What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Duubabka dhaqanka Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa sheegay in la dacwaynayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sabab la xiriirta dhibaatooyinkii ka dhacay Gobolka Sool. Garaadka ayaa sheegay in la diiwaangelinayo Dadkii dhintay ee gaaraya 800 oo ruux, kuwii dhaawacmay, hantidii ku burburtay & dhammaan waxyeelladii ay gaysteen ciidamada ka amar-qaata Muuse Biixi Cabdi ee Sool laga gacan-maroojiyay. βMaamulka Muuse Biixi waxaa in loo dacwaynayaa dhimashadii Dadka gaaraya 800 oo ruux, Waa aynu diiwaangelinaa dadka dhaawacmay, goobta ay ku geeriyoodeen & xiliga ay waxgaareen loona sameeyo xarun iyo taallo lagu xardhayo magacyada oo…
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamo ka socda dalalka saaxiibka la ah dowladda ayaa howlgal Ka sameeyey deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Ciidanka kumaandooska Soomaaliya oo ka helaya gacan ciidamo shisheeye ayaana howlgalkan ka fuliyay deegaanno Al Shabaab xubno katirsan isku uruursanayeen , kuwaa oo la sheegay ciidanka in ay heleen xogtooda. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al Shabaab inta howlgalku socday, waxa ayna saraakiisha xuseen in Al Shabaab jab xooggan gaarsiiyeen. Ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidamo shisheeye…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay dalalka reer Galbeedka, isaga oo sheegay in ay bilaabayaan dagaal loo adeegsado hubka nuclearka haddii ay ciidamo u diraan dalka Ukraine. Waxa uu sheegay inuu haysto hub uu ku weerari karo bartilmaameedyo ku yaalla Galbeedka. Isaga oo ku guda jira khudbadda sanadlaha ah ee xaaladda dalka, ayaa Putin uu yiri dalalka ree Galbeedka ahi βwaa inay garowsadaan in annaguna aan haysanno hub duqeyn kara goobo xuduudihiinna ku yaalla. Arrimahan oo dhammi waxay keenayaan khatar ah in hub nuclear ah la adeegsado iyo burbur uu ku yimaadda ilbaxnimooyinka. Intaa ma ayna fahmin miyaa?β In…
Wararkii ugu dambeeyay dowladaha caalamku uga fal celiyeen xasuuqii shalay ka dhacay Gaza? (SAWIRRO)
Ugu yaraan 140 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Qaza, ka dib markii ay ciidamada Israaβiil ay rasaas ku fureen, xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka goβdoonsan ee Qaza. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay hubinayaan βwararka is-khilaafsanβ ee ka soo baxaya, sida weerarku u dhacay. Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco. βWaa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la baaroβ ayay u sheegtay weriyayaasha, xilli ay…
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay haweenay maanta seygeeda ku gubtay gudaha magaalada Muqdisho Bayaan kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay gar-gaar u fidiyeen dhibanaha oo hadda xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Haweenayda ku eedeysan kiiskan ayaa lagu magacaaba Naley Maxamuud Saney, waxaana daβdeeda lagu sheegay 26 jir. βMaantay oo taariikhdu tahay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen Edeysane Naley Maxamuud Saney 26 jir ah oo gubtay Saygeeda,β ayaa lagu yiri qoraalka Booliska. Naley ayaa la horgeyn doona maxkamadda…
Booliska Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dhacdooyinkii toddobaadlaha ah ee dalka ka dhacay oo ay ku jiraan dembiyo culus oo dhacay maalmihii lasoo dhaafay. Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo galabta shir jaraaβid qabtay ayaa sheegay in garoonka Aadan Cadde lagu qabtay dad badan oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga, kuwaas oo cabsiga loo taxaabay. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in la qabtay labo nin oo dadkaas u tahriibinayey dalka Sacuudiga, howlgalkaan waxaa iska kaashaday booliska iyo heyβadda socdaalka iyo jinsiyadda. β30 qof oo loo tahriibinayey dalka Sacuudiga iyo 2 qof oo waday ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, saakay…
Ugu yaraan 104 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Gaza, kadib markii ay ciidamada Israel ay rasaas ku fureen. Weerarkan ayaa dhacay xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka goβdoonsan ee Gaza. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ay hubinayaan βwararka is-khilaafsanβ ee ka soo baxaya, sida weerarka uu u dhacay. Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la badhoβ ayay u sheegtay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo uga qeyb-gali doono shir muhiim ah. Madaxweyne Xasan ayaa ka qeyb-galaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa horay uga qeyb-galay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Nirobi ee dalka Kenya, kaasi oo diirada lagu saaray isbaddalka cimilada adduunka ee xilligaan. Socdaalka madaxweyne…
Muuse Biixi, hoggaamiyaha waqtiga ka dhamaaday ee Somaliland waxaa qodobka khaaβinu waddan ugu xukuman qof walba oo xil ka qabtay ama haddaba ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dadka reer Waqooyiga ah ee dowladda dhexe ee Soomaaliya u shaqeeya looma ogola inay qoysaskooda booqdaan, ama xitaa haddii ay geeri dhacdo inay ka qeyb-galaan tacsida. Qofkii Muqdisho xil ka haya oo Hargeysa tega waa xadhig oo waxa uu nidaamka Somaliland u yaqaana qof ku kacay khiyaano qaran, tani waxay isa seejisay waalid iyo caruur badan, waxayna dad badan ku qasabtay ku noolaanshaha goobo ka fog ehelkooda ama in aanay xasillooni…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Farmaajo ayaa laba sano kadib saaka kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo tan iyo markii uu xilka ka degay aan lagu arag gudaha Soomaaliya, isaga oo ku noola magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxaa ka taagna xaalado siyaasadeed oo ay ku kala duwanayeen mucaaradka iyo muxaafidka, ayada oo arrinta wax ka beddelka…
