What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan (Taliye Shub) ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen hadii weerar dambe uu uga yimaado kooxda Al-Shabaab. Taliyaha oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalinjebinayeen ciidan ka tirsan Asluubta ayaa sheegay in askar badan uu u diyaariyey weerarada ka imaa kara Al-Shabaab. “Haddii nala-galo gurmad ma rabno Ciidankii Xabsigaan difaaci lahaa ayaan iridda ku dhisnay, taas la socda, hadii Shabaab noo yimaadaan waan isaga aadnaa,” ayuu yiri Taliye Shub. Taliyaha ayaa cadeeyey in ciidan kale aysan gurmad uga baahan doonin, balse wuxuu muujiyey in weerarro kale ay Shabaab…
Somaliya dowladihii soomaray 1960-90kii Somaaliya 1960-69kii ragaa haystay raiisulwasaare, wasiirka arimaha gudaha taliyaha ciidkan-ka police ka hadana waa ay cabanaayen, Markii lamagacaabay oo raiisulwasaare laga cabdirashiid cali sharmaarke waxaa mucaarad noqday cabdirisaaq xaaji xusein oo ina adeerkiis ah, Markii mucaaradka hala qanciyo la yiri waxaa la magacaabay cabdirisaaq xaaji xusein oo laga dhigay raiisulwasaare waxaa hadana mucaaraday cabdirashiid cali sharmaarke, Markii mucaaradka hala qanciyo la yiri hadana waxaa madaxweyne laga dhigay cabdirashiid cali sharmaarke , waxaa hadana mucaaraday cabdirisaaq xaaji, intaas waxaa ku ekaatay dowladii 1960-69kii , Soomaaliya 1969-90kii dalka waxaa xukumayey golaha sare ee kacaanka waxa ayna ahaayeen 25…
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiye kuxieenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn habdhowraha golaba shacabka ee baarlamaanka Dalka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Maxamed Maxamuud Xayd oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay. guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawo Sokor Cali ayaa xildhibaanada u faahfaahisay warbixinta akhrinta sedaxaad ee hindise sharciyeedka…
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu arkay wararka ku saabsan dilka Haniyeh Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa sheegay in uusan u malaynayn in dagaalka Bariga Dhexe uu yahay mid lama huraan ah, balse haddii Israa’iil la weeraro, uu Maraykanku difaaci doono Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii sheegay in Maraykanku “aysan ka warqabin ama ku lug lahayn” dilka hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyah. Wareysi uu siiyay CNA Singapore, Blinken wuxuu ku celceliyay sida ay uga go’an tahay xabad joojinta Gaza, wuxuuna sheegay inuusan qiyaasi doonin saameynta dilka Haniyeh. “Ma jiraan wax ka fogeynaya muhiimada in la gaaro…
Weriyaha Aljazeera Ismail Al-Ghoul iyo saaxiibkii ayaa lagu dilay duqeyn la sheegay in Israa’iil ay ka geysatay waqooyiga Qaza halkaasoo ay si toos ah uga soo warramayeen goob ku dhow guriga la burburiyay ee qoyska hogaamiyihii siyaasadda Xamaas, Ismail Haniyeh. Al-Ghoul, oo 27 jir ah iyo sawir qaade Rami Al-Rifi, oo labaduba ku noolaa deegaanka go’doonsan, ayaa lagu dilay xerada qaxootiga ee Al Shati, sida ay sheegtay shabakadda Aljazeera fadhigeedu yahay Qatar. Labada wariye ayaa si toos ah maalintii in badan uga soo warami jiray goob ku dhow gurigii hore ee Haniyeh, kaasoo lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran. Wariye…
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah golaha Wasiirrada, xubno Baarlamaanka, guddoomiyaha gobalka Hiiraan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa kormeer shaqo iyo dhagax-dhig ka sameeyay degmada. MASHAARIICA LAGA HIRGELINAYO DEGMADA JALALAQSI: 1. Xarunta Maamulka Degmada 2. Saldhig Booliis 3. Suuqyada Ganacsiga iyo Xoolaha 4. Maxkamadda Degmada 4. Dugsi Hoose, DHexe (Tardo) 5. Nalalka Cadceeda 6. Iskoolka Xanaannada Carruurta 7. Dayactirka Buundada 8. Daah-furka Mashruuca Taakulaynta Bulshada Nugul – Social Protection 5,000 oo qofood muddo 2-sanno ah (SCSS2).Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi…
Iyadoo ciidamada Israa’iil ay shaaciyeen in ay dileen hoggaamiyihii Xisbullah Fu’aad Shukri duqeyntii lala beegsaday duleedka koonfureed ee Beirut fiidnimadii Talaadada, ayaa ilo wareedyo ku dhow Xisbullah waxay u sheegeen wakaaladda wararka Faransiiska in hoggaamiyihii caanka ahaa ee militariga xisbiga Fu’aad Shukr uu ka badbaaday weerarka. Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay si sax ah ugu weerareen xaafadda koonfureed ee Beirut taliyihii mas’uulka ka ahaa dilka carruurta ee Majdal Shams, kuna dilay Israa’iiliyiin badan. Axios oo soo xiganaya sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in bartilmaameedka Beirut uu ahaa Fu’aad Shukr, kaas oo mas’uul ka ah dhammaan howlgallada militari ee Xisbullah.…
Taliyaha cusub ee ciidamada ATMIS Janaraal Sam Kavuma ayaa si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, isaga oo sheegay in ay in la isku kaashadu sidii loo wiiqi lahaa ururka al Shabaab ee liddiga ku ah amniga Soomaaliya. Kavuma oo magaalada Muqdisho soo gaaray Axaddii, ayaa waxa uu bogaadin u jeediyay dhamaan ciidamada ka kala yimid wadamada Afrika ee Soomalaiya u jooga hawlgalkaan, kuwaas oo ku guuleystay in ay al Shabab ka xoreeyaan meel badan, sidaas waxaa sheegay milatariga dalka Uganda. “Taliyuhu wuxuu ku nuux nuux saday sida iskaashigu hoos ugu dhigay awoodda ururka Shabab, Soomaaliyana uguhorseeday in ay horumar…
Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay e e furuqa daanyeerka oo laga helay qeybta koofur-bari ee dalka oo xad la leh Tanzania. Fayraska ayaa laga helay qof ka soo safray Uganda una socday Rwanda isagoo sii dhex marayay Kenya. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in is dhexmarka aadka u sarreeya ee bulshada ee Kenya iyo qeybo kale oo dalalka Bariga Bulshada ka tirsan uu khatar ku yahay inuu cudurka ku faafo gobolka. Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku aaddan in nooca cusub ee dhimashada sababa uu ku faafo Bariga Afrika. Kiisaska ayaa sidoo kale laga soo sheegay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah…
Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay magaalada Tehran. Xamaas ayaa weerarkaas ku eedaysay Israa’iil, inkastoo Israa’iil aysan weli si rasmi ah uga jawaabin. Israa’iil ayaa horay wacad ugu martay inay baabi’in doonto hoggaanka Xamaas. Qaar badan oo ka mid ah ragga ugu darajada sarreeya ee ka tirsan kooxdan Falastiiniyiinta ah ee gacanta ku haysa Qasa, hadda iyo horeba, ayaan warbixintan gaarka ah ku eegaynaa. Saraakiishan ayaa qaarna la dilay qaana ay ka badbaadeen iskuday dil oo kaga imanayey Israel. Ismail Haniyeh Xigashada Sawirka,Reuters Ismail Haniyeh waxaa loo yaqaannay hoggaamiyaha guud ee Xamaas ilaa…