Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa xalay magacaabay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood, oo aanay ku jirin wasiir ku xigeeno iyo wasiir udowlayaal. Madaxweyne Deni waxa uu dib usoo celiyay wasiirradiisii arrimaha gudaha, caddaaladda, warfaafinta iyo amniga. Saddex kamid ah golaha wasiirrada ayaa ah haween. waxaana loo kala magacaabay wasaaradaha haweenka, Gargaarka iyo dhallinyarada. Dhinaca kale, warar aanu helayno waxay sheegayaan in qaar kamid ah wasiiradda la magacaabay aanay ku qanacsanayn xilalka loo magacabay, lamase oga inay iska casilidoonaan. Halkaan ka akhriso magacyada wasiirrada. 1.Wasiirka Caafimadka Siciid Qoorsheel. 2.Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdiqaadir. 3.Wasiirka dhalinyaradda Hodan Siciid. 4.Wasiirka…

Read More

Β Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta Amb. Axmed Al-Rumaithi. Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobbo kala duwan oo la xariira arrimaha gargaarka iyo taageerada mashaariicda adkeysiga, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka. Labada masuul ayaa isla meel dhigay in ka hor curashada bisha Ramadaan gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo dadka nugul ee fatahaadihii El-nino saameeyeen iyo in la hagaajiyo biya xireennada muhiimka ah si loo yareeyo qatarta fatahaado ka dhalan kara roobka gu’ga. Safiirka ayaa wuxuu sidoo kale la wadaagay guddoomiyaha xogta la…

Read More

Odayaasha dhaqanka Lughaya ayaa maanta soo bandhigay sida ay uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeybo kamid ah badda Soomaaliya. Odayaashan oo shir jaraa’id ku qabtay xeebta Lughaya ayaa waxay si cad u sheegeen in ay dagaal ka xigaan heshiiskii Addis Ababa, oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed kamid ah Lughaya. β€œBadda Lughaya xeelageedii ayaa fadhinaa waxaan halkan ka caddeynaynaa baddan Lughaya ee laga bixiyay saldhiga milateri in aan anagu raali ka aheyn, raalina aan ka noqon kareyn,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka Lughaya. Odayaasha dhaqanka Lughaya ayaa sidoo kale waxay luuqadii ugu adkeyd kula…

Read More

Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Soomaaliya, kuwaasi oo tagi jiray dalalka Aasiya, kadib markii dhawaan ay khatar ku gashay hawada gobollada waqooyi ee Somaliland. Duullimaadyadii ay diyaaradaha shirkadaasi ku tagi jireen dalalka qaaradda Aasiya waxay ku mari jireen hawada Soomaaliya, balse hadda waa iska joojiyeen duulimaadkaas, kadib toddobaadkii hore ay isku dhici gaareen Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways. β€œShirkadda ayaa go’aankaan gaartay, sababtoo ah maamulayaasha hawada Soomaaliya kama aysan helin adeegga duulista hawada oo ammaan ah,” ayuu yiri Mesef Tase oo ah maamulaha guud ee shirkadda oo BBC la hadlay.…

Read More

Shacabka Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa si weyn uga falceliyey dib u soo laabashada madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta shaaciyey inuu sii joogi doono Muqdisho. Dadka qaar ayaa aad u taageersan Farmaajo inuu ku soo laabto Muqdisho, halka kuwo kale ay aad u dhibsanayaan, iyagoo inta badan ku hal-qabsanaya amniga soo hagaagay Farmaajo kadib iyo xiriirka Itoobiya oo heer sare joogay xiligii Farmaajo, balse hadda ay xiisadda labada dal cirka isku shareertay. Waxaan dib u eegnay dhigaalada fal-celinta ah ee dadku ku soo direen qeybta faalada ama comment-ga muuqaalkii uu Farmaajo galabta…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta guddoomiyay shir looga hadlayay arrimaha canshuuraha. Shirkan ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Wasaarrada Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle waxaana ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), guddoomiyayaasha labada Gobal ee Shabeellada dhexe iyo Hiiraan waxaa kale oo ku wehlinayay guddoomiyayaasha degmooyinka Dowladda Hirshabeelle. β€œWaxaa kordhay dhaqaallaha Dowladda Hirshabeelle waxaana sabab u ah dadaalka aan ugu jirno ka hortaga musuqmaasuqa, dhaqaallahaasi waxaan ugu faa’ideysan doonaa mashaariic kala duwan oo ay hirgelineyso Dowladda Hirshabeelle.” Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa faray dhinacyada dhaqaallaha ee Dowladda Hirshabeelle inay dhowraan ammaanada haddii kale…

Read More

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Hirshabelle Maxamed Ceynte oo gaaray degmada Beer-gadiid iyo Dhallinyarada Beer-gadiid oo codsaday dhismaha Garoon Kubadda cagta lagu ciyaaro https://youtu.be/F9migP7NZ74?si=uoXRtFFtJO8qkGLD Degmada Beer-gadiid ayeey ka shidan oo aay ka muuqato Amni iyo Horumar. Wasiir Ceynte madaxda socdaalkisa ku wehlisay oo amniga degmada ka jira ku naaloonaya waqti ka qaatay Dhallinyarada degmada Beer-gadiid https://youtu.be/WrAWWQM96Q4?si=LznJjO9JbRWhezPL

Read More

Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ayaa sheegay in baahida loo qabo dhammaystirka Dastuurka si looga gudbo qabyo-qoraalka uu in muddo ah uu jira. Yabooh ayaa sheegay in ka maamul Gobolka Banaadir ahaan uu soo dhawaynayo Guddigii kala duwanaa ee Muqdisho ku yeeshay shirka ay uga arrinsanayeen Sidii Kumeel-gaarka looga saari lahaa Dastuurka Dalka. Maxamed Axmed Diiriye, Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in tallaabo bogaadin mudan tahay in laga shaqeeyo hagaajinta Dastuurka Dalka iyada oo muhiimad…

Read More

Saraakiisha ammaanka ee Maraykanka ayaa ku dhiiranaya inay si cad uga hadlaan, farsamada casriga ah ee sida xawliga ah ku socota, gaar ahaan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ama Artificial Intelligence, iyo halista ka iman karta marka ay adeegsadaan dalalka cadawga ku ah Maraykanka, gaar ahaan xilliyada lagu jiro doorashada madaxtinimada ee soo socota. Agaasimaha hay’adda dembibaadhista Maraykanka ee FBI Christopher Wray ayaa soo saaray digniin ku aaddan, inay jiraan isku dayo la doonayo in lagu farogeliyo codaynta muwaadiniinta Maraykanka, gaar ahaan cidda ay tahay inay u codeeyaan doorashada dhacaysa bisha November ee soo socota. Agaasimaha…

Read More

Soomaaliya ayaa billowday ololaha ay ku doonayso hanashada kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AUC oo ay ku metalayso Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo musharraxad isusoo taagtay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Fowsiya Yuusuf ayaa rejo wanaagsan ka muujisay in ay gacanta ku dhigto kursigaan iyada oo sheegtay in ay xoogga saarayso haddii ay ku guulaysato Horumarinta Qaaradda Afrika kuna soo kordhin doonno waaya-aragnimadeeda Siyaasadeed. Muddo xileedka kursigaan ay ku haminayso Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa 2025-2028 waxaana ku tartamaya Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Raila Odigna oo qudhiisu wada ololaha uu ku gaarayo guusha uu…

Read More