Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Saraakiisha ammaanka ee Maraykanka ayaa ku dhiiranaya inay si cad uga hadlaan farsamada casriga ah ee sida xawliga ah ku socota, gaar ahaan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ama Artificial Intelligence iyo halista ka iman karta marka ay adeegsadaan dalalka cadawga ku ah Maraykanka, gaar ahaan xilliyada lagu jiro doorashada madaxtinimada ee soo socota. Agaasimaha hayβadda dembibaadhista Maraykanka ee FBI Christopher Wray ayaa soo saaray digniin ku aaddan, inay jiraan isku dayo la doonayo in lagu farogeliyo codaynta muwaadiniinta Maraykanka, gaar ahaan cidda ay tahay inay u codeeyaan doorashada dhacaysa bisha November ee soo socota. Agaasimaha…
Shirkadda Korontada ee ay dowladdu maamusho ee Ghana (ECG) ayaa Khamiistii korontada ka jartay baarlamaanka dalkaas, kaddib markii ay ku yeelatay deyn gaaraysaa illaa 23 milyan oo lacagta Ghana ah oo u dhiganta ($1.8m). Maqnaanshaha korontada ee xilligii la jaray ayaa qasbay in ay hakad gasho doodii ku saabsanayd khudbaddii sannadeedkii Madaxweynaha. Video ay warbaahinta gudaha lagu baahiyey ayaa muujinayey xildhibaannada oo ka falcelinaya markii korontadu ka tagtay. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koronto-dhaliye la shiday uu dib u soo celiyay korantada qolka doodda dhowr daqiiqo ka dib, arrintaas ataa fadeexad iyo ceeb ku noqotay Ghana
Habeen arbaco ah, 22 kii bisha Febarury ayaa koox hubaysani waxay wadada ku joojiyeen Abubakar Axmed oo ah nin dallinyaro ah oo maalmo ka hor maydkiisa laga helay duleedka Muqdisho. Qiyaastii 11 kii fiidnimo ee xiliga Soomaaliya, ayaa waxaa wada ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir waxaa istaajiyay ciidamo ku la bisan dharka booliska Soomaaliya, sida uu qoyska la wadaagay nin dhallinyaro ah oo la socday Abubakar. “Rag hubaysan oo dharka booliska wata oo jidka taagan ayaa waxa ay u istaajiyaan sida qolo amniga sugaysa oo kale,..labada dhinac ayaa laga kala istaagay, labadaba waa la dajiyay waxaan dareemeynaa bartilmaameedku…
Ololaha madaxtinnimada Guddiga Midowga Afrika (AUC) ayaa billowday, iyadoo Soomaaliya ay muddo dheer kadib si rasmi ah isugu dayeyso u qabashada jagadan. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan booskan usoo sharraxday xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo hore usoo noqotay raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya. Shir jaraaβid oo ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho, ayay Fowsiya si rasmi ah ugu shaacisay musharraxnimadeeda guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta. Musharraxa…
Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo hal dhibic ka hoosaysa kooxda Man City oo ku jirta kaalinta 2-aad waxana ay laba dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool. Arteta ayaa tilmaamay horyaalka premier League lagu kala bixi karo farqiga goolasha xilli ciyaareedkan. Markii la waydiiyay in goolashu muhiim u yihiin kooxdiisa xilli ciyaareedkan Arteta ayaa yidhiβHaa, Xaqiiqdiiβ. βUgu horayn waxa aan doonaynaa in aan badino kulamada kadib aanu dhalin goolal badanβayuu sii raaciyay. βTartanka Horyaalka Premier…
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday sababtii ayna Arsenal ula saxiixan xiddiga Ruben Neves kadib markii uu xiddiga khadka dhexe sheegay in uu aad ugu dhawaa ku biirista Gunners xagaagii hore. Gunners ayaa xiiso u qabtay xiddigii hore ee Wolves sanadkii hore laakiin heshiiska ayaan dhicin iyada oo Neves uu ku biiray kooxda Al-Hilal ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga. Xiddiga oo la hadlaya wargayska Ojogo ayaa u sheegay in uu aad ugu dhawaa ku biirista Arsenal ka hor inta uuna ugu dambayn ku biirin horyaalka sucuudiga. βWaxa aan aad ugu dhawaa ku biirista 3 kooxo oo ay Arsenal ka…
Liverpool ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah ku jirta xilli ciyaareedkan iyada oo hogaanka u haysa horyaalka premier League. Reds ayaa xitaa caruurteeda kaga badinaysa kooxaha waaweyn kadib markii ay wiilasheeda ku garaacday Blues final-kii Carabao cup-ka. Si kasta ha ahaatee waxa jirta hal koox oo Liverpool ka ilaashatay shabaqeeda ilaa haatan xilli ciyaareedkan. Liverpool ayaa ugu yaraan gool ka dhalisay koox kasta oo ay la ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Laakiin Man United ayaa ah kooxda kaliya ee Liverpool u diiday in ay soo taabato shabaqeeda xilli ciyaareedkan.
Waxa bartamihii todobaadka la ciyaaray kulamadii FA Cup-ka iyada oo ay kooxo badan heleen natiijoon fiican. Kooxaha Man United, chelsea, Liverpool iyo Man City ayaa dhamaantood badiyay kualamdii ay ciyaareen. Xiddigo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ay ciyaareen tartanka FA Cup-ka Salaasadii iyo Arbacadii. Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka tartanka FA Cup-ka. Kooxaha Coventry, Man City iyoΒ ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig. Kooxda Newcastle iyo Leicester City ayaa shaxda ku leh 2 xiddig halka kooxda ay liverpool shaxda ku leedahay…
Erik ten Hag ayaa sheegay in kooxdiisu ayna ka cabsanayn Man City ka hor kulankooda adag ee premier League. City ayaa 3-0 ku badisay garoonka Old Trafford bishii November, waxaana ay badiyeen 14 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeenΒ tan iyo bartamihii bishii December. Kooxda United ayaa heshay natiijooyinkeedii ugu fiicnaa laakiin wali waa koox dhaawacyo hareeyeen. Inkasta oo ay Man City ugu cad-cad ku guulaysiga kulanka hadana Ten Hag ayaa sheegay in kooxdiisu ayna ka cabsanayn Man City. βWaxay haystaan ββkoox fiican laakiin waxaa jira kooxo kale oo fiican,β ayuu ku jawaabay ninka reer…
Laacibka reer Nigeria John Obi Mikel ayaa qirtay inuu ka shaqeynayo sidii weeraryahanka Napoli Victor Osimhen uu ugu biiri lahaa Chelsea. Obi Mikel ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Chelsea ay u baahan tahay weeraryahan sida Osimhen. βWeli waxaan ahay βwakiilkiisiiβ, waxaan isku dayayaa inaan isaga geeyo Chelsea, sidaas darteed waxaan helayaa 20% heshiiskaa, aan rajayno in auu heshiisku dhocoβayuu yidhi. βWaxaan u maleynayaa inay jirto xiiso dhab ah oo labadooda ah, wuu jecel yahay kooxda, wuxuuna doonayaa inuu yimaado kooxda, isagoo si cad u raacay wadadeyda iyo wadada xiddigaha reer Nigeria ee Victor Moses iyo Celestine Babayaroβ. βWaxa uu…
