Author: radiohalgan.com

Ciidamada Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sameeyay howlgal muhiimaddiisu ahayd in gacanta lagu soo dhigo hub ka yimid dhanka Itoobiya oo maleeshiyaad hubeysan ay damacsanayd in ay boobto. Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa halka loo waday hubkaas, wararka qaar ayaa tilmaamaya in Dowlad-Goboleedka Puntland loo waday isla markaana ay ilaalinayeen ciidamo katirsan kuwa Dowlad-Goboleedkaas. Sababta keentay in ciidamo dheeraad ah loo baahdo si loosoo gudbiyo hubka waa in Dadka Degmada Bookh ay damceen in ay boobaan hubkaas, waxaana lagu soo warramayaa in rasaas kooban la maqlayay kahor inta aan hubkaas lasoo gudbin. Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay kordhisay…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa u muuqata in ay dhinac u dhaqaanjin la’ dahay wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee salkiisu yahay baabi’inta xiisadda ka dhalatay damaca gurracan ee Xukuumadda Abiy Ahmed ku riixaya in uu hamiyo biyaha Dalka. Warbaahinta caalamka ayaa falanqayn ka sameysay Wareysiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakam Fidan uu siiyay Wakaaladda Wararka Dalkaas isaga oo quus uga muujiyay in si fudud fool ka fool u kulmaan ergada labada Dal. Qaar kamid ah Warbaahinta ayaa cinwaan sadar weyn ay ku muujiyeen ku sheegay in hadalkaas laga dheehan karo in Xukuumadda Ankara u baahan tahay dhinac kale oo ku xoojiya wadahadalka…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre. Kulanka labada masuul oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa wararku sheegayaan in looga hadlay xaalada siyaasadeedee dalka , waxa ayna labada masuul is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaalada dalka ku sugan yahay hadda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafyo jira. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana la wadaagay Ra’isul Wasaare Kheyre xogo la xariira qorshayaal dowladda ku dooneysyo in la qabto doorashada dowlad goboleedyada dalka qaarkood , iyo sidii…

Read More

Maleeshiyaad la sheegay in ay yihiin macawuusley kasoo jeeda beesha Waceysle uu ka dhashay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa nin shacab ah kasoo afduubtay deegaan hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. Ninkan ay soo afduubteen maleeshiyaadka kasoo jeeda degmada Ceeldheer ayaa la sheegay in uu ahaa nin beeraley deegaanka caan ka ahaa, waxaana ninkaas la sheegay in ay is hayeen ayna shirqooleen rag kale oo daris yihiin kuna heyb ah Madaxweyne Xasan Sheekh. Maleeshiyaad kale oo iyana ku heyb ah ninka la afduubtay kana soo jeeda beesha Murusade ayaa iyana afduubteen labo nin oo ku heyb ah ragga afduubka…

Read More

Sida Mustaqbal ay u sheegeen Dad doonayay in ay isaga kala gudbaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxaa saakay hakad galay guud ahaan Diyaaradii sida joogtada ahaa duullimaadka uga dhex sameyn jiray labadaan Magaalo. Qaar kamid ah Dadkaan oo weli ku xayiran Garoomada Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho & Shaati gaduud oo Baydhabo ah ayaa sheegay in aanay jirin wargelin la xiriirtay in duullimaadkooda baaqday balse markii ay garoomada tageen ay ogaadeen. Si dhab ah looma oga sababta keentay in uu joogsado duullimaadka Muqdisho iyo Baydhabo Laakiin waxaa aad loo hadal hayaa in arrintaan ay salkeedu tahay xiisadda siyaasadeed ee…

Read More

Magaalada Veina dalka Austria waxaa ka qabsoomay meertada 68-aad ee shirweynaha Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA kaas oo ay ka qayb galeen ergooyinka dalalka xubnaha ka ahi. Shriweynaha ayaa lagu ballaariyey haya’adda iyadoo dalal cusub ay xubno ka mid ah noqdeen. Dalalka xubnaha Wakaalada Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah qaybta ka ah ay gaaray ilaa 178 dal. Dalalka ku biiray maanta wakaalada tamarta Nukliyeerka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IAEA, ayaa waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay tan iyo asaaskii hay’addaas hadda ku biirtay. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya…

Read More

Ammaanka guud ee Musharrax madaxweyne Donald Trump ayaa aad loo adkeeyay waxaana loo kordhiyay ciidamada loo garan ogyahay ilaalada qarsoon ee dhexgalaya Dadka uu u khudbeynayo maadaama uu musharraxnimadiisa soo bandhigayo. Saraakiil katirsan kuwa sida gaarka ah u ilaaliya musharrixiinta, Madaxda iyo martida qaaska ah ee Dalkaas Maraykanka tagta oo qaarkood wata Gawaari iyo hub aan ka muuqan ayaa lasii geynayaa goobaha uu ku wajahan musharraxaan. Trump oo ah nin inta badan hadallada uu sheego abuuro dareen dhiilo leh ayaa dhankiisa loo jeediyay in uu joojiyo hadallada abuuri kara kicinta Dadka oo culeyska kusii kordhinaya Ilaaladiisa sida ay sheegeen mas’uuliyiin…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeeb ayaa xilligaan wajahay cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ka dib markii maamulkiisa uu taageero u fidiyey ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannada maamulkaas, kuwaas oo dowladda dhexe ay sheegtay in ay dhawaan dalka isaga bixi doonaan. Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay deegaannada Koonfur Galbeed ayaa taageero u muujiyey go’aanka ka soo yeeray maamulka Koonfur Galbeed, taas oo sababtay in qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay soo jeediyeen in Xildhibaannadaas lagala laabto xasaanadda, wallow markii dambe ay raali galin ka bixiyeen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed…

Read More

Mohammed Aamir Hussain Khan oo loo garan ogyahay (Aamir Khan) ayaa dhowaan wareysi uu bixiyay mar wax laga weydiiyay safarkii ugu wanaagsanaa uu aaday iyo cidda ku wehlisay waxa ku sheegay in uu ahaa mid Hooyadiis uu u raacay Xajka. Jilaagaan katirsan Shirkadda filimada sameysa ee Bollywood ee Dalka Hindiya waa Aamir Khan ayaa Hooyadiis safar xajka ah u waday maadaama uu muxram u ahaa, waqti ayuu la qaatay iyaga oo kamid noqday martida alle. Jaceylka uu u qabo Hooyadiis ayuu sheegay in uu aad ugu weyn yahay sidaas awgeed marweliba oo ay waqti wada qaataan ay ugu sheekeyso yaraantiisa,…

Read More