheegay in uu noociisu ahaa Miino waxaana ku dhintay labo ruux oo kala ah Qof Shacab ah & Askari katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka. Qaraxa goobta uu ka dhacay oo Maqaaxi waxaa dhaawac kasoo gaaray Haweeneydii ku Ganacsaneysay oo la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Baladweyne Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle. Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta gaaray ayaa joojiyay dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Waddooyinkii ay marayeen Gaadiidka si ay u sameeyaan Baaris dhammeystiray Sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo kala Duwan. Magaalada Baladweyne…
Ciidanka Howlgalka Kumeel-gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ee fadhigoodu yahay Gobolka Shabeelaha ayaa la sheegay in ay dileen Dad rayid ah kaddibna ay Gorwaceen sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan. Maadeey Jeylaani Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Kuntuwaarey balse haatan jooga Buula Mareer ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidanka ATMIS ay toogteen Dadkaan oo gaaraya 2 ruux kaddibna ay Gowraceen. Qof saddexaad oo la socday labada Marxuum ayuu Maadeey sheegay in uu baxsaday isaga oo Dhaawac ah, sababta arrintaan dhalisay ayuu ku tilmaamay in Ciidamada ATMIS oo howlgal roondo…