Author: radiohalgan.com

Soomaaliya oo dhinaca saartay Masar iyo Eritrea ayaa dhawaan wuxuu shir saddex geesood ah ugu soo dhamaaday magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa shirkaasi ku gaaray go’aanka isbaheysi cusub oo yeesheen saddexda dal, iyada oo marka hore la dhisayo guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, si loo dardar-geliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyadan. Xulafaysiga Soomaaliya ee Masar iyo Eritrea ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda dalalkan kala dhaxeysa Itoobiya, gaar ahaan Soomaaliya oo si weyn usii kala fogaadeen kadib markii ay Addis Ababa heshiis la…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & Dib u heshiisinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqday in la kala diray Maamulka Degmada Xudur iyo xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmadaas. Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu go’aankaan u cuksaday (law no.10) qodobkiisa 15aad farqadiisa (1aad) xarafka (T) iyo farqadiisa (2aad). Wasiir Cabdullaahi ayaa sheegay in go’aankaan uu yimid kaddib markii uu ku sifoobay “wadashaqeyn la’aan Maamulka Gabolka Bakool iyo kan Degmada Huddur” sidaas awgeed laga billaabo maanta uu kala diray sida uu hadalka u dhigay. Intaas kaddib, Xubnaha la kala diray oo Warbaahinta…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka, isaga oo ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Sidoo kale, Shirkaan ayaa  fursad siinayaa hoggaamiyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. ”Hormarinta karaanka Bulshada waa udub dhexaad in aan xoogga saarnaa, siiba dhallinyarada…

Read More

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS. Kulanka ayaa waxaa  shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS   Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Kulanka ayaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay, wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre. Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka, ayaa Golaha faahfaahin…

Read More

Doorashada bisha soo socota la filayo in ay ka dhacdo Deegaannada Maamulka Somaliland waxaa kursiga Madaxweynaha ku loolamaya Saddex musharrax kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro & Faysal Cali Waraabe. Saddexdaan musharrax ayaa sidaan oo kale ku loolamay doorashadii dhacday sanadkii 2017kii, musharraxa metalaya Xisbiga Waddani ayaa culeys badan saaray kan Xisbul-xaakimka ee Kulmiye si dirqi ahna uga guuleystay. Marka kale ayay doorasho loolalnkeeda wadata isku arkayaan Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro & Faysal Cali Waraabe, dhinac weliba waxa uu af qabsi ka dhigtay in Maamulka Somaliland uu u jiheynayo dhabbaha toosan. Musharrax weliba waxa…

Read More

Dagaalka ka socda Suudaan ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo milateriga Suudaan ay duqeyn cirka ah ku qaadeen suuq ku yaal caasimadda Khartoum. Weerarkaas ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 23 qof, waxaana dhaawacmay in ka badan 40 qof, sida ay sheegtay shabakadda Southern Belt ee gurmadka. Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda agagaarka suuqan, oo ku dhow xero ay ku sugan yihiin ciidamada Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo la dagaallamaya milateriga. Dagaalka oo socda tan iyo jimcihii ayaa noday mid xoogga, iyadoo RSF ay haystaan inta badan Khartoum, halka milaterigu ay weli wadaan duqeyn. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Aqalka Martida ee Kismaayo ku qaabilay sii hayaha Ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha doorashooyinka, iyo amniga. James Swan ayaa dhageystay warbixinta Madaxweynaha Jubbaland ku saabsan xaaladda maamulka iyo shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka socday magaalada Muqdisho. Kulanka dhexmaray Axmed Madoobe iyo James Swan waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday howlgalka ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) ee Soomaaliya, kaas oo muhiim u ah nabad-gelyada iyo…

Read More

War kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan in loo dhaweeyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in fogaan dhan 5 Cabirka dhinaca hawada ah ee afka qalaad lagu dhaho Nautical Mile oo dhan weliba ah in aanay loogu soo dhaweyn karin Diyaaradahaas Drones-ka ah. Hay’addu waxa ay sheegtay in marka laga reebo Diyaarado Bilaa Duulliye ah oo ka diiwaangashan ama ka warqabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed sida lagu yiri qoraalkaan oo faafinta rasmiga ah maanta la geliyay. Isticmaalka diyaaradaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta la unkay Calan Soomaaliyeed oo ku beegan berri oo ay taariikhdu tahay 12-ka Oktoobar. Naqshada Calanka Soomaaliyeed waxaa curiyay Allaha u naxariisto halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan waxaana la go’aamiyay 12-kii Oktoobar 1954-tii. Sida dad badan ay taariikhda ku haayaan gumeystihii waqtigaas ayaa dood badan ka keenay nooca Calanka iyadoo uu kaga adkaaday Maxamed Cawaalle oo sidaas ku galay quluubta dadka Soomaaliyeed. Muwaadiniin badan ayaa god ugu jiro difaaca Calanka Soomaaliyeed halka kuwa kale ay u naafoobeen, welina waxaa jira halgamayaal kale oo hardan ugu jiro…

Read More