Author: radiohalgan.com

kumanaan Kun oo dadweyne ah oo isaga kala yimid dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan iyo meelo ka baxsan gobolka oo Maxaas u tagay maalmahii lasoo dhaafay shirweynaha Beelweynta Cali Madaxweyne uga socday Maxaas ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Ugaaska. https://youtu.be/2jpJuKkGlI0?si=zSGX_-TAKh7_g2dA Safarkaan uu maanta Ugaaska Guud ee Xawaadle ku tagay Degmada Maxaas ayaa qeyb ka ah socdaalka Nabadda iyo Midnimada beelaha Xawaadle, waxaana sidoo kale lagu wadaa Ugaas Yuusuf Ugaas Khaliif inuu soo xiro oo uu ka duceeyo shirweyne wadatashi oo maalmahii lasoo dhaafay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan uga socday Beelweynta Cali Madaxweyne oo ka mid ah beelaha…

Read More

Turkiga iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday qandaraas Ankara looga iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington ay aqbashey heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar. Heshiiska ayaa yimid ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga Khamiista maanta. “Qandaraaska waa la saxiixay, wufuud ka kala socota labada dhinac ayaa ka wada xaajoonaya faah-faahintiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda. Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu heli doonaa 40 diyaaradood oo cusub oo ah F-16 iyo in loo casriyeeyo ilaa 79 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda jira. Wasaaradda arrimaha dibadda…

Read More

Maalinta oo ah maalinta 8aad ee bisha Dul-Xijjah waxaana loo yaqaanaa Yowmu-Tarwiyah. Waa mid kamid ah maalmaha ugu fadliga badan sanadka, waa maalinta uu bilowdo Xajka oo xujeyda ayaa Xajka xirata, qofka xaajiga ah maalinta oo kale waxa uu aadayaa buurta Mina isaga oo halkaas ku baryaya (seexanaya) ilaa caawa. Xaajiga ama qofka Xajinaya waxaa looga baahan yahay in uu raabo ama uu sameeyo maadaama uu si toos ah u guda-galay gudasha Acmaasha Xajka qodobadaan: 1-In uu Qubeysto xajkana xirto. 2-In uu ku labisto dharka Muxramka ah. 3-Tahliisha Xajka in uu bilaabo isaga oo leh Labeyka Allahuma Labeyka. 4-In uu…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay soo jeedin ka timid Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ah in loo baahan yahay Talisyo cusub ee lagu xoojinayo Ciidanka Xoogga Dalka. Afartaas Talis ee cusub ayuu ugu dambayn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay waxaana ay kala yihiin: 1-Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, 2-Taliska Tababarada CXDS, 3-Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS iyo 4-Taliska Taakulada Guud ee CXD. Talisyadaas cusub waxaa loo kala magacaabay: S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheekh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe  Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim…

Read More

Waxaa Caawa Dalka Jarmalka ka furmaya koobka xulalka Qaaradda Yurub ee EURO oo sanadkaan uu martigelinayo 2024 uu martigelinayo Dalkaas wajahaya Dhiggiisa Scotland oo ay isku qaanad kuwada jiraan. Xafladda Daah-furka Koobkaan kaddib waxaa dhici doonna hal kulan oo lagu billaabayo Qaanadda (A) ama 1aad oo si gaar ah isku arki doonnaan Martigeliyaha Koobkaan sanadka 2024 ee Germany oo kahortagaya Scotland. Xulka haysta taageerayaasha ugu badan ee Jarmalka waxa uu kulankaan u yahay tijaabada uu ku muujinayo awoodda ama rejada uu u yeelan karo in uu ugu dambayn Koobkaan Gacanta ku dhigo oo aanay laga bixin Dalkiisa. Madax kala duwan…

Read More

Ceelka Zamzam ayaa ku dhex yaalla Masjidka Xaramka ee Makah, Sacuudi Carabiya. Waa masjidka ugu weyn ee dunida ku yaalla waxaana ku hareereysan meesha ugu barakeysan Islaamka, Kacbada. Biyaha ka yimaada ceelka ayay malaayiin Muslimiin ah oo dunida ku sugan u arkaan inay barakeysan yihiin waxayna aaminsan yihiin inay leeyihiin awood wax daaweyn ah. Booqashadiisa waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah Xajka ku dhowaad dhammaan Muslimiinta ayaana gurigooda kula laabta biyaha ceelkan. Biyaha ayaa aalaaba waxaa loo qeybiyaa xubnaha qoyska iyo saaxiibbada, iyadoo la rumeysan yahay inay wax ka taraan khatarta, cudurka, iyo isha. Waxaa sidoo kale la…

Read More

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu kulan kula qaatay madaxa howlgalka ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef kaas uu kuurgalayo ciidamada ATMIS ee ka howlgalo deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Danjire Mohamed El-Amine oo ay ku wehlinayeen kulanka saaraakiil ATMIS ayaa tilmaamay inay meel wanaagsan mareyso dhammeystirka ka bixitaanka ATMIS ee Hirshabeelle waxa uu intaas ku daray inay soo dhawaatay waqtiga ay ciidamada wareejin lahaayeen goobaha ay ku sugan yihiin. “Dowladda Hirshabeelle waxa ay si dhow ula socotaa arrimaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS. Waxaan diyaar u nahay xaqiijinta ammaanka goobaha ay…

Read More

Ciidanka Ammaanka dallka Sacuudi Carabiya ayaa xiray 25 qof oo u dhashay dalalka; Pakistan, Hindiya, Masar, Myanmar, Indonesia iyo Sacuudiga, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xayaysiinayeen kaararka aqoonsiga Xajka oo been abuur ah, sida ay shaacisay shabakadda wararka Xaramka ee Insde Haram. War ka soo baxay warbaahinta Xaramka ayaa lagu yiri, “Booliska ayaa xiray 9 qof oo u dhashay Pakistan iyo muwaadin Hindi ah oo fiisaha booqasho ku joogay, iyagoo ku eedeeyay inay xayaysiinayeen kaararka xajka oo been abuurka ah.” Ciidamada ilaalada goobaha barakeysan Makka iyo Madiina oo howlgallo waday muddooyinkii u dambeeyey ayaa soo xiray 25 ruux, kuwaas…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal kula qaatay Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Wadahadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii loo hormin lahaa mashaariicda dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya. Warkooban oo ka soo baxay warbaahinta dowladda, ayna daabacday Villa Somalia ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka wadahadal miro dhal ah kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim…

Read More

Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay dalka Kuwait, goor dambe oo Arbacadii ah, kadib markii uu dab ka kacay dhismo ay degganaayeen shaqaale ajnabi ah, iyada oo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait ku eedeeyay milkiilayaasha hantida maguurtada ah inay geysteen xadgudubyo ay ku yimaadaan dhacdooyinkan oo kale. Dowlada Kuwait ayaan si degdeg ah u shaacin dalalka ay u dhasheen dadka dhintay. Safiirka India ee dalkaasi ayaa booqday isbitaallada lagu dabiibayo shaqaalaha ku dhaawacmay dabka. Mid ka mid ah isbitaal, ayaa la dhigay in ka badan 30 muwaadin oo Hindi, sida ay safaaradda India ku qortay baraha bulshada. Isagoo goobta…

Read More