What's Hot
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido, waxa uuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii xalay ku dhintay weerarka, waxa uuna caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawacmay. Farmaajo ayaana sheegay in weerarka qaraxa ku bilowday ee Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ay muujineyso cadaawada ay kooxdaasi u qabto shacabka, waxa uuna ku sifeeyay Al Shabaab in ay yihiin kuwa diin iyo damiir aan laheyn oo caadeysay xasuuqa shacabka. ”Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta…
Saameynta ka dhalatay weerarkii lagu hoobtay ee xeebta Liido ayaa sii xoogeysatay, kaas oo lagu laayay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ahaa Saciid Macallin iyo xaaskiisa oo aroos ahaa, kuwaas oo xalay kamid ahaa dadkii ku caweynayay xeebta Liido ee Muqdisho. Marxumka walaalkiis oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dilka lamaanahaasi, wuxuua sheegay in gabadha ay ku geeriyootay qaraxa, wiilkana isaga oo ordayay laga toogtay dhabarka, isla markaana lagu dhuftay illaa 7 xabadood. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoyskan uu ahaa aroos cusub, isla markaana wiilka iyo gabadha…
Urur goboleedka IGAD ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Xoghayaha fulinta Ururka IGAD Dr.Workneh Gebeyehu oo ka hadlay ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha, waxaana uu u rajeeyay caafimaad degdeg ah. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaan waxashnimada ah, weerarradu ma wiiqayaan go’aanka dawladda Soomaaliya, shacabkeeda adkaysiga leh ama gobolka guud ahaan. taa beddelkeeda, waxay xoojin doonnaa go’aankeenna wadajirka ah dib u dhiska Soomaaliya iyo ciribtirka aafooyinka argagixisada,” ayuu yiri H.E. Dr. Workneh IGAD. Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Waxaan garab taaganahay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo…
Donald Trump ayaa sheegay in uu aqbalay soo jeedinta taleefishinka Fox News ee Mareykanka laga leeyahay ee ah in uu dood la yeesho madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris 4-ta bisha September. Dood dhexmartay madaxweynihii hore iyo madaxweynaha hadda Joe Biden ayaa loo qorsheeyay ABC News, 10-kii Sebtembar waxayna Ms. Harris ogolaatay in ay buuxiso booska Mr. Biden. Laakin Mr Trump ayaa sheegay in dooda ABC ay “hor istaagtay” sababna ay u tahay ka haritaamkii madaxweyne Biden ee tartanka doorashada. Balse Kamala Harris wali kama aysan hadlin soo jeedinta cusub ee Fox News. Labada musharax ayaa isku wajihi doona doorashada madaxtinimada…
Tan iyo markii magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu dilay Ismaaciil Haniyeh oo ahaa madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas, kaddib markii uu ka qeyb galay xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian, ayaa waxaa la sugayay in la ogaado cidda noqon doonta qofka bedeli kara Haniyeh kaas oo hogaamin doona socodka dhaqdhaqaaqa xilli xasaasi ah marka loo eego dagaalka socda ee kala dhexeeya Israa’iil. Mas’uulka xiga ayaa madax ka noqon doona xafiiska siyaasadda, kaas oo ah hay’adda fulinta ee Xamaas, waxaana la aasaasay 1989-kii, sida Muhib Suleymaan Axmed Al-Nawati uu ku sheegay buugiisa “Hamas from the…
Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay dhisto kow iyo toban garoon oo martigelinaya Koobka Adduunka sanadka 2034-ka. Mid ka mida garoomadaas ayaa la yaab leh, garoonkan ayaa laga dhisayaa joog dhulka ka sarreeya ilaa 350 mitir. Garoonka ayaa la doonayaa in laga dhiso Nihom, oo ah magaalo aan weli la dhisin oo ku taalla waqooyi-galbeed ee dalka. Wuxuu yeellan doonaa wiishash waaweyn oo lagu gaari doono kuwaas oo sidoo kale lagu kaari garoonka gawaari aan darawal lahayn. Garoonkan ayaa qeyb ka ah mashruuca ‘The Line’ oo ah mashruuc lagu kordhinayo dhaqaalaha dalkaas si loo yareeyo dhaqaalihiisa ku tiirsan shidaalka, waxaa qorshuhu…
Alle Naxariistii Janatul Fardawsa ilaah Haka Waraabiyo Ehelkii Iyo Asxaabta dhamaan Samir iyo iimaan allaha naga wada siiyo si gaar ah waxaan ugu tacsiyeynaa reer Balcad iyo Reer mohamed Jamac hooyo Samir iyo iimaan Alaha naga siiyo Maama Runtii Hooya Faduma qof naxariista badan dadka isku haysa oo Aad u Khayr jecel ayay aheyd Ilaaheey Waxana uga baryaa in uu janatul fardawsa geliya. Kitaabkeeda midigta Allaha ka siiiya
Kooxda Al Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta iyo midkii tooska ahaa ee xalay lagu qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, weerarkaasi ayaana lagu laayay dad badan oo shacab ahaa oo xeebta u tagay nasiino iyo dalxiis. War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in xalay weerar qarax ku bilowday ayna xigeen mid toos ah ku qaadeen maqaayada Beach View ee kutaalla xeebta Liido, waxa ayna sheegeen in goobtaasi joogeen siyaasiyiin, saraakiil ciidan, shaqaalaha dowladda, nabad sugid iyo askar katirsan ciidanka dowladda. Al Sahbaab waxa ay sheegeen in weerarka ay ku qaadeen xeebta Liido ay…
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, oo goordhaw warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii xalay kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay. Waxa uu sheegay afhayeenka in weerarka Al Shabaab uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kaa uu sheegay in uu isku qarxiyay dad shacab ah oo ku sugnaa dhulka bannaan ee xeebta Liido iyo hooyooyin halkaasi alaabo yar yar ku iibinayay. Afhayeenka ayaana sheegay in qaraxa kaddib dabley hubeysan oo gaaraya ilaa saddex nin ay galeen dhismaha maqaayada…
Qarax miino ayaa saakay haleelay gaari nuuca rakaabka ah oo ay ku safrayeen dad shacab ah , kaa oo marayay xulliga uu qaraxa haleelay deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe. Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa la kacay gaari nuuciisa lagu sheegay caasi ama Homy, waxaana gaariga oo ka yimid dhinaca magaalada Jowhar kuna soo jeeday magaalada Muqdisho saarnaa 11-qof oo rakaab ah una badnaa dumar. Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay todobo qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga miinada haleeshay, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay tiro kale oo…